Stop The Bleeding !!

0
Wednesday May 08, 2019 - 12:26:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Stop The Bleeding !!

    Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda kaladuwan sigaara waxaan u xusayaa saxaafada looyaqaano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda kaladuwan sigaara waxaan u xusayaa saxaafada looyaqaano
(electronic media) kuwaasoo siyaroo fudud loogu gudbin karo bulshada farrimo anfacale madaama oo maanta aad loogu xidhanyahay si fufudna loo heli karo.


Maanta waxaan qalinka u qaatay anoon in muda aan waxbadan kusoo qorin ama ku soo gudbin websiteska mowduuc isoo jiitay una baahan in diirada aad loo saaro aadna inoogusoo noqnoqda aad moodana inaan xal loohelin ,arinkaan maanta doonayaa inaan waxyar ka idhaahdo waa (shilalka wadooyinka dalkan Somaliland ka dhaca) kuwaasoo maalinba maalinta ka danbaysa sii badanaya khasaare badana dhaliya kuwaasoo naf iyo maalba isugu jira.


Khasaaraha ka dhasha shilalka baabuurtu waa kuwo caalamka meel walba ka dhasha dowladaha hore umaray iyo caalamka sadexaadba lakiin asbaabaha keena shilalkaa ayaa kala duwan ,inta badan dowladaha aan hore uga marin dhinaca wada marista iyo dhismaha wadooyinkaba shilalka ka dhacaa waa sababtaa la ajligeed waana ta inaga ina haysata ee aynu xal loolayahay ,waxaa kaloo asbaabaha inoo weheliya sharcigii wada marista oo aan inoo dhaqan gelin ama aan u fulin si buuxda, waxaa xusid mudanoo kale wacyi darada bulshada ee qaybtaa wada marista ku saabsan ,wax badan asbaabaha ku dheeraan maayo waayo waxaa jira arimo badan oo isbarkan kuwaasoo ay ka midtahay dhaqaala darada keentay dib udhaca dhismaha wadooyin tayale .


Kama filayno dowladeen inay markiiba xal ka gaadho kama danbaysa mana sidato ul sixriyoo ay wax walba ku hagaajinkarto lakiin hadana waxaa jira talaabooyin ay awood u leedahay oo ay kuyarayn karto shilalkaa baabuurta weliba waxaan odhan karaa inaanay iskuba deyin ,talaabooyinkaa ay awooda u leedahay waxaa kamida :


-Boolis roonda oo ay wadooyinka dhigaankhaasataku halbowlaha u ah dalka .
-Goobo saldhigyo booliska u ah wadooyinka dhinaceeda oo gaar u ah taraafikada oo ay sharciga wada marista ku ilaaliso.
-Wadooyinka oo ay ku samayso waxa looyaqaano askariga jiifa ee wadooyinka lagu sameeyo.
-Sharciga wada marista oo aad loo adkeeyo si fiicana loo qeexo.
-Baabuurta oo tayadooda la ilaasho iyo xaalada ay ku imanayaan
-Qaadashada liisanka oo sharciga loo ilaasho .
-Wacyi gelin balaadhan oo bulshada loo soo bandhigo .
arimahaa iyo kuwa kaloo badan oo aan dhaqaale badan ku kacaynba way yarayn karaan shilalkaa aynu nafaha qaaliga kuwaayeyno maalinkasta .


mowduuca kale aadka u muhimka ee doonayo inaan kan ku ladhaa waa hayada dabdamiska Somaliland oo runtii asaaskeeda aan aad ugu bogay fikradeedii lagu asaasay taasoo mid baahi looqabay ahayd, waana gurmadada degdega ee loo baahanyahay in aad loo tayeeyo oo aanay uun shilalka dabu dhaliyo uun ka qayb qaadane kan aan kor ku xusayna qayb howlgalkeeda ka qaataan,waxaan aad ugu faraxsanahay inuu taliyaha hay,adaasi yahay nin aqoon iyo khibrad aad u dheer u leeyahay shaqadaa wax badana ku soo kordhiyey .


Waxaane usoo jeedinlaa taliya iyo masuuliinta hay,adaaba inay gaadhi ambalansa dhigaan goobahooda ama qaar kamida lana howlgala markay howlgudashadooda ku jiraan haday noqoto shil dab ka kaca am shil baabuurba waayo waxaynu garan karaa in labadaa noocba khasaare ka imankaro inbadana dadkeena shilalkaa ku nafwaayaa caafimaad degdega baanay helin oo dhaawacay ku qudhbaxaan.


ugu danbayntii hadaan shilalkaa xanuunka badan laga howlgelin sidii loo yaraynlaa si qorshaysan oo cilmiyeysana loo waajihin waxaa muuqata in khasaare badani ka dhalandoono oo aan joogsan,ta anbalanskee daba socda dabdamiyaha markuu howlgalka fulinayana waa arin muhiima cidii taliyaha gaadhsiin kartaa ha gaadhsiiso.


Abdirashid Osman
Dubai
00971506972985

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...