Roobabkii Gu'ga Oo Ka Curtay Somaliland Iyo Nuxurka Fariin Ay Xukuumadu U Dirtay Shacabka

0
Monday April 26, 2021 - 16:07:43 in News by
  • Visits: 1536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobabkii Gu'ga Oo Ka Curtay Somaliland Iyo Nuxurka Fariin Ay Xukuumadu U Dirtay Shacabka

    Roobabkii Gu'ga Oo Ka Curtay Somaliland Iyo Nuxurka Fariin Ay Xukuumadu U Dirtay Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobabkii Gu'ga Oo Ka Curtay Somaliland Iyo Nuxurka Fariin Ay Xukuumadu U Dirtay Shacabka

Hargeysa(HWN):-Wasaaradda Biyaha ee Somaliland, ayaa ugu baaqday Bulshada Somaliland in ay ka faa’idaystaan biyaha roobka ee qulqulaya, isla markaana ay dadka magaalooyinku Mijiroorada ay samaystaan oo qabsadaan biyaha.



Maxamed Xasan Dirir, Agaasimaha Guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland oo u waramaayay SOLNA, ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay u diyaar’garawdo sidii looga faa’Iideysan biyaha xilli roobaadka, waxaana uu sheegay in wasaaraddu ay ka shaqaynayso barnaamijka biyo kaga dhereg gacmahaaga oo ay hore u bilaabeen, kaas oo lagu samaynayo biyo xidheeno iyo balliyo waaweyn oo biyaha roobka qabta, isagoo sheegay in laba ka mid ahi ay dalka ka socdaan oo ay dhawaan dhammaystirmi doonaan.


Geesta kale, agaasimaha wasaaradda horumarinta biyaha Maxamed Xasan waxa ugu baaqay bulshada reer Somaliland ee ku nool magaalooyinku inay ka faa’ideystaan biyaha roobka isla markaana ay isticmaalaan majaroorrada si ay u keydiyaan xaddi biyo ah oo ku filan, waxaana uu tilmaamay qofka qabta 1 litir oo biyo ah inuu qabtay biyo dhulka geli lahaa oo khasaaroobi lahaa, sidaa awgeedna weelasha loo dhigto biyaha roobka ee macaan.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Biyaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hay'addo Caalamiya. - YouTube

Loading...
Loading...