"Dumarku Maanta Way Is Barbar Joogaan, Way Isku Codeynayaan, Way Is Taageerayaan" Murrashax Weris Dhoobaale

0
Thursday April 29, 2021 - 10:30:07 in News by
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dumarku Maanta Way Is Barbar Joogaan, Way Isku Codeynayaan, Way Is Taageerayaan" Murrashax Weris Dhoobaale

    "Dumarku Maanta Way Is Barbar Joogaan, Way Isku Codeynayaan, Way Is Taageerayaan" Murrashax Weris Dhoobaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dumarku Maanta Way Is Barbar Joogaan, Way Isku Codeynayaan, Way Is Taageerayaan" Murrashax Weris Dhoobaale


Hargeysa(HWN):-Weris Xuseen Cige (Dhoobaale), oo ka mid ah Murrashaxiinta u sharaxan Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan ka sharaxan Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, ayaa sheegtay in doorashada soo socota ay haweenka Somaliland is garab taaganaayn Hablaha murrashaxiinta ee u tartamaya Doorashooyinka 31 May.




Murrashax Weris Dhoobaale, waxa ay bogaadisay Haween is xil qaamay oo sheegay in ay taageero dhaqaale iyo mid cod ahba la garab taagan yihiin haweenka, iyada Marwo Weris Dhoobaale xustay in ay meesha ka baxday arrimihii la odhan jiray Haweenku isma taageeraan iyo isu codeeyaan.


"In badan ayaa la yooyootamayey oo la lahaa dumarku iyaga ayaan raalli iska hayn, iyaga ayaa iska soo horjeeda oo aan isu codeynayn, laakiin maanta waxaas way dhamaatay, dumarku way is barbar joogaan, way isku codeynayaan, way is taageerayaan, dhaqaale ayey isa siinayaan oo is garab taagan yihiin.” Ayey tidhi Murrashax Weris Dhoobaale, oo ka hadlayey madal ay tageerro ugu muujinayeen haweenka sharaxan.


Loading...
Loading...