HAWEENKA IYO XISBIYADA: Murashaxiinta Baarlamaanka SL ee Doorashada 2021

0
Wednesday April 28, 2021 - 11:29:49 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HAWEENKA IYO XISBIYADA: Murashaxiinta Baarlamaanka SL ee Doorashada 2021

    Faallo:-HAWEENKA IYO XISBIYADA: Murashaxiinta Baarlamaanka SL ee Doorashada 2021

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-HAWEENKA IYO XISBIYADA: Murashaxiinta Baarlamaanka SL ee Doorashada 2021

Hargeisa(HWN):-Guddiga Doorashooyinka Somaliland, waxa uu Khamiistii shaaciyay liiska kama dambaysta ah ee xubnaha u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada ee muddaysan bisha soo socota ee May.



Marka la eego wadarta murashaxiinta lixda gobol-doorasho ee SL, waxa doorashadan u ordaya 246 musharax, kuwaasoo u tartamaya 82 ka kursi ee Aqalka Hoose (HoR) ee Baarlamaanku ka kooban yahay. Golaha muddo-xilleedkiisu dhammaanayo, waxa ku jirta hal gabadh oo keliya.


Tirada murashaxiinta doorashada u ordaya waxa Haween ah 13 xubnood, una dhiganta 5% keliya, halka ay 95% rag yihiin. Marka la fursadaha la siiyay ragga iyo haweenka, tirooyinka ku cad shaxda sare ku ku xusani, waxay khilaafsan tahay heshiis ay dhawr bilood kahor gaadheen saddexda xisbi siyaasaddeed ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID oo ku saabsanaa tirada murashaxiinta ee Haweenka laga siinayo doorashada Baarlamaanka ee mudaysan 31/52021.

No description available.

Heshiisku waxa uu dhigayay in si siman xisbiyadu gobol walba qoondo musharaxiin ah uga siiyaan, ugu yaraana ay Haweenku 18 ku yeeshaan tartamayaasha doorashada golaha Wakiillada.

Heshiiska xisbiyadu wuxuu yimi kadib markii uu meelmari waayay hindise-sharciyeed gaara oo muddo dheer laga shaqaynayay, kaasoo dhigayay in qoondo ama saami gaara (quota) oo 22% ah kuraasta golaha Wakiillada iyo kuwa Deegaanka laga siiyo Haweenka iyo dadka Lahayb-sooco, iyadoo ahmiyad la siinayo inay ka gudbaan caqabado dhaqan iyo kuwo kale oo ku gedaaman ka qaybgalkooda talada dalka.

Sida shaxdu muujisay, Haweenka ugu badani waxay ka sharaxan yihiin gobolka Saaxil (38%), iyadoo xisbiga UCID na noqday xisbiga fursada ugu badan siiyay Haweenka u tartamaya doorashada golaha Wakiilada, kuwaasoo uu ka sharaxay 5 gobol, iyadoo aanu haweenay ka sharaxin gobolka Togdheer. Labada xisbi ee kale, xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo xisbiga ugu wayn mucaaradka ah ee WADDANI midkoodna saddex gobol oo dalka ka mid ah Haween ba kamay sharaxin, inkastoo tirada xubnaha ay fursadaas siiyeen ay ku kala duwan yihiin.

HADDABA;

-Adigu maxaad ugu yeedhi lahayd ama ku tilmaami lahayd nooca dimoqraadiyadda SL qaadatay? Ka waran haddii loogu magac-daro, ‘dimoqraadiyadda ragga u xidhan’?

-Miyayse kula tahay in dalkeenu ku horumari karo iyadoo taladiisa ay daawadeyaal ka yihiin, dibadda na ka joogaan qaybta ugu badan muwaadiniintiisu?

-In aanay dhammaan xisbiyadu si buuxda u fulinin ugu yaraan heshiiskii u dambeeyay ee tiradii ‘cawri-gefka’ ahayd ee ay sheegeen inay ‘Haweenka’ u qoondeeyeen ama siin doonaan, sawir maka bixinaysaa sida aanay u danaynaynin taabo-gelinta tiirarka toolmoon ee hanaanka dalkeenu qaatay iyo ilaalinta xuquuqda uu sharcigu siiyay muwaadiniinta?

Loading...
Loading...