Xukuumada Somaliland Oo Difaacday Talaabada Ciidanka Boolisku Ku Xidhayaan Musharixiinta Mucaaridka Ah

0
Tuesday April 27, 2021 - 13:27:02 in News by
  • Visits: 1662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Difaacday Talaabada Ciidanka Boolisku Ku Xidhayaan Musharixiinta Mucaaridka Ah

    Xukuumada Somaliland Oo Difaacday Talaabada Ciidanka Boolisku Ku Xidhayaan Musharixiinta Mucaaridka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Difaacday Talaabada Ciidanka Boolisku Ku Xidhayaan Musharixiinta Mucaaridka Ah

Hargeysa(HWN):-Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed, oo ka jawaabayay eedaha mucaaradka ee salka ku haya musharixiinta xidhan, ayaa sheegay in ciidamada amaanku anay qofna sifo sharci daro ah ku xidhin.
Badhasaabka Maroodi-jeex oo Iftiimiyay Dhibaatooyinka Deegaanka ee gobolkiisa Haysa



Badhasaabka oo waraysi siinayay muuqbaahiyaha MMTV, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiyada mucaaradku ay ciidamada ku eedeeyaan qafaalasho.


"Waxan arkayay xisbiyada mucaaradka oo leh dad baa la afduubtay, dad baa la qafashay, anuu waxan leeyahay taasi ceebay ku tahay xisbiyada mucaaradka” ayuu yidhi badhasaabku.


"Dadka sida u hadlayaa waxan filayaa in ay yihiin dad ka rajo dhigay in ay gaadhaan hankii loo sameeyay xisbiyada”.


"Ciidamadeena qaranku waxba ma qafashan qofna sharci daro kuma xidhaan, waxay wax ku xidhaan qof danbi galay oo xeer ilaalinta iyo maxkamaduhu soo gudbiyeen” ayuu hadalkiisa kusii daray.


Badhasaabka ayaa xisbiyada mucaaradka ugu baaqay in ay ciidamada aflagaadada ka daayaan waa sida uu hadalkiisa u dhigaye, isagoona sheegay in musharixiin xisbiga Kulmiye ka sharaxan la xidhay cidna anay ka hadal.


Waxanu sheegay in qofkasta oo danbi gala ay ciidamada boolisku xidhayaan.


Jawaabta badhasaabka ayaa imanaysa xili ay maalintii Axadii saraakiil katirsan xisbiyada mucaaradku ay dowlada ku eedeeyeen in ay xidhay musharixiin mucaarad ah isla markaana loo diiday in ay soo booqdaan.

Loading...
Loading...