Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde Muxuu Ka Yidhi Musharixiinta ka Xidh Xidhan Xisbiga Waddani?

0
Monday April 26, 2021 - 10:00:20 in News by
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde Muxuu Ka Yidhi Musharixiinta ka Xidh Xidhan Xisbiga Waddani?

    Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde Muxuu Ka Yidhi Musharixiinta ka Xidh Xidhan Xisbiga Waddani?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde Muxuu Ka Yidhi Musharixiinta ka Xidh Xidhan Xisbiga Waddani?


Hargeysa(HWN):-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in aanay aqbalayn, una dul qaadanayn in murrashaxiinta ka sharaxan Xisbigooda in ay Xukuumaddu jeelasha ku gurto, xilli waddanku u diyaargaroobayo qabashada doorashada isku sidkan ee bisha dambe.




Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaasi oo shalay laga hor istaagay sida ay sheegeen in ay booqdaan Murrashax Qaasim Saleebaan oo ka sharaxan Xisbigaasi oo ku xidhan saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa.


Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay aad uga xun tihiin xadhigga lala beegsanayo murrashaxiinta Mucaaradka, waxaanu yidhi "Dhacdo aan loo dul qaadan karin ayaa dhacday nin murrashax ah oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo lagu Magacaabo Qaasim Aadan Saleebaan oo ka sharaxan Gobolka Sool, oo ah murrashax rasmi ah oo komishanku ansixiyey, ayaa xidhan. Inanta keliya ee Burco nooga sharaxana iyada gurigeedii ayaa la weeraray, waana la doon doonayaa, waxaanu u arkanaa in ay tahay daandaansi iyo gardarro, annagu xisbi ahaan ma jecelin dhibka, waxaanan u diyaar garownay doorasho,waxaanan ku han weynahay in aanu annagu guuleysan doono.”


Guddoomiye Jirde oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey "Markaa annaga dan innooguma jirto wixii doorashada qasaya, ee carqaladaynaya. Waxaan doonaynay in aanu soo booqano murrashax xidhan, Taliyihii saldhigu diidmo cad ayuu innoogu diiday in aanu booqano murrashaxa naga xidhan.”


Loading...
Loading...