"KULMIYE Mucaaridnimadi Burburinta Ahayd Ee Aynu Garanayno Ayay Raadinayaan" Guddoomiye Cirro

0
Monday April 26, 2021 - 09:54:38 in News by
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "KULMIYE Mucaaridnimadi Burburinta Ahayd Ee Aynu Garanayno Ayay Raadinayaan" Guddoomiye Cirro

    "KULMIYE Mucaaridnimadi Burburinta Ahayd Ee Aynu Garanayno Ayay Raadinayaan" Guddoomiye Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"KULMIYE Mucaaridnimadi Burburinta Ahayd Ee Aynu Garanayno Ayay Raadinayaan" Guddoomiye Cirro


Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga ugu wayn Mucaaridka Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo waraysi gaara siiyay Wargayska Somalilandtoday ayaa ka hadlay doorashooyinka isku sidkan ee la filaayo inay Dalka ka dhacan dabayaaqada bisha danbe, doorka Mucaarid ee Xisbiga uu hoggaamiyo iyo arrimaha ka socda Geeska Afrika.




Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo isagoo ku sugan Waddanka Findland u waramaayay Tafatiraha Wargayska Somalilandtoday, wuxuu kaga jawaabay su’aal ahayd. Guddoomiye maxaad ka filaysaan Xisbi ahaan doorashooyinka isku sidkan ee bisha danbe Waddanka ka dhici doona.?


Doorashooyinka wakiilada iyo degaanku muddo dheer ayay qateen inay inoo qabsooman, Alle ayaa mahadleh inay inoo dhacayaan bisha-danbe waxay soo jitamaanba, runtii waxaan bogaadinaya doorkii Xisbiyada, Xukuumadda iyo Koomiishanka doorashooyinku ka qateen in halkan la soo gaadho, annagu WADDANI ahan dadaal mugwayn ayaanu ku bixinay inay doorashooyinkasi inoo qabsooman, wax fiican ayaanu ka filayna Insha Allah, Somaliland iyo qaranka oo dhan ayaa wax fiican ka nawilaaya, Illahay waxaan ka baryayaa inay nabad inoogu dhacaan Xildhibaano ummadda u ageeda oo shacabku mahadiyaana ay ka soo baxaan.

Xisbiga KULMIYE wuxuu mararbadan idinku eedeeyay gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiiro kale in aanu Dalka ka jirin Mucaarid sidee arrintaas u aragtaa.?


Xisbiga KULMIYE inuu mucaarid baadi goobo may-ahayn oo isaga Mucaarid iskuba ah, warbaahinta ayaad ka aragteen sarakiisha Xisbiga iyo kuwa dawladda oo is eedaynaaya, hadayse u jeedan Xisbiyada Mucaaridka ah, WADDANI wuu gutaa doorkiisa Mucaaridnimo ee ku aadan si wayeelnimo ah, waxaanse filayaa KULMIYE wuxuu raadinaya mucaaridnimadi duminta ahayd ee aynu garanayno, oo ay hore u soo jileen taas Somaliland may qaadi karayn marxaladan, doorashooyinka hadda inoo qabsoomaya dulqaadka Mucaaridka ayay doorkan inoogu soo gadheen, nacasnimo kamay ahayn Mucaaridka inay mararbadan dhankooda tanaasul mujiyeen,waxaase hadda muuqata inuu mala KULMIYE raadinaayo oo u xiisay midi-midi ku taag, samirka iyo dulqaadku masuul kasta haybad ayuu u yahay waxaana ugu baahi badan cidda markaas xilka Waddanku saaranyahay, haddii cidii ay ahayd inay tanaasusho oo dulqaad samayso markii laga waayay Xisbiyada Mucaaridku sameyeen in haddana la yidhaahdo Mucaarid ma-jiro masuuliyad darro ayaan u arkaa, wuxuunban leeyahay saxiibaday Mucaarid wuu jira waanu dulqaatay, haddii aad u xiisteen Mucaaradnimadi aad taqaneen markiina dulqaata way iman doontaaye.


Ugu danbayntii Somaliland markii ugu horraysay doorashooyin isku sidkan ayay galaysa maxaad soo jeedin lahayd.


Waxaan ku baaqaya in doorashooyinkas oo wakhti badan iyo tacaba galay hareeraha laga joogo, axsaab, Xukuumad iyo shacaba. Waxaan kaloo ku baaqaya in laga durko wax kasta oo inaga fool xumayn kara doorashada, Murashaxiin badan ayaa tacadi ku dhacay intii qaban qaabada doorashadu socotay, taas oo ka imanaysay Xukuumadda marqudha dhibaato kamay iman dhanka Xisbiyada Mucaaridka, waliba iyagoo danaynaaya doorashada waxbadan ayay indhaha ka laabteen, haddii maanta Koomiishankii doorashooyinka ay la yalaan dhammaan murashaxiintii saddexda Xisbi waa in laga dhawro turaan turo kasta oo wax yeeli karta, shacabka Somaliland ee xariirta ahna waxaan leeyahay nabad ku codeeya nabad ku codeeya maanta ayaad fursad haysataane doorta ciddii aad is leedihiin baahiyaha idin haysta waxbay ka qaban karaysa.”


Loading...
Loading...