Adoo Qabiil Hoosta Ku Haysta, Ha Iga Doonin Qaranimo, Ee Doc Isugu Baydh ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday April 29, 2021 - 09:38:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Adoo Qabiil Hoosta Ku Haysta, Ha Iga Doonin Qaranimo, Ee Doc Isugu Baydh ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Nin-ba Tacabkii Tallooy Kaa Maal!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Nin-ba Tacabkii Tallooy Kaa Maal!
Waxan maanta rabaa in aan runta qaar badan taab-siiyo, oo wejiga kaga dhufto, waxay ay dib-naha ka sheegayaan in ay been tahay, oo ay rabaan in ay ku dedaan qaranimo aanay ahayn, ee reer ahaan ay hoosta ka difaacayaan, calaa-shaan askarigan jaahilka ah " Raggii ma adigaa ka hadhay" Aanay wax kale ugu sacab tumayn. In ay taasi cadaan tahay-na, waa tan xaqiiq-dii ee iga hooya, Marka aanu kulano, kuwa taageeradda beelaysan ku shaqaynaaya ee leh dawalad baa la duminayaa, ee aan is aragno ama wadda hadalo, su'aasha ugu horeysa ee ay i weydiiyaan waxa weeye " Habar-Jeclo-ba Waa adiggii sacabka u garaaci jireye"ee daba-dhilifka u ahaaye, Maxaa kugu direy Magaado?" Ee aad u eryanaysaa? Waxan ka nac-nac-leeya Guriggii Moorgan" Waa Ka aan sare ku soo carabaabay ee ah jaahilka dheg-jeexaha lehe. Hadaba saaka waxan "Far-Waaweyn" ugu qorayaa noocaas, oo aan taabsii-nayaa runta kuwa sidaas u hadla, waxa-na ay tahay oo aan ku leeyahay, waar cadaysta boog-tiina, wax idiin qarsooni ma jirto'e, reer hebel u dagaalan baad tihiin, ee qaran aad difaacay-saan ma jiro, runta ma isla soo hor fadhiisanaa? Oo wax ma isu qirnaa? Mise waxad ku jiraysaan wax baa nala yidhi? Inta aad wax kaste qudhmi-saan idinku? Intaynu ka baxno khiyaaliga. waynu isla naqaan waxad difaacysaan, oo isu dhuuman-mayno'e, waa reernimo'e ee ma jirto Somaliland aad naf u haysaan, oo waa taas xataa masaakiintii gurya-hooddii cagaf-cagafta la geliyey, inta debedda la wadhay, ay dhaxanta iyo biyo la'aantu ku habsaday, ee ay hadh iyo habeenba qaaq-dda hayaan. uu xoog askarin waalani kaga qaadaayo'e. Waxad noo sheegay-saan oo keliyi " Waa maxay sababta aad dadka u rabtaan in aad indho saabtaan? Ha ku marmar-soonina qarane, si toos ah noo dhaha noo daaya maamulka-yaga" Taas baanu wax ka garanaaye ama fahanaaye.



Aan dib ugu soo noqdo su'aasha aan xagga sare ku tilmaamaye, horta haddii run la sheego ma hed baa ku baxaysa? Jawaabta aan siinayaa waxa weeye, asakrigan kala wareegsani iga walaahi weeyee, in aanu Siilaanyo meyd-kiisa daayoo aanu xaar-kiisa gaadhayn, isaga oo nool daayoo, ee ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye. Maxaad ugu gabanaysaan " inaga baa isku Magaado ah" dal dhan baa la idiin tirinayaa maxaa keenay " Magaado" Meeyey magacii isaaq ee isku duubnaa? Yaa halkaa kala geeyey? Ma cid aan ahayn askariga aad u sacab tumaysaan? Yaa beelo gaar ah cuqdad ka qaba? Yaa in yar oo beeshiisa ah mooyee, intii kale car juuq dheha yidhi? Waxan doono baan samayna-yaaye? Yaa maalin kaste ku afla-gaadoodda Goboladda bari? Marka laga soo bilaabo Galbeedka Hargeysa ilaa sanaag beelaha degan. ka maala hadaba waa taas uu idiin taliyo " Ina Cumar Geele" ee farmaajo lagu wareejiyey dal-kiiye. horaa loo yidhi "Nin-ba tamartii talooy kaa maal" Waa maah-maah aad u qoto dheer, oo micna-yaal kala duwan loo adeegsan karo, ha-yeeshee, waxan maanta u isticmaali doonaa, ta ah qof waliba, wuxu dhaxal-keedda helaa waxa uu ku tashado. Hadaba waxa la yidhi, oo ah murti aad u qaaliya iyana ah " Weel waliba waxa ku jira buu dhidi-daaye" oo la micna ah maah-maah-dda aan sare ku qayaxaye. Akhristaw waa sidaase, Qaar muqruq, maal, tallo inta-ba waxay lahaayeen isugu geeyey Reer hebel wax la yidhaaho, cadaana ay u tahay, oo qabyaaladi ay beerka googoysay, meel iska dhigay qaran, dal iyo dad, oo mid-na aan naf u hayn, ee xaal-koodu yahay car soo hadal qaad maamulka aan qasanayno, ee naga soo jeedda isir ahaan. oo misna ku marmar-siyoodda wax ay qaran ku-sheegaan oo runtii beel ah, aan sinaba biyo isu marin, maskax xumi-doodda is leh cadceed sacab ku qariya, baa hadana is leh la idinku garan-maayo, ee ummadda buste ugu soo hilaab-ta sheekadda beelaysan, oo ay hoosta ka wataan, ee bal cidda ay ku khaldi karaan waa ayo? ee loo dabaal-joog-taynayaa.


Mudo badan ayaan maslaxo raadinaynay, oo meel kaste-ba shicibku la taagnaa ( wixii aan iyaka ahayni) waar ka daaya sidaas, oo ay dhegaha ka fureysteen, caalaa-shaan wax baanu is moodnay, oo cid wax na yeeli kartaa ma jirto, hadaba ku baabi'ise dal-kiiye, oo hadeer ma jiro'e, joojiya sheekadda daciifka ah, ee aad leedihiin Abdi-Shootalaw intaa yar ha inaga burburin, Ma idnka baa dumiyey mise aniga? Waxa ka horeeya taas in aad is weydii-saan " Horta dal ma jiraa imika? Yaase halkaa dhigay ama burburiyey? Ee ku tuntay wixii loo soo basan-baasay? Taas oo in ka badan milyanka qof ay ugu dhigteen xabadda iyo curdurka kaneecadda? Baroortu orgaca ka weyn, Yaa dhul boobka wadda? Sakan Askarigu af-kiisa ku cadeeyey waxan ahay "Caaqil Beeleed, sideed baad mar-kaas iigu tidhaahaa Waa mujaahid ama madax-weyne, isagii baa sheegaay wuxu yahaye ? Sawkan yidhi Musharaxa beesha aan Caaqilka u ahay, Xusbi kale iskama soo sharixi karaan! ee xidh-xidhay, Madxanimadu ma sidaas baa, ood weliba ku dooday-saan qaran baa jira, kuna difaacy-saan anshax xumidaas. Sawtan Askarigan aan lagu soo dhawaan iyo qoys-kiisu ay meel walba ku murmayaan, dhulkan ay hadda sheegana-yaan, maxay hore ugu qabsan waayeen masaakiinta? Maamuladdii wixii la odhan jirey Somaliya ee hadda ah " Al-Shabaabland", maamulkii Abdirahman Ahmed ALI ( Ihun), Kii Mohamed X. Ibrahim Egal ( Ihun), Maamulkii Daahir Riyaale ( (Ilaah haw kordhiyo caafimaadka iyo cimirigaba'e) Iyo Maamulkii Ahmed Siilaanyo ( Alle Caafimaad ha siiyo'e) Ilaa markii uu askarigu boobay foodkii, waa taas uu qoys-kiisu u fadhatay-sanayaa masaakiinta dan yarta ah baloodha-dooddii? Ka jawaaba ciiro isku qarin looma baahnee. Waxan ku soo dabray maqaalkan joojiya bac-bacdda wax la isu reebayaa ma jiraane, oo idinka baa sidaas xeeraye, mana jirto, been la isu sheegayaa oo dambe, oo ah tolaay yaa isaaq aheey? Waayo halkaad dhigteen bay taalaaye? Yaa colaadda dhex dhigay beelaha gobol walba wadda degan? Ee yidhi birta iska asla? Yaa ku xukuma qaynuunkii istic-maarka ee ahaa " Qaybi oo xukun? Kuwa siddaas ku ayidsan weliba waa ayo? Hadna ilmo been-been ah qubayaa iyo wax baa beel la yidhi? Ee diiday cadaalad, sinaan, wax wadda lahaansho, xoriyatul-qawal, ee hantiddii ummadda ka wadda dhaxaysay, in yar oo ku xidhan askariga faraha u geliyey iyo qoyskiisa gaajo ka yaabka ah iyo faqri ku korka, ilayn waa duul aan wax lahaan jirin qoyska askari-guye ama wax xukumi jirine. Kuwa meel walba isku cuna duubay waa ayo? Aan is weydiino'e. Waxan kaga baxay maqaalkan, kala daaya wax baa nala yidhi iyo sidaan doono baan u soconayaa, oo doc uun ku adkaysata, cidi usga-geed oo la isu habaynayaa ma jirtee.


* N.B Nin-ba Tacabkii Tallooy Kaa Maal!
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...