Inta SHAY Ee Wadamada Afrikaakii U Dabranyihiin ... by Abdirashidosman
"waxaan hordhacaa yar ee kooban uga socdaa halka ay marayso heerka nolosha bulshada somalida"
marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bulshda afka somaliga ku hadasha
meel kasta oo ay joogaan mudanayaal iyo marwooyinba ,waxaan kaloo salaamayaa bahda saxaafada xortaa .
illaahay subxaanahu watacaalaa bini aadamka wuxuu u
abuuray cibaadadiisa iyo inay koonkan camiraan waxaa kaloo uu illaahay
ibni aadamka ka fadilay makhluuqaadkiisa kale ee uu abuuray isagoo
caqliga kaga fadilay ,hadaba markay sidaatahay si uu bini aadamku u
camiro oo ugu tarmo koonkan marxalado badan ayuu soo maray oo marba uu
talaabo soo qaadayey wuxuu u baahdoo kale inuu helo asaasiyaad si uu
unoolaado ka caawiya sida cunto,biyo ,isgaadhsiin ,tacliin ama
aqoon,caafimaad,laydh ama iftiin iyo qaar kaloo badan ,waxaynu kaloo
ogsoonahay inaanu intaaba markeliya wada helin ee uu marba qayb helayey .
waxaan hordhacaa yar ee kooban uga socdaa halka ay
marayso heerka nolosha bulshada somalida si caama ,si gaarana bulshada
somaliland ku nool waxaynu ogsoonahay inaynu ku naalo qaarad hodana oo
hadana dadkeedu sabool u badanyihiin asbaabuhu way badanyiin waxaanse ka
soo qaadanayaa yadoo hadana dowlad waliba sababaheedu u sii gaaryihiin
lakiin hadana inbadan bay kasimanyihiin shucuubta qaarada afrika waana
kuwan:
1- jahliga : jahligu waa mid aynu kala simanahay
dadka qaaradan kunool lakiinse marka qolo waliba hoos isugu noqoto
dadka afsomaliga ku hadlaa way kasii xag jiraan oo marka boqol kiiba la
eego waa mid aad u saraysa inkastoo aad moodo iminka inay sidii hore
dhaanto ,markaan iminka diirada yara saaro waxaa somaliland iiga muuqda
koboc xagaa waxbarashada oo aad u fiican khaasatan dhalinyarada taa
waxaa dhiiri geliyey xukuumadihii kala danbeeyey waxaa kaloo qayb wayn
ka qaatay nabad gelyada dalka sidaynu ogsoonahayna somaliland waa dal
nabada iminka mudo aad ubadan taasina waxay dhalisay in qoysaskii
dhalintoodii u diraan iskuulada oo shay dabiiciya maadaama ay nabadu
utahay horumarwalba asaas.,waxaa kaloo mid aad loo xusa kaalinta
tacliinta gaarka looleeyhay oo ah mid runtii hadaytahay iskuul iyo
jaamacadoba qayb wayn oo laxaadle ka tartay horumarka tacliinta .
2-Nabad la,aata: nabadu waa asaaska waxwaloo
horumara oo bini aadam ubaahdo qowlka odhanaya nololi jirimayso hadaan
nabadi jirina runtii waa mid saxa oo dhaba ,waxaynu ogsoonahay qaarada
afrika waxaa had iyo jeer ka jirta meelo badan xasiloonidaro ay sababaan
dagaalo iyo isku dhac had iyo jeer dhaliya barakacayaal taasina waa ku
lidi horumarka shucuubta .
3-Deganaansho la,aanta siyaasadeed :waa mid
runtii aafa oo ku habsatay qaradaa waxaa lagu tilmaamaa qaarada
inqilaabka iyo digteetarnimada ama kelitalisnimada taasina waxay had iyo
jeer sababtaa isku dhacyo iyo abuur jabhado taasoo aakhirka ku danbaysa
dagaalo ,alxamdulilaah somaliland qodobkaa isla markiiba way ka
gudubtay waxaana salka loodhigay hab dimuquraadiyadeed oo runtii ay
majeertaan iminka shucuubta iyo xukuumadaha afrika .
4- dhaqaale yari: dhaqaaluhu iminka waa hubka
casriga ee aduunka iminka bari iyo galbeed loo beretamo, dowladuhu siday
u kala dhaqaale badanyihiin iyo wax soosaar bay u kala quwad badanyiin
miisaankii iminka badnaanta iyo anaa kaa hub badan waa la dhaafay iminka
waxaa laysugu hanjabaa waa dhaqaalaha taasoo loo beratamo halka
dhaqaale laga helilahaa iyo dakhli umadaha horuumaray waxay ku faanaan
dakhliga mujtamacaadka ee fardi kasta ku soo hagaagi karta waxaan
filayaa somali halkaa wax laxuso maaha .
5-Kartida iyo tacab yaraanta : waa mas,alad
muhiima mujtamacu hadaanu isagu marka hore u dhalan karti oo isdirin
horumar badan magaadho markuu qofku isdiro oo tacab u dhaqaaqo iyo
dhaqasho ayuu midha dhal sameeyaa lakiin yaduna waxaa muhiima waa inoo
helo nidaam iyo xukun rashiida oo u kala habeeya howlihiisa iyo halkuu
wax ka bilaabilahaa iyo siday baahiyihiisu ukala muhiimsanyihiin
,hadaynunahay somali tacabka umaynu dhalanba ra,yigayga siiba reer
somaliland hadaan diirada sii saaro waa dad hadal badan oo ficil yar
tacabkiyo kartidana ka saboola iminka dalka markaad indha indhayso aad
bay u yartahay inaad ku aragto silcad dadka dalka udhashay ay soo
saareen noocay doontaba hanoqotee ,mujtamacaadka kale waxay layimadaan
fikrado ay shaqo abuur ku samaystaan markaasanay doonaan cidii u
fududaynlayd ama yagaaba wax isku biiriya somaliduse inay fadhiga ku
dheregtay wada doonaan.
6-Curinta: manihin umad wax curisa qodobkana
waxaan u arkaa kuwa inoo gaarka somali ahaan dad maskaxdooda ka
shaqaysiiya manihin waxaynunahay bulsho maskaxdooda caajiska baray oo
fadhiida dad baynunahay yaraysta waxa yaree waxtara inay bilaabaan si ay
u kobciyaan oo wax wayn u noqoto keena wax bartay iyo ka jaahilkii waa
isku mustawe mararka qaarkood oo kalaba saari maysid ,jaamacadahenu
malaha dhiiri gelin mana sameeyaan cilmi baadhis ku abuura ardayga
faduul curineed.
7-Hogaan xumo: inta badan nasiib uma helaan
shucuubta qaarada afrikadu hogaamiyaal ka turjuma riyooyinkooda ama ka
shaqeeya baahiyaha asaasiga ee noloshu ku dhisanto sida adeeg caafimaad
oo fiican,waxbarasho tayale,biyo nadiifoo ay cabaan,cunto nadiifa oo
tayale, iyo kaabayaasha kalee nolosha bulshadu ku horumarto ,bal
intaasoo aanay helin waxaa u dheer dayac iyo baylaha soo waajahda
musuqmaasuq iyo xoolo urursi lagula kaco ,kutagrifal awoodeed ,handadaad
iyo caga joglayn,eex iyo cadaaladaro ,kursi isku dhejin iyo kororsi
sida iminkaba ka muuqata wadamo badan oo somalia u danbayso ,umadu
markaa waxay u oomantahy badiba dalalkaa qaarada afrika kamidi hogaamiye
saxa oo u adeega oo aan ka shaqaysan haga oo u horseeda jidka
horumarka.
Guntii iyo gabagabadii waxaan biyo dhac uga dhigayaa
maqaalkaygan kooban markaan arkay mujtamaca somaliland heerkuu ka
taaganyahay nolosha iyo baahiyihiisa asaasiga si uu u camiro aduunkan
Inta uu kaga noolyahay in wax badani ka dhimanyihiin oo daruuriyaadka
noloshiisi ,asbaabahaa aan soo sheegay iyo kuwa kaloo badaniba way inagu
gadaamanyiin qaarna waxbadan kamaynu faaiidin ,hadaanse somaliland
sigaara uga hadlo waxaan odhankaraa labada qodob ee aan doonayo inaan
bulshada aad ugu dhiirigeliyaa waa qodobada( kartida iyo tacabka
,curinta) labadaasiba waa daruurihadaynaan isdirin oo tacban oo
nolosheena wax inoo faaiidale mustaqbalkeena iyo xaadirkaba kusoo
kordhin halkeenaa ka gudbi mayno dhalinyarada mujtamaceena waxaa lagu
qiyaasaa 70% waa xoogii dalka waa maskax cusub oo u baahan in laga
shaqaysiiyo intaasiba maanta fadhiidbay u badanyihiin weli ma arag meel
arday jaamiciyi ka leeyahay ama ku soo bandhigo wax uu mujtamaciisa ku
soo kotdhiyey hadii laga tegiwaayo waa fara ku tiris ,innta badan shaqo
la,aanbay ka cowdaan shaqadiina maskaxdooday ku jirtaa waa ayaandaro
runtii caalamka waxaa laysku dhaafay waa fikir iyo curin inana mid yar
iyo midwayn waxaynu ka sheekeenaynaa reer hebel iyo reer hebel , katoosa
hurdada oo heeryada caajiska tuura bulshow .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...