Doorashada Soomaaliya: Maxay u adag tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo?

0
Thursday April 29, 2021 - 07:01:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Soomaaliya: Maxay u adag tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo?

    Doorashada Soomaaliya: Maxay u adag tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Soomaaliya: Maxay u adag tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo?


MUQDISHO(HWN):-In muddo ahba waxa uu khilaaf xooggan ka taagnaa qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo ka dib dhacday waqtigii loogu talo galay, muranka oo in badan jiitamayayna wuxuu horseeday qalalaase ay dad badan ku barakaceen.


Doorashooyinka Soomaaliya ayaa u dhaca qaab dadban oo beelaha ay marka hore soo xushaan xubnaha baarlamaanka, kuwaasoo kaddibna doorta madaxweynaha.

Muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ekaa 8-dii bishii February ee sanadka 2021-ka laakiin wax doorasho ah lama qabanin sababo la xiriira ismari waaga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaarkood. Waxaa kale oo la isku fahmi waayay dhismaha guddi doorasho oo howsha fuliya.
Muddo xileedka Farmaajo wuxuu dhammaaday bishii February carada ka dhalatay doorasho la'aantana waxay isu baddashay qalalaase

Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sababta ay doorashada u adkaatay ku micneeyay saddex qodob oo kala ah:

Soomaaliya waxay dagaallo sokeeye la daalaa dhaceysay muddo tobannaan sano ah laakiin waxay horumar sameyneysay tan iyo sanadkii 2012-kii, markaasoo la aasaasay dowlad cusub oo beesha caalamku ay taageersan tahay, dhinaca amnigana ay ka xoojinayeen ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcadii sheegay in ismarriwaaga siyaasadeed uu indhaha ka weecinayay dhibaatooyin kale oo waaweyn, oo ay ku jiraan cudurka safmarka ah ee corona, weerarada ayaxa iyo kooxaha islaamiyiinta mayalka adag.

Xoogagga al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haya maamulka meelo ka baxsan caasimadda, waxayna mararka qaar weerarro ka fuliyaan Muqdisho.
Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii bartamihii bishii April ay baarlamaanka muddo kordhin labo sano ah u sameeyeen madaxweynaha iyo xukuumadda.

Saddex maalmood oo ay dagaallo ka dhaceen caasimadda kaddib waxaa jirtay cabsi xoog leh oo ay dad badan guryahooda uga carareen.
Madaxweyanah Soomaaliya ayaa si uu xiisadda ka taagan Muqdisho u dajiyo waxa uu ku baaqay in la qabto doorashooyin hor leh.

Farmaajo ayaa u muuqda in uusan ku adkeysaneynin muddo kordhinta labada sano ah oo uu isbuucii lasoo dhaafay meel mariyay kaddib markii la isku waafaqi waayay hannaanka doorashada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka barakacay ay tiradoodu gaareyso inta u dhaxeysa 60,000 ilaa 100,000 oo ruux.

Dad badan waxay ka cabsanayeen in waddanka uu lugaha la galo isku dhacyo beeleed oo la mid ah kuwii dhacay markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay sanadkii 1991-kii.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka qaxay ugu baaqay inay guryahooda dib ugu laabtaan.
Laakiin ciidamo kala taabacsan madaxweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lasoo tabiyay inay gacanta ku hayaan qeybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Loading...
Loading...