Wasiirka Ciyaaraha Oo Tilmaamay Masuuliyiin Xisbiyadda Mucaaradka Ka Tirsan oon Ka Qayb-Galin Xuska 18KA May.
Hargaysa(HWN)Wasiirka wasaardda dhalinyaradda iyo ciyaaraha somaliland Boos mire Maxamed ayaa sheegay in masuuliyiinta hormuudka u ah xisbiyadda mucaaradka somaliland qaarkood aanay waligood ka soo qayb-galin xuska 18ka may.
![]()
Wasiir Boos ayaa Tilmaamay in arintan uu sheegayaa ay tahay xanta magaaladda ku jirta balse waxa uu afkiisa ka dhawray inuu tilmaamo masuulkan uu eedaynayaa xisbiga uu yahay waxaana uu yidhi.
"Magaaladda Waxa ku jira madaxda xisbiyadeena oo ah xisbiyo qaran ahna halkan muraayad qaran laga daawado waxa la leeyahay qaar ayaan waligoodba ka qayb-galin xuska 18ka may waana xanta magaaladda,markaas dhamaanteen inaga oo dhalinyaro iyo shacbiba eegayna bal waxa aynu hubinaynaa 18ka may ee tobanka cisho inaga xigaan in xantaasi xan jirta tahay iyo inaanay jirinba.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Erayl Tv
Intaas waxa uu ku daray wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha somaliland Boos Mire Maxamed Isaga oo hadalkiisa siiwata.”Qaarba waxa la leeyahay marka ay soo dhawaato xuska 18ka may ayay diyaarado racaan oo ay ka tagaan wadanka markaas 18kan may ee tobanka cisho inooga hadhay waana aynu wada joogaaneye bal hadaba sida ay uga soo qayb-galaan ayaynu eegaynaa,arinkan aan sheegayaana waa xan uun magaaladda ku jirta balse waynu eegi doonaa.
Wasiir boos ayaanay wasaaradiisu wax maal-galin ah ku samayn koobabka bisha ramadaan ka socda garoonadda gaarka loo leeyahay ee bulshaddu u samaysay in ay ku ciyaraan dhalinyaradda somaliland taasina waxa ay markhaati madoon u tahay dhaliilaha inta badan xisbiyadda mucaaradku ku gananaan wasiirka ciyaaraha boos mire maxamed.


0 





