Guddoomiyaha UCID oo Hambalyo U Diray Shacabka Ku Dhaqan Magaalada MUQDISHO

0
Wednesday April 28, 2021 - 10:40:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha UCID oo Hambalyo U Diray Shacabka Ku Dhaqan Magaalada MUQDISHO

    Guddoomiyaha UCID oo Hambalyo U Diray Shacabka Ku Dhaqan Magaalada MUQDISHO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha UCID oo Hambalyo U Diray Shacabka Ku Dhaqan Magaalada MUQDISHO


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka iyo ciiddanka reer Muqdisho ku hambalyeeyay kacdoonka ay kaga soo horjeedeen muddo korodhsiga dowlada madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha oo aad ugu riyaaqay in lasoo afjaro muddo kordhintii dowlada Farmaajo ayaa yidhi "waxan hambalyaynaynaa saraakiisha iyo ciidanka Muqdisho ee ka dhiidhiyay wixii laynagu hayn jiray”.



"waxanu leenahay Muqdisho ma toostay heeryadiina ma tuurtay, Farmajana ma tuurtay baanu leenahay” Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay hore ugu hiiliyeen shacabka Somaliland.

"Waxanu leenahay hambalyo hambalyo, anaga reer Muqdisho waa kuwii noohiiliyay, kuwayaga kalkaase Farmaajo u hiiliyayna nooso dhiiba halkan ayaanu maxkamad ku saaraynaaye” Ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal, ayaa kamid ahaa dadka aadka uga soo horjeeday dowlada madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Loading...
Loading...