Khasaare Baaxad Leh Oo Gaadhay Hantida Donald Trump

0
Wednesday May 08, 2019 - 14:43:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaare Baaxad Leh Oo Gaadhay Hantida Donald Trump

    Xogta ku saabsan canshuurta madaxweyne Donald Trump ayaa muujisay inuu muddo 10

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogta ku saabsan canshuurta madaxweyne Donald Trump ayaa muujisay inuu muddo 10

sano gudahood ah ku lumiyay lacag dhan $1.17 bilyan oo doolar, sida lagu xusay warbixin ay wakaaladda wararka ee AFP kasoo xigatay wargeyska New York Times.



Khasaaraha la qeexay inuu ku yimid hantida Trump oo billowday 1980-meeyadii ayaa ka weyn mid walba oo soo maray guud ahaan shakhsiyaadka canshuurta bixiya ee dalka Mareykanka.


Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in Trump uusan canshuurta dakhliga usoo xarooday bixinin 8 sano oo ka mid ah 10-ka sano ee khasaarahaas uu ku yimid.


Warqadihii canshuur celinta ee uu Trump u gudbiyay waaxda federaalka sannadkii 1985-kii ayaa muujiyay inuu ku xusay khasaare dhan $46.1 milyan oo doolar, kuwaasoo ka soo gaaray ganacsiyadiisa kala duwan ee isugu jira hoteellada iyo dhismeyaasha.


10-kii sano ee xigtay ayuu khasaaraha sii socday wuxuuna sannadkii 1994-kii gaaray isku darka $1.17 bilyan oo doolar.


Warbixintan ayaa timid hal maalin kadib markii xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka Steven Mnuchin uu ku gacan seyray dalab ay xildhibaannada xisbiga Dimuqraaddiga ku doonayeen in lagu soo wareejiyo warqadaha canshuur celinta ee Donald Trump.


BBC

Loading...
Loading...