Baqdaadii oo amray in Wariye Ciidle xabsiga lagu siihayo iyo falcelinta reer Gabiley

0
Tuesday April 27, 2021 - 22:02:53 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 1657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Baqdaadii oo amray in Wariye Ciidle xabsiga lagu siihayo iyo falcelinta reer Gabiley

    Suxuufi Ciidle oo xabsiga lagu sii heynayo iyo eheladiisa oo dhaqdhaqaayo falcelin ah bilaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxuufi Ciidle oo xabsiga lagu sii heynayo iyo eheladiisa oo dhaqdhaqaayo falcelin ah bilaabay
Hargeysa (HWN) - Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Cali Baqdaadi ka amar qaadata ayaa maanta markale 7 casho oo rumaan ah u jartay Wariye Aadan Cabdi Ciidle, oo muddo sifo sharci daro ah ugu xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa.



Suxuufiga oo bartiisa Facebook dhawaan ku soo bandhigay xatooyo xoolo dadweyne oo uu Guddoomiyha Baanka Somaliland Cali Baqdaadi ku kacay, isla markaana fooqaq uga dhistay magaalada Hargeysa.


Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo sidiisii caadada aheyd kiyoo sharciga gacmihiisa ku sita isla markaana aan isdifaac soo bandhigin la sheegay in uu soo dacweeyay Wariyahan rugcadaaga ah.

Cali Baqdaadi Oo Nin HJeclo Ah Nafta Kaqaadey Diley & Suldaan HJeclo Ah Oo Kahadley Part 1 - YouTube

Cali Baqdaadi oo Soomaliland looga yaqaan 'Khaain Dhukur" ayaa baraha bulshada uga hanjabayay suxuufiyiinta dalka, kiyoo ku goodinaya in suxuufigii ka hadla ku tagrifalka hantida ummadda uu xabsi ama qax badi doono.

Ururada u dooda xuquuqda adaanaha iyo kuwa u dooda suxufiyiinta ayaan ilaa haatan ku dhicin ka dhiidhinta tacadiyada xadka goostay ee Cali Baqdaadi ka wado Hargeysa.

Suxuufi Ciidle ayaa noqonaya Suxufigii 7aad ee uu Cali Baqdaadi xabsiga dhigo ka dib kolkii ay soo bandhigeen dhaca uu ku hayo xoolaha ummadda.

Suldaan ka soojeeda Beelweynta Habarjeclo ayaa dhawaan soo bandhigay in Cali Baqdaadi hore dalka Ciraaq ugu soo dilay nin reer Burco ah oo ay aqal wada deganaayeen.

Cali Baqdaadi ayaa suldaanku sheegay in uu dalkaa isaga baxsaday oo uu Canada Galay kolkii la bilaabay baaritaano arinkaa la xiriira.

Ehelada Suxuufi Ciidle ayaa haatan Hargeysa ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay uga fal celinayaan xadhigiisa, bacdamaa sharci dadka kala haga aanu haatan jirin.
Loading...
Loading...