Ma Jibuuti Ayuu Dagaalkii 3-aad Ee Dunida Ka Qarxi Doonaa

0
Thursday April 29, 2021 - 09:51:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ma Jibuuti Ayuu Dagaalkii 3-aad Ee Dunida Ka Qarxi Doonaa

    W/Q: Cali Maxamed Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Maxamed Biixi
Jibuuti waa dal yar oo Bariga Africa ku yaala oo ay 8 sandhig ciidan ku wada leeyihiin awoodaha Dunida ugu weyni , qaar kalena way doonayaan in ay sandhig ciidan ka sameystaan.


Dadka Jibuuti waa dal faqiir ah , tirade dadkiisuna 800,000 oo kun ma dama, waana dal aan wax soo saar lahayn, waa dal ay dalalkii gumeystaha weligood isku hayseed, Laakiin waxay ku taalaa bad aad u Muhiim ah oo badda cas oo ganacsiga aduunka wada maro, Laakiin siyaasad ahaan waa dal degen.



Waxa degen ciidamo Fransiis ah iyo qaar Maraykan ah iyo Ciidamo Italian ah iyo ciidamo Spain ah iyo ciidamo China ah iyo ciidamo Japan ah iyo ciidamo India ah, qaar kale way u soo socdaan.


Waxa layaab leh ciidamada Maraykanka ah iyo ciidamada china-ha ah iyo askarta ciidamada kale oo meelo badan ku wada kulma jibuuti , sida huteelada iyo wadooyinka oo meelo badan isku afdhaafa .


Kumanyaal ciidan ah oo kala duwan ayaa ku wada nool oo dhamaantood is wada basaasaaya ,
Dhamaantood waxay ka wada faa'iiday sanayaan halka ay ku Taalo iyo badda jibuuti ee badda cas ku taala iyo Indian ocean , iyo in ay danahooda ka wada ilaashadaan .


Magaaladanu khatar ayay ku sugar tagay iyo nolosha dalkuba , hadii ay isku dhacaan ciidamadan dalalka kala duwan ee ku wada nool.


Gaar ahaan ciidanka dalka Maraykanka iyo ciidamada dalka china-ha oo maalin kasta isku dhaca ,
Waxaanay khatar ugu jirtaa in uu halkaa ka dhaco ama ka bilaabmo dagaalkii 3 aad ee Dunida iyo ciidamada dalka china-ha iyo ciidamada dalka India.


Halkaas waxa ka soo socdaa khatar .


Weliba dalka Somaliland-na khatar ayuu ku sugar yahay , kolkii ay xidhiidh weyn la yeesheen dalka Taiwan oo ay col yihiin dalka china , hadii uu dagaal 2-bada dal dhex maro. ?

Cali Maxamed Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...