Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Waaran Qabasho Ah U Hayaan Laba Musharax Oo Dumara

0
Wednesday April 28, 2021 - 15:07:56 in News by
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Waaran Qabasho Ah U Hayaan Laba Musharax Oo Dumara

    Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Waaran Qabasho Ah U Hayaan Laba Musharax Oo Dumara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Waaran Qabasho Ah U Hayaan Laba Musharax Oo Dumara


Hargeysa(HWN):Booliska Somaliland ayaa sheegay in laba musharrax oo dumar ah oo u tartamaya doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka ay u hayaan Waaran Maxkamaddeed oo qabasho ah.
Ciidanka Booliska JSL - Home | Facebook


Labadan musharrax ayaa kala ah:

1- Kubra Xasan Maxamuud oo xisbiga Waddani uga sharraxan gobolka Togdheer.
2- Canab Cabdi Aw Xirsi oo xisbiga UCID uga sharraxan gobolka Sool.

Sidoo kale Boolisku waxay sheegeen in sifo sharci ah ay u mareen xadhiga Musharrax Qaasim Aadan Saleebaan oo xisbiga Waddani gobolka Sool uga sharraxan.

Booliska ayaa dhammaan musharrixiintan u haya eedo ay ka mid yihiin; shahaadooyinka ay sitaan oo foojari ah iyo waxyaabo kale oo aaney sheegin ciidanku.

Waxaa kale oo jira musharrixiin kale oo boolisku ku daba jiraan, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen maanta.
Loading...
Loading...