Mareykanka iyo Midowga Yurub oo taageeray go'aanka Galmudug, HirShabelle iyo Rooble

0
Wednesday April 28, 2021 - 00:38:06 in News by A. Asbaro
  • Visits: 760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka iyo Midowga Yurub oo taageeray go'aanka Galmudug, HirShabelle iyo Rooble

    Mareykanka iyo Midowga Yurub oo taageeray go'aanka Galmudug, HirShabelle iyo Rooble

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo taageeray go'aanka Galmudug, HirShabelle iyo Rooble

MUQDISHO(HWN):-Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ammaantay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle inay kasoo horjeesteen muddo korodhsiga, ayna ku taageerene heshiiskii 17-kii September.

Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas.
Careers in Global Development: Ambassador Donald Yamamoto | Center for Strategic and International Studies


Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo.

Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal.

Maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen "Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.


Loading...
Loading...