Dib ugu laabashada Miiska meesha maka saaraysaa khilaafka doorashada?

0
Wednesday April 28, 2021 - 11:07:57 in News by A. Asbaro
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib ugu laabashada Miiska meesha maka saaraysaa khilaafka doorashada?

    Dib ugu laabashada Miiska meesha maka saaraysaa khilaafka doorashada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dib ugu laabashada Miiska meesha maka saaraysaa khilaafka doorashada?

MUQDISHO(HWN):-Waxaa muuqata in haatan muhiim loo arko dib ugu laabashada heshiiskii 17-kii bishii September kaas oo ay wada gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir.Dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in isbadallada waaweyn ee dhacay saacadihii la soo dhaafay ee dhamaatood saldhigu yahay ku laabashada heeshiikaas ay yihiin kuwo muujinaya rajo iyo horumar laga gaaray ismari-waagii muddaba ka taagnaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Shirkii Duusamareeb


Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya,ayaa BBC-da u sheegay in dib ugu noqoshada miiska wadahadalka ay tahay arrin rajo galineysa shacabka Soomaaliyeed."Waxay ila tahay in wanaagga ah in miiska wadahadalka lagu noqonayo ay tahay rajo fiican oo u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed" ayuu yiri Daahir Qoriyow .
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Inuu madaxweyne Farmaajo oggalaado doorasho dadban oo ku saleysan heshiiskii 17-kii September meesha ma ka saaraysaa khilaafkii taagnaa?

Marka la fiiriyo hadalladii ugu dambeeyay ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,war-murtiyeedkii Galmudug iyo Hirshabeelle, soo dhaweyntii raysal wasaare Rooble iyo mamaul goballeedyada Koofur galbeed Jubaland iyo Puntland iyo qaar ka tirsan mucaardka ,waxaa muuqanaya in waxa ugu weyn ee hadda la isla oggalyahay uu yahay dib ugu laabashada miiska wadahadalka iyadoo udub dhaxaad looga dhigayo wadahadalkaas heshiikii 17-kii September, taas oo loo arko fursad meesha ka saari karta khilaafka xooggan ee ka taagan arrimaha doorashooyinka. Balse dhinaca kale waxaa dhici karta in aysan arrin fudud noqon in la soo afjaro khilaafkaas sababtoo ah dhinacyada qaar ayaa laga yaabaa in ay shuruudo ku xiraan waxyaabaha qaar.

"Si waa uga saareysaa oo wadahadalkaa lagu soo nqonayaa,sina ugama saarayso qolyaha qaar ayaa laga yaabaa inay sharuudo ku xiraan oo wakhti sii dheereyo ayaa noqon karta caqabad cusub oo u baahan in laga gudbo "ayuu yiri Mr Qoriyow .

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaaha Farmaajo,ayaa khudbadii uu xalay jeediyay ku sheegay in hadda iyo markii horaba ay diyaar u ahaayen doorasho aaney ku xirneyn shuruud oo lagu saleynayo heshiiyadii horey loo gaaray, "Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021,"
.

Hortagista Golaha shacabka muxuu kala kulmi doonaa madaxweyne Farmaajo?

Kadib khudbadii madaxweyne Farmaajo ee uu ku sheegay in Sabtida hortagayo Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa barta Faceboog ee Golaha shacbka waxaa lagu daabacay qoraal looga codsanayo xubnaha baarlamaanka in ay soo xaadiraan Sabtida kulanka oo la filayo in madaxweynuhu hadal ka jeediyo.

Inkasta oo aan la oggaan karin waxa dhabta ah ee uu kala kulmi karo marka uu Sabtida soo socota baarlamaanka hortago madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddan dadka taxliilaya arrimahaan ayaa qaba in maadama madaxda Soomaalida dhamaantood iyo beesha caalamkaba ay hadalladoodu u bateen in wax wlaba wadahadal lagu dhameeyo ay u fududahay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay u fududahay in ay ka laabtaan go'aankii muddo kordhinta.

"Waxaan filayaa maadama maamul goballeedyada Hirshabeelle,Koofur Galbeed, Galmudug iyo gabalka Banaadirba ay hadleen maadama raysal wasaaraha uu hadlay maadama beesha caalamka iyo maamul goballeedyada kale ay sidaan doonayeen waxay ila tahay inay u fududaan doonto baarlamanaka inuu aqbalo in ay ka laabtaan qaraarkii ay soo saareen" ayuu yiri Daahir Qoriyow Isaaq.

Tallaabadii horey Golaha Shacabku u qaaday ee muddo kordhinta uu ugu sameeyay hay'addaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka horyimid Madasha Qaran oo ay ku mideysanyihiin Musharaxiinta Mucaaradka ah madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, iyo sidoo kale beesha caalamka waxaana dhamaatood ay ku tilmaameen tallaabo sharci darro ah oo dalka u horseedi karta khalalaase siyaasadeed.

Loading...
Loading...