Diyaarada Turkish Airline Oo Duulimaadyo Toos Ah Ka Bilaabaysa Somaliland

0
Tuesday April 27, 2021 - 13:13:24 in News by
  • Visits: 3575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Diyaarada Turkish Airline Oo Duulimaadyo Toos Ah Ka Bilaabaysa Somaliland

    Diyaarada Turkish Airline Oo Duulimaadyo Toos Ah Ka Bilaabaysa Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarada Turkish Airline Oo Duulimaadyo Toos Ah Ka Bilaabaysa Somaliland


Hargeysa(HWN):-Shirkadda diyaarradaha ee Turkish Airlines ayaa shaacisay in ay duulimaadyo cusub ka bilaabayso caasimadda Somaliland ee Hargaysa.



Waxaanay Hargaysa ka mid noqonaysaa afar magaallo oo ku kala yaalla wadamo kala duwan oo ay shirkadda Turkish Airline duulimaadyadaasi cusub ka bilaabi doonto.


Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo maanta lagu baahiyay bogga Internet-ka ee shirkadda Turkish Airline.


Wadamada ay duulimaadyadda cusub ka bilaabi doonto Turkish Airline ayaa kala ah dalalka Fergana and Ürgenç ee dalka Uzbekistan, iyo magaalooyinka Turkistan ee Kazakhstan iyo magaaladda Hargeisa.


Waxaana lagu yidhi qoraalkaasi, "Turkish Ailines, waxay shaacinaysaa in ay bilaabi doonto duulimaadyo cusub oo ay ku tegi doonto afar magaallo.


Sida ku cad qoraalka ay baahisay waaxda THY (TüRk Hava Yollari), ee xidhiidhka bulshadda KAP waxay shaacinaysaa in duuliyaadyadaasi ay ka bilaabi doonto magaalooyinka Fergana and Ürgenç ee dalka Uzbekistan, iyo magaalooyinka Turkistan ee Kazakhstan iyo magaaladda Hargeisa”.


Maamulka Sare ee shirkadda Turkish airlane ayaa bogaadiyay suuyqada cusub eey shirkadu duulimadyada ka bilaabi doonto.


"Maamulka waaxda TüRk Hava Yollari, waxay go’aansadeen in ay bilaabayaan jadwal cusub oo duulimaadyo ah, Fergana iyo Ürgenç, ee magaalooyinka Uzbekistan, Turkistan ee Kazakhstan iyo Hargeisa.


Tallaabadani ayaanu u aragnaa suuqyo cusub iyo mid fursad noo ah” ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saartay Turkish Airlines.



Loading...
Loading...