Beegsiga Murrashaxiinta Xisbiyada Mucaaradka, Xubno Xidhan, Qaar La Raadinayo Iyo Dooda Booliska...Warbixin

0
Thursday April 29, 2021 - 10:43:15 in News by
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beegsiga Murrashaxiinta Xisbiyada Mucaaradka, Xubno Xidhan, Qaar La Raadinayo Iyo Dooda Booliska...Warbixin

    Beegsiga Murrashaxiinta Xisbiyada Mucaaradka, Xubno Xidhan, Qaar La Raadinayo Iyo Dooda Booliska...Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beegsiga Murrashaxiinta Xisbiyada Mucaaradka, Xubno Xidhan, Qaar La Raadinayo Iyo Dooda Booliska...Warbixin



Hargeysa(HWN):-Xadhigga loo geysanayo Murrashaxiinta ka sharaxan Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa kordhay maalmihii u dambaysay, iyada oo qaar la xidh xidhay, halka kuwa kale oo waaran loo soo jarayna lagu daba jiro qabashadooda.




Murrashaxiintan la beegsanayo oo ah kuwa Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID ka sharaxan, ayaa qaarkood maalmihii u dambeeyey Saldhigyada bileyska ee Magaalooyinka qaar ku xidhnaayeen, halka kuwo kalena la raadinayey si loo xidho.


Murrashaxiinta ayaa ah kuwo u sharaxan Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee doorashada la filayo in ay qabsoonto bisha dambe ee May 31-keeda.


Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa war ay soo saareen, waxa ay faah-faahin kaga bixiyeen sababta loo beegsanayo ee loo xidhay qaar ka mid ah Murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland.


Ciidanka Bileysku, waxa ay qireen in ay jiraan Murrashaxiin xidhay iyo kuwo ay waaran qabasho ah u haystaan oo ay soo xidhayaan, kuwaas oo ka sharaxan Xisbiyada Waddani iyo UCID.


"Waxyaabaha ka soo baxay Tartamayaasha Doorashada qaarkood ee dunuubta iyo eedaha ah.waxa imika 40kii cisho ee ina dhaafay booliska soo gaadhay eedo badan oo ku saabsan murashaxiinta taas oo arintuna ahayd shahaadooyinka ay sitaan oo foojari ah iyo waxyaabo kale, Taas oo boolisku markii uu baadhay u cadaatay in dembiyo dhaceen foojirina ay sameeyeen sida ku cad qodobada 371,373,iyo 375 Ee X.C.G.” Ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah ee ka soo baxay Ciidanka Booliska, waxaanay intaasi ku dareen " Boolisku waxay xeer ilaalinta iyo maxakamadaha dalka hor geeyeen cadaymo ku filan in dambigaa kor ku xusani dhacay, taas oo qayb ka mida ah garnaqsighoogu dhamaad ku dhawyahay oo uu maxkamadaha ka socdo qaybna imika bilow yahay kuwaas ayuu la mid yahay Murashax la yidhaa qaasim cali odawaa oo sedexdii cisho ee u dambeeyay ku xidhan saldhiga dhexe Ee Magaalada Hargeysa, maxkamada iyo xeer ilaalinta waxaanu hor gayn donaa cadaymo ku filan.


dhamaantoodna waxaanu muwaadiniinta kor ku xusan xadhigooga u marnay sifo sharciya oo waaran maxkamadeed ah. waxaana wanagasanayad qoladii lahayd khalad ayaa loo xidhay in ay sugaan nataajida maxkamada ama ay ka qayb galaan dhagaysiga garnaqsiga maxkamada.”


 

Ciidanka Bileysku waxa ay sheegeen in ay jiraan murrashaxiin kale oo ay waaran Maxkamaddeed u hayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin haween ka sharaxan Gobolka Togdheer, waxaana lagu yidhi "Waxa kale oo jira dad kale oo ay ka mid yihiin. 1 gabadha la yidhaa kubra Xasan Maxamuud oo xisbiga waddani uga sharaxan gobalka togdheer iyo gabdha kale la yidhaa canab cabdi ow xirsi oo xisbiga ucid uga sharaxan gobalka sool,Kuwaasoo aanu u hayno waaran maxakamadeed, waxaanu ku adkaynaynaa in ay hay’addaha amniga u tagaan oo ay is baraxaan hadii ay u tagai wayaana sifo sharciga waafaqsan ayuu Boolisku usoo qabandoono, Waxa kale oo jira kuwa kale oo iyaguna eedaysanayaal ah oo baadhitaan lagu wado.”


Xadhigga murrashaxiintan, waxa ka hadlay oo si adag u cambaareeyey Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, kuwaas oo ku tilmaamay in aanay u dul qaadanayn xadhigga murrashaxiintooda.


Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID, ayaa labaduba waxa ay warbaahinta u sheegeen in tallaabada lagu xidhay murrashaxiintaasi ay yihiin kuwo ka soo horjeeda geeddi socodka doorashooyinka iyo xeerarka anshaxa ee ay hore u kala saxeexdeen dhinacyada ay khusayso doorashadu, waxaanay ugu baaqeen Xukuumadda in ay wax ka qabato arrintaasi, murrashaxiinta loo soo celiyo xoriyaddooda.


Geeska kale, Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo musharax Qaasim Aadan Saleebaan, oo ku xidhan magaalada Hargeysa.


Guddida ayaa sidoo kale ugu baaqay laamaha Dawladda in aan la xidhin Musharraxiinta ku soo baxay Liiska rasmiga ah ee guddida Doorashooyinka Somaliland. "Murrashaxiinta, Hawlwadeennada Xafiisyada Doorashooyinka iyo weliba Wakiillada Xisbiyada lama xidhi karo xilliga doorashada, Haddii aan La qaban iyaga oo Dembi Ciqaabeed Faraha kula jira” waxa sidan lagu yidhi War-saxaafaddeed ka soo baxay Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland

 



Loading...
Loading...