Wakaaladda biyaha Oo Ka Hadashay Xogta Sheegaysa In Ay Biyo Ku Jiraan Qaybo ka mid Ah Caasimadda.

0
Wednesday May 08, 2019 - 14:41:14 in News by
  • Visits: 3196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakaaladda biyaha Oo Ka Hadashay Xogta Sheegaysa In Ay Biyo Ku Jiraan Qaybo ka mid Ah Caasimadda.

    Wakaaladda biyaha Oo Ka Hadashay Xogta Sheegaysa In Ay Biyo Ku Jiraan Qaybo ka mid Ah Caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaaladda biyaha Oo Ka Hadashay Xogta Sheegaysa In Ay Biyo Ku Jiraan Qaybo ka mid Ah Caasimadda.


Hargaysa(HWN)Wakaaladda biyaha hargaysa ayaa tilmaamtay inaanay wax xog ah ka hayn cilmi baadhis ay sameyeen qaar ka mid ah jaamacaddaha iyo haay’addaha dalka Oo Sheegaysa in biyo balaadhan oo ku filan caasimadda hargaysi ay ku jiraan Qaybo ka mid ah caasimadda hargaysa,waxaana ay tilmaameen in loo baahan yahay cidii samaynaysa cilmi baadhis xaga biyaha in ay soo maraan wakaladda biyaha hargaysa.



Mareeye Maxamed Cali Daarood ayaa dhinaca kale ku bogaadiyay xogta ay soo bandhigeen balse waxa uu tilmaamay in xogta ay hayaan ee baadhistooda ka soo baxday ay la soo wadagaan maamulka iyo khuburadda wakaaladda biyaha ee hargaysa waxaana uu yidhi.


"waa in ay sameeyaan latashi iyo xogsiin haay’adda arintan xogogaalka u ah ee shaqadoodu tahay tusaale ahaan halkan wakaaladda biyaha waxa aynu ognahay in ay joogaan dadkii ilaa jayniiska lasoo dhigay nidaamka biyo galinta hargaysa,markaas waxaan bogaadinayaa shirkadda oon filayo in ay wado cilmi baadhisteeda oo aanay gaba-gabayn waxaan ka codsanayaa in ay xogta ila soo wadagaan oo wixii aanu hayno khubarad halkan joogtana aanu anaguna la wadaagno madaama oo ay yihiin waayo arag mudo badan ku soo jira xaga biyaha.


Intaas waxa uu ku daray mareeyaha wakaaladda biyaha hargaysa Maxamed Cali Daarood isaga oo hadalkiisa siiwata.”jaamacaddana iyagana waxa lagu soo bandhigay cilmi baadhis xaga biyaha ah iyaddana waxaanu ka codsanaynaa si gaar ah in ay la soo wadaagaan xogtaas madaama oo ay shegeen in cilmi baadhistu ay socoto mudo shan sano ilaa afar sano ah,waxaanu leenahay cilmi baadhis socotay intaas oo sano suurto gal maaha in dalka cidii ugu xogogaal sanayd aanay uga baahan wax khibrad ah oo dhamaystiri lahayd quruxda cilmi baadhista ay sameyeen.


Mareeyaha wakaaladda biyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay haay’adda ama jaamacaddaha kale ee iyaguna doonaya in ay sameyeen cilmi baadhis ku saabsan biyaha in ay xogo ka soo doontaan wakaaladda biyaha hargaysa oo ay joogan khuburo cilmi u leh biyaha.


Haay’addahan iyo jaamacaddahan soo bandhigay xogta ku saabsan biyaha ayaa sheegay in koonfurta magaaladda hargaysa ay ku jiraan biyo balaadhan oo ku filan dhamaan caasimada balse xogtoodaasi wax xidhiidh ah kumay lahayn wakaaladda biyaha haragysa.


Loading...
Loading...