Muxuu Maraykanku ugu dheggen yahay Qarreenkii hore ee Trump?

0
Thursday April 29, 2021 - 07:21:48 in News by A. Asbaro
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Maraykanku ugu dheggen yahay Qarreenkii hore ee Trump?

    Rudy Giuliani: Baarayaasha Mareykanka oo galay guriga qareenkii hore ee Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rudy Giuliani: Baarayaasha Mareykanka oo galay guriga qareenkii hore ee Trump


Hargeisa(HWN):-FBI-da Mareykanka ayaa waxa ay baaritaan ku sameeyeen guriga iyo xafiiska Rudy Giuliani, kaas oo aan jiray qareenkii hore ee Donald Trump.


Gelitaankaas ayaa waxa uu qeyb ka yahay qaabkii uu Mr Giuliani ula tacaamulay Ukraine. Qareenkiisa ayaa sheegay inuu ninkaas gaashaanka u daruuray inuu sharciga jabiyay.

Ka hor doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka ee 2020-kii, Mr Giuliani ayaa waxa uu horkacay dedaallo Ukraine loogaga soo helayo xog dambi loogu raadinayo musharrixii Xisbiga Dimuqraadiga ee waqtigaas, Joe Biden iyo wiilkiisa Hunter.

Mr Biden oo ku guulaystay doorashada ayaa isaga iyo wiilkiisuba waxa ay iska fogeeyeen inay wax khalad ah sameeyeen.

Mr Trump ayaa waxaa 2019 lagu oogay dacwad xilka looga qaadayay eedahaas oo ay ka mid aheyd inuu Ukraine gacan waydiistay si uu sare ugu qaado fursadaha dib loogu soo dooran karo.
Giuliani at a Republican hearing

Maxaan ka ognahay galitaanka guriga Giuliani?

Baaritaannada ayaa waxa ay Arbacadii ka dhaceen guriga uu xaafadda East Side ku leeyahay maayarkii hore ee magaalada New York, iyo sidoo kale xafiiskiisa ku yaal Park Avenue.

Dhowr qalab oo elaktaroonik ah oo uu leeyahay ninkaas 76-jirka ah ayaa la qaatay, sida uu ku warramayo wargeyska the New York Times.

Waaranka ayaa waxaa ku jiray eed ah in Giuliani uu ku guuldarraystay inuu isu diiwaangeliyo sida wakiil ajnabi ah. Sharciga diiwaangelinta wakiillada ajaanibta ayaa waxa uu dhigayaa in dadku ay tahay inay wasaaradda Dibadda uu wargeliyo haddii uu qofku wakiil ka noqonayo dal kale.

Qareenka Mr Giuliani, Robert Costello, ayaa waxa uu baaritaanka ugu yeeray "sharciga oo la xaday".

"Taasi maba loo baahnayn," Mr Costello ayaa waxa uu u sheegay warbaahinta Fox News, isagoo intaas ku daray in baaritaanka la sameeyay si "loo ekaysiiyo sida uu ninkaas dambiile yahay".

Waxa uu intaasi ku daray in gelintaanka lagu sababeeyay "inuu ku guuldarraystay inuu isu diwaangeliyo inuu yahay wakiil ajnabi".

Mr Giuliani ayaa goor sii horraysay waxa uu baaritaanka ku tilmaamay "cadaadis siyaadadeed oo cad".

Waa kuma Rudy Giuliani?

Mr Giuliani wuxuu ahaa duqa magaalada New York inta u dhaxeysay 1994 ilaa iyo 2001, xilliga uu weerarka 9/11 dhacayeyna magaalada New York mayar ayuu ka haa.

Wuxuuna ka mid ahaa 2008-ddi musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynanimada isu soo sharraxday, ka hor inta uu iscasilin oo uu taageera u muujin musharraxa John McCain.

Laga soo billaabo bish April 2018-ka wuxuu ku shaqeynayaa qareenka khaaska ah ee madaxweyne Trump.

Mr Giuliani ayaa madaxweyne Trump ku malayey wicitaanka taleefanka madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelensky bishi July wicitaankaasi oo uu ka dhashay muran saabayna inuu madaxweynaha uu sharci dajinta uu hor uimaaddo. Shakhsi ahaanna waxa uu ka qabanayey dalka Ukraine waxaa sida oo kale ku socsa baaritaan.

Trump ayuu ku qancinayay in doorashada loogaga shubtay

Rudy Giuliani, qareenkii hore ee madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa waxa uu ku andacooday in wax la isdabamariyay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.

Giuliani ayaa shir jaraa'id oo uu dhawaantan ku qabtay caasimadda Mareykanka ee Washington waxa uu ku celceliyay in kumannaan warqadaha codbixinta ah oo dheeraad ah waqti hore la geeyay goob codka lagu dhiibto oo ku taal magaalada Detroit.

Kooxda xaqiiqooyinka baara ee BBCda ayaa waxa ay ogaadeen in hadalka Giuliani uu salka ku hayo sheegashada haweenay ka mid ah dadka ka shaqaynayay doorashada oo ku andacootay inay aragtay laba gaari oo ay aheyd inay cunnada geeyaan xarumaha, hasayeeshee ay sheegtay ay tiri: "Weli ma aanan arkin cunto laga soo bixinayo labadaasi gaari, wax isku soo beegmay uun ma ahayn in la shaaciyay in Michigan laga helay in ka badan 100 kun oo warqadaha codbixinta ah laba saacadood uun kaddib markii uu gaarigii ugu dambeeya".

Eeddaas iyo eedo kalaba waxaa lagu laalay xukun soo baxay 13-kii Nofeembar halkaas oo xaakimku uu sheegay in ay yihiin kuwo aan la rumaysan karin.
Sida ay ku celceliyeen kooxda sharciga ee madaxweyne Trump kuwaas oo uu horkacayo Giuliani, waxa uu madaxweynaha ku andacooday in dhibaato ay ka taagneyd nidaamka codbixinta ee gobollada qaar ee baratanka adag ka jiray arrintaas oo horseedday in malaayiin cod loo weeciyo ninka ay tartamayeen ee Joe Biden.

Kooxda xaqiiqooyinta baara ee BBC-da ayaa sheegtay in aanan wax caddayn ah loo hayn arrintaasi, mana ay jirto wax arrintaas ku saabsan oo ay soo bandhigeen kooxda sharciga ee Trump.

Sida ay sheegeen madaxweyne Trump iyo kooxdiisa qaanuunka waxaa gobollo muhiim ah lagu xisaabiyay codadka kumannaan qof oo dhintay.
Kooxda xaqiiqooyinka baara ee BBCda ayaa eeddaas waxa ay ka baareen 10 kun oo qof oo codkooda ka dhiibtay gobolka Michigan kuwaas oo la sheegay inay dhinteen misana ay codeeyeen, waxaana la ogaaday in qeybtaas ay cayb laheyd hasayeeshee uusan jirin daliil cadaynaya eedahaasi.
Xigasho:-BBC-Somali  
Loading...
Loading...