Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 17aad

0
Thursday April 29, 2021 - 09:57:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 17aad

    W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub
Sadaqada iyo Soonka (2)


Haddii sadaqo aynnu bixinnay cimrigii inoogu dheeraanayo tallow aakhiro marka la joogo na sidee baynu ku noqon doona bixinta sadaqada? Xadiiska qiimaha badan ee ka warrama maalinta aan hadh jirin ee la taagan yahay bannaanka qiyaamaha ayaaba Rasuulku CSW ka soo reebay dadkaa badan ee bacadka taagan dad toddoba astaamood laga helay in aanay iyagu ku jirin kuwaa bacadka taagan, se ay helayaan hadh Alle SWT ugu talo galay. Haddaba toddobadaa waxa ka mid ahaa sida xadiisku sheegay qof gacantiisa midig waxay bixisay aanay ogaan gacantiisa bidix.



Sida macquulka ah marka qofku wax bixinayo labadiisa gacmood ayaa isku kaashada bixinta, sida lacag la tirinayo si loo bixiyo amase alaab la dhiibayo, ee ka warran gacantii ugu dhawayd ba haddii aanay ogayn waxay bixisay saaxibadeed. Murti Soomaaliyeed baa ahayd, "Midigtuba micin ma leh, hadday bidixdu maqan tahay.” Waxa aad arkaysaa in labadii mataanaha ahaa sidaa ku kala tageen. Waxa aad arkaysaa in aan dhayal lagu helayn galladaha Alle SWT, se shaqo dheeraad ah lagaaga baahan yahay, markaa waa halka aad is dhigto qof wallow ba.


Soonka dhexdiisa in aad wax sadaqaysato waa mid la dhiirigeliyey oo dadku wax wada qabaan, Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, "Qofka, qof sooman afuriya wuxu leeyahay ajarka qofka sooman.” Culimadu marka ay sharraxayaan xadiiskaa waxa ay yidhaahdaan; laga qaadi maayo kan la afuriyey ajarkiisii ee ajarkiisa oo kale ayaa isna la siinaya.


In aad ka war hayso jaarkaaga jilicsan waa mid loo baahan yahay, oo dambi ba waxa kuugu filan in adiga oo dharagsan jaarkaagina kugu ag bakhtiyayaan. Waana mid maanta dhacda in aad arkayso xaafad dhan oo haddana asturan in aan dabba loo shidin. Taas oo keentay in ay ka dhawrsadeen inay dadka wax waydiistaan. Alle SWT isaga oo wax walba inooga xogogaal badan, wuxuu inoo bidhaamiyey ka war haynteeda, "Ka wax ma garatada ahi wuxuu u malaynayaa dad xoolo leh is dhawrsanaantooda awgeed, waxa aad se ku garan kartaa tilmaamahooda, dadkana wax ma waydiiyaan.” Kuwaa ayaa ah in la ogaado oo laga war hayo, si Alle inoogu naxariisto.


Inta badan maanta waxa ina wareeriyey dad ay shaqo u tahay oo aan gaajo na soosaarin se soo shaqo tagay. Kuwaas oo masaajiddii lagaga tukan laayahay, halka kuwii ay ahayd in laga war hayo ee jaar iyo ehel ba lahaa la dayacay.








AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...