Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Fariin Deg Deg Ah U Soo Diray Dhinacyada Isku Haya Siyaasada Soomaaliya

0
Tuesday April 27, 2021 - 13:20:22 in News by
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Fariin Deg Deg Ah U Soo Diray Dhinacyada Isku Haya Siyaasada Soomaaliya

    Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Fariin Deg Deg Ah U Soo Diray Dhinacyada Isku Haya Siyaasada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Fariin Deg Deg Ah U Soo Diray Dhinacyada Isku Haya Siyaasada Soomaaliya


Muqdisho(HWN):-Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa war ka soo saaray dagaalladii ugu danbeeyay toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ban hails Guterres as ′superb choice′ for UN secretary-general post | News | DW | 06.10.2016


Qoraal ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric ayaa lagu sheegay inuu xoghayaha guud uu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.


Xoghayaha guud ayuu sheegay in uu ku booriyay dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo”


Tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalladii Axadii toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa soo baxaya baaqyo heer caalami ah oo loo jeedinayo dhinacyada iska soo horjeeda.


Loading...
Loading...