Golaha Shacabka:-Waa Been Wararka Ku Saabsan Xil Ka Qaadista Rooble

0
Thursday April 29, 2021 - 07:08:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Shacabka:-Waa Been Wararka Ku Saabsan Xil Ka Qaadista Rooble

    Golaha Shacabka:-Waa Been Wararka Ku Saabsan Xil Ka Qaadista Rooble

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Shacabka:-Waa Been Wararka Ku Saabsan Xil Ka Qaadista Rooble

MUQDISHO(HWN):-Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegaaya in kulanka Sabtida uu yeelanayo Golaha la doonayo in xilka looga qaado ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Maxamed Mursal oo digniin u diray xildhibaanada ka tirsan golaha wasiirrada – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Qoraal uu soo saaray guddoonka Golaha ayaa lagu yiri "Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabku,Waxuu dhamaan Xildhibaanada, Xukuumadda iyo Dadweynaha lala Socodsiinayaa maalinta Sabtiga 1da May, in Madaxweynaha JFS uu hor imaanayo Golaha Shacabka uuna codsanayo in Goluhu ansaxiyo heshiiska dib-loogu noqanayo hirgalinta iyo fulinta Heshiiskii Doorashada ee 17 September 2020 si dalku u doorasho degdeg u galo.”

"Waxaa magaalada la soo galiyey warar lagu been Abuuranayo Golaha Shacabka oo sheegaya in Golaha Shacabku damacsanyahay in R/Wasaare Rooble Xil ka Qaadis lagu samayo taas oo ah War been abuur ah. Xiligan adage ee dalku juro, waa in Shacabka iyo Dawladda isla shaqeeyaan si ay u ilaashadaan dagnaashaha iyo horumarka dalkooda.”

Wararka ku saabsan xil ka qaadista Rooble ayaa aad u qabsaday baraha bulshada saacidhii dambe ee maanta. Sanator Cabdi Qeybdiid oo wareysi siiyey VOA ayaa ka digay isku day kasta oo xilka looga qaaday Rooble.


Loading...
Loading...