Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Askari Jidh-dil u gaystay Haweenay Ajaanib ah

0
Thursday April 29, 2021 - 10:13:42 in News by
  • Visits: 2118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Askari Jidh-dil u gaystay Haweenay Ajaanib ah

    Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Askari Jidh-dil u gaystay Haweenay Ajaanib ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Askari Jidh-dil u gaystay Haweenay Ajaanib ah


Hargeysa(HWN):- Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay xidheen askari, uu muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay isagoo gabadh gacan u qaadaya.

Askari jidh dilay Gabdh


Warbixin lagu daabacayboga Facebook ee ciidanka Booliska ayaa lagu sheegay in gabadha uu askarigu gacanta u qaaday ay ahayd Oromo.


Booliiska ayaa sheegay in dhacdadani ay dhacday xili ay ciidanka booliisku ku guda jireen howlgal dadka bilaa sharciga ah lagu mastaafurinayay.


Warbixinta ayaa lagu yidhi "wakhtigan Oromada waddanka waa laga mastaafuriyaa sida darteed askariga, ayaa isku dayay in uu qabto nin gabadhan qaba kadibna iyada iyo koox kale, ayaa askariga gacan u qaaday sida ayuuna dhibku ku yimidā€¯


Booliiska ayaa sheegaymadama oo sida uu askarigu uga falceliyay arrinka gabadha anay wanaagsanayn askarigii la xidhay isla markaana sharciga la marin doono.

Booliiska Somaliland waxa marar kala duwan lagaga cawda sida ay uga falceliyaan dhacdooyinka qaarkood, waxana jira askar lagu xukumay sanado xabsi ah kadib markii lagu helay danbiyo gacan ka hadal ah.


Loading...
Loading...