Baalashle ama Kabo'caseeye Billad'sharaf ma siin lahayd adigoo madaxah ?!!

0
Wednesday April 28, 2021 - 09:35:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baalashle ama Kabo'caseeye Billad'sharaf ma siin lahayd adigoo madaxah ?!!

    W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
Halyeeyo Qaranimadan usoo dhintay ayaan waxba lagasoo qaadin ,kuwo garaadkooda iyo garashadooda dadka iyo dalkaba u huray ayaa la inkiraa waxay qabteen, siday markaasi inoogu suura galikartaa in aynu Baalashle iwm qiimayntiisa iyo waxtarkiisa in aynu garano.

Qisadan waxaan idiin qorayaa aniga oo ninkaa aan ka sheekeynaayo u jira masaafo ahaan halka uu fadhiyo dhawr talaabo wax ka yar.
Caltanissetta waa Magaalo yar oo ku caan ah Kabo qurxinta ,taasoo ku taala Dalka Talyaniga gaar ahaan Gobolka Sicily. Duqa magaalada Roberto Gambino ayaa gudoonsiiyay Giuseppe Romano oo 77 Jir ah Billad sharaf xusuus mudan taasoo uu ku kasbaday Kabo nadiifinta magalada,Samirka,dadaalka iyo shaqo u adkaysiga Suuqyada.


Duqa Degmada Caltanissetta ayaa ka fikiray inuu siiyo billad xusuus ah, waayo waxa uu ninkani kasoo baxay shaqadisii dadkuna dhamaan waa ay ku amaneen.
Mayarka magalada ayaa isaga oo kusoo halqabsanaaya Ninkaasi Baalashlaha ah ayaa waxa uu yidhi "Isagu waa xusuusta iyo Taariikhda Magaaladeena waana tusaale cimri dherer oo anaan waligay ilaawi doonin,waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay Maayarku in uu Ninkani yahay muwaadinkii ugu horreeyay ee ifiyey Kabaha Dadka Magaladan degan muddo ku dhaw 60 Sano.


Mayarku isaga oo aan marnaba ka daalin Aamanta aadka u xooga badan ee uu kula duldhacay Muwaadinkaasi Baalashlaha ah ayaa waxa uu yidhi "Ninkani wuxuu metelaa shakhsiyad taariikhi ah oo aanaan ilaabi doonin wakhtiyo badan"".


Ninkan 77 Jirka ah ayaa Kursiga iyo qalabka u yaala waxa kusoo maray Jilaal Qabaw iyo Kulayl aan loo adkaysan marin oo farabadan, hadana iyada oo ay sidaasi tahay maalinkaliya shaqadiisa kamuu habsaamin macmiishiisuna marqudha may waayin waxaana u dheeraa dabeecad wanaag.


Biladdan la siiyey waxa kaloo ujeedkeedu ahaa dhiirrigelinta Nolosha,shaqada iyo kalsoonida qof ahaneed,waxa kaloo ninkan lagu amana in uu soo noleeyey dhaqankii lumay ee Talyaaniga.


Ninkan odayga ah ayaa waxa uu ka sheekeeyey xiligii uu shaqadan Baalashka uu bilaabay waxaanu yidhi ""Shaqadan ayaan ku guuleystay kadib markii aan bilaabay anoo yar,waxaan ka dhisay reer iyo in aan Guursado, inkastoo xaaskaygii ay dhimatay 6 sano ka hor hadana waxa ay ii dhashay afar carruur ah oo aan shaqadan kusoo koriyey .


Waxa kaloo hadaladiisa ka mid ahaa "waxaan ku shaqaysta Kursi sare oo loogu talagalay macmiilka, Sanduuq ay ka soo baxeyso silsilad bir ah oo uu macaamilku cagtiisa ku fadhiisiiyo, Dallad aniga iyo macmiilkaba naga ilaalisa Qoraxda iyo Roobka,Seexaarad iyo Sanduuq ay ku jiraan aaladaha aan ku shaqeeyo oo ay ka mid yihiin ,Burush, polish iyo qalabkale oo loo isticmaalo midabada Kabaha la qurxinayo.


Fiiro gaar ah


Caruurta aadka u yaryar ee inta badan Baalashka inoo qaada sidaynu ula dhaqanaa?
Ma sinaa Abaal marin dadka sidan oo kale waxtarka u leh dalka iyo dadka, misse waynu xaqirnaa?
Maxaad kaaga soo baxay qoraalkan?


Khadar Aar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...