Farmaajow Hadalkaagii Walaxaa Ka Dhinaa!!!
Berigii Jirde Xusseen uu gurigii dheeraa ee Sifooye centre ka dhisay magaalada Muqdisho ayaa Faarax Gololay ku yidhi ” Walaxaa ka dhiman ",’ deedna markaasaa la waydiiyay waxa ka dhiman wuxuuna ugu jawaaba ” Taayaraa ka dhiman” ,
hadda waxa uu u jeedaa marka beladu dhacdo Taayaradii aad Hargeysa ku geyn lahayd baa ka dhiman.
Khudbadii koobnayd Farmaajo ee 2dii habeenimo la sii daayay anigu waxaan lee yahay ” walaxaa ka dhiman ” , waxaana ka dhiman aan jawaabta raacsadee inuu yidhaah marka uu golaha shacabka hortago ” Mar haddii dadkii maalintii lay doortay wadooyinka saqda dhexe ii banaan baxaayay ay maantaba maalin cad ha dhaco I lee yihiin, kol hadday xabadi ka kor qaraxday oo ay qaxeen, waxaan go’aansaday si sharaftayda, magacayga iyo naftaydaba aan daba qabto, sidaa daraadeed waan is casilay, waxaanan taladii ku sii wareejiyay Raysalwasaaraha si uu doorasho idiin gaadhsiiyo ".
Haddiise uu taa hareer maro, ilduufana oo uu weli damac doorasho sii yeesho ogow waa la tijaabiyay oo uu liicay xitaa hadduu helo doorashada wax danbe filo.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!