Qorshe La Doonayo In Xilka Lagaga Qaado Raysal Wasaare Rooble Oo Laga Digay, Siyaasada Soomaaliya Oo Aan Saldhigan Iyo Xaalada Taagan....Warbixin

0
Thursday April 29, 2021 - 10:36:01 in News by
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshe La Doonayo In Xilka Lagaga Qaado Raysal Wasaare Rooble Oo Laga Digay, Siyaasada Soomaaliya Oo Aan Saldhigan Iyo Xaalada Taagan....Warbixin

    Qorshe La Doonayo In Xilka Lagaga Qaado Raysal Wasaare Rooble Oo Laga Digay, Siyaasada Soomaaliya Oo Aan Saldhigan Iyo Xaalada Taagan....Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshe La Doonayo In Xilka Lagaga Qaado Raysal Wasaare Rooble Oo Laga Digay, Siyaasada Soomaaliya Oo Aan Saldhigan Iyo Xaalada Taagan....Warbixin


Hargeysa(HWN):-Xiisadaha Siyaasaddeed ee ka alloosan Somalia, ayaa 24 sacaddood ee u dambeeyey kolba weji cusub galayey, kuwaas oo dhaliyey shakiyo horleh oo xaaladdii cakirnayd uga sii dari kara.




Tan iyo intii Farmaajo hadlay habeen hore xilli dambe oo uu sheegay inuu maalinta sabtida ah hortegayo Baarlamaanka Somalia, waxa soo baxay warar sheegaya in la qorshaynayo in Barlamaanka Xilka ka tuuro Raysal Wasaare Xuseen Rooble, ka dib markii uu ka horyimid muddo kordhintii loo sameeyey Madaxweynaha.


Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ka dhigay in xilka laga qaado Raysal wasaaraha.


Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlayey arrintan, ayaa yidhi "Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha. Waxaan uga digaynaa 54ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey in aysan fidno kale ka sii shaqaynin. Rooble waa in uu tillaabada la hormaraa oo uu hoggaanka qaataa, casuumadda shirka fidiyaa, oo uu saamileyda ballaariyaa, ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa, amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa, taageerada beesha caalamka kasbadaa. Go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin ayaa laga rabaa.”


Cabdi Qeydiid oo isaguna arrintan ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi "Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada inaysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaadana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya, arrintii ay qaadeen 12-kii bishii April ee aheyd kordhinta labada sano waaye waxa dadna u dhintay dadna u dhaawacan yahay, dadna u barakaceen,” ayuu yidhi.


Barlamaanka Somalia, ayaa isaguna beeniyey in ay jiraan wax qorshe ah oo xilka lagaga qaadayo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.


Loading...
Loading...