Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Xadhiga Murashax Qaasim Aadan Saleebaan

0
Thursday April 29, 2021 - 08:50:30 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Xadhiga Murashax Qaasim Aadan Saleebaan

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Xadhiga Murashax Qaasim Aadan Saleebaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Xadhiga Murashax Qaasim Aadan Saleebaan

Hargeisa(HWN):-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in sifo sharci-darro ah lagu xidhay musharax Qaasim Aadan Saleeban oo ka sharaxan xisbiga WADDANI.



Xoghayaha guud ayaa booliiska ku eedeeyay in ay sifo sharci daro ah u mareen xadhiga Musharixiinta, isaga oo sheegay in hab dhaqanka Booliisku uu caqabad ku yahay doorashada.

"Ta ugu daran ee maanta taagan carqalad weyna doorashada ku ahi waa hab qadhanka booliiska iyo sida loo xidh xidhayo Musharixiinta” ayuu yidhi xoghayuhu.

"Xeerka doorashooyinku wuxu dhigaya in Musharax ay guddida doorashooyinku si rasmi ah u soo sareen aan la xidhi karin hadii aanu danbi faraha kula jirin”.

"Sharcigaasi waa cad yahay haddii cid sharci ixtiraamaysa ay waddankan ku nooshahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xoghayaha ayaa sheegay in Musharax walba inta aan la ogolaan uu xeer ilaalinta ka soo qaato warqada danbi-la’aanta taasi oo Musharixiinta xidhani ay soo mareen.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in maaddaama oo uu Musharaxoodu soo qaatay warqada dabi la’aanta ay taasi ka dhigan tahay in aanu danbina galin danbina ku jirin.

Khadar Xuseen ayaa ah masuul kii labaad ee ka tirsan xisbiga WADDANI oo ka hadla xadhiga Murashax Qasim Aadan Saleeban.

Loading...
Loading...