Ra'iisal Wasaare Rooble Oo Ka Hor Yimid Muddo Kororsiga Iyo Farmaajo Oo Shacabka La Hadlaya Caawa

0
Tuesday April 27, 2021 - 20:40:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Rooble Oo Ka Hor Yimid Muddo Kororsiga Iyo Farmaajo Oo Shacabka La Hadlaya Caawa

    "Qoraalka ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah qodobada hoosta ku xusan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qoraalka ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah qodobada hoosta ku xusan"

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo dhoweeyay war murtiyeed ay galabta soo saareen maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo ay kaga hor yimaadeen muddo kororsiga labada sano ee uu sameeyay Golaha Shacabka.




Qoraalka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah qodobada hoosta ku xusan:

·Waxaan soo dhawaynayaa war murtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.


·Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020.


·Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.


·Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda.


·Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah.


"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka,” ayaa lagu sheegay barta Villa Somalia.

Wixii kasoo kordha halkan kala soco

No description available.


Loading...
Loading...