"Xukuumada Muuse Biixi Waxay Inaga Dhigtay Maamul Goboleed Ka Mid Ah Soomaaliya"..Afhayeen Barkhad

0
Tuesday April 27, 2021 - 13:23:59 in News by
  • Visits: 1708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Xukuumada Muuse Biixi Waxay Inaga Dhigtay Maamul Goboleed Ka Mid Ah Soomaaliya"..Afhayeen Barkhad

    "Xukuumada Muuse Biixi Waxay Inaga Dhigtay Maamul Goboleed Ka Mid Ah Soomaaliya"..Afhayeen Barkhad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumada Muuse Biixi Waxay Inaga Dhigtay Maamul Goboleed Ka Mid Ah Soomaaliya"..Afhayeen Barkhad

Hargeysa(HWN):-Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jamac Batuun, ayaa xukuumada madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibad isla markaana la kala safatay mucaaradka iyo dowlada Soomaaliya.




Barkhad Batuun: A Man on A Mission!

Afhayeenka oo waraysi siinayay muuqbaahiyaha Sahan TV, ayaa sheegay in siyaasada arrimaha dibada Somaliland anay joogin halkii looga baahnaa.

Waxa kale oo xukuumada ku eedeyay in halkii ay awooda saari lahayd siyaasada dibada ay ku mashquushay in ay la kala safato dowlada iyo mucaaradka Soomaaliya.

"Diblumaasiyadeeni diciif bay noqotay waxana daliil u ah xidhiidhka aynu la leenahay waddamada jaarka inala ah” ayuu yidhi afhayeenku.

"Waxa muuqata in siyaasadeeni arrimaha dibadu fashiltahay, maanta waxay ahayd in dowlad iyo mucaarad ba inta laysku yimaado talo midaysan dunida lagula garnaqsado”.

"Lakin taa badalkeeda waata xukuumadeeni inaga dhigtay maamul goboleed kamida Soomaaliya, oo ay ku kala dhex milmayso Cabdixaashi iyo Khadar Guuleed” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Barkhad ayaa sidookale sheegay in xukuumadu ay lakala safatay madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Eedaynta xisbiga Waddani, ayaa imanaysa todobaadyo kadib markii ay xukuumada Somaliland baaq kasoo saartay xasilooni darada siyaasadeed ee ka dhex taagan mucaaradka iyo dowlada Soomaaliya.

Loading...
Loading...