Siyaasi Cali Guray Oo Saadaaliyey Sida Xisbiyadu U Kala Helayaan Kuraasta Wakiiada, Guuldarada Kulmiye Ee Togdheerna Xinif Dusha U Saaray

0
Monday April 26, 2021 - 09:51:17 in News by
  • Visits: 4188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Oo Saadaaliyey Sida Xisbiyadu U Kala Helayaan Kuraasta Wakiiada, Guuldarada Kulmiye Ee Togdheerna Xinif Dusha U Saaray

    Siyaasi Cali Guray Oo Saadaaliyey Sida Xisbiyadu U Kala Helayaan Kuraasta Wakiiada, Guuldarada Kulmiye Ee Togdheerna Xinif Dusha U Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Guray Oo Saadaaliyey Sida Xisbiyadu U Kala Helayaan Kuraasta Wakiiada, Guuldarada Kulmiye Ee Togdheerna Xinif Dusha U Saaray


Hargeysa(HWN):-Siyaasiga Caanka ah ee Cali Maxamed Yusuf (Cali Gurey), ayaa saadaalin uu ka bixiyey doorashada Golaha Wakiillada ee soo socota, ku sheegay in labada Xisbi Mucaarad heli doonaan aqlabiyadda Kuraasta Golahaasi.



Cali Gurey, waxa uu ka dhawaajiyey in Gobolka Togdheer uu noqon doono meelaha Kulmiye lagaga guuleysa doono.

Qoraalkan Cali Gurey doorashada Wakiillada uu ka qorayna, waxa ay u dhignaa sidan:


"DOORASHADA WAKIILADA:


(QIYAAS HORRAAD)


Doorashada Baarlamanka Xisbul Xaakimka Kulmiye waxa la qiyaasi karaa in uu ka heli doono 35 ilaa 37 kuraasida loo tartamayo oo ah 82 kursi, halka labada xisbi ee mucaaridkuna ay isku heli karaan 45 ilaa 47 kursi. Kulmiye gobolka sida ugu wayn loogaga adkaan doono ee saamiga ugu yar uu ka heli karaa wuxu noqonayaa gobolka Togdheer oo laga yaabo in aanu ka heli karin wax ka badan 5 kursi halka mucaaridkuna ay isku heli karaan 10 kursi. Gobolka Togdheer waxa kuraasida ugu badan (7ila 8 kursi) ka heli kara xisbiga WADDAN. Guul darrada laga yaabo in Kulmiye uu kala kulmo gobolka Togdheer ayaa loo nisbaynayaa masuuliyiina xisbiga qaarkood oo kow uu ka yahay Cabdikariim Xinif laftiisu.

DAAWO SIYAASI CALI GURAY OO SI QOTO DHEER UGA HADLAY WADA HADALADA DP WORLD IYO SAOMALILAND - YouTube

Kulmiye gobolka uu guusha ugu wayn ka heli doonaa wuxu noqonayaa Gobolka Maroodijeex oo laga yaabo in uu ku guulaysto kala badh (10) 20ka kursi halka Gobolka Saaxil Kulmiye uu ka heli karo 4 ilaa 5 kursi.


Sool iyo Sanaag oo isku leh 24 kursi waxa laga yaabaa in Kulmiye uu ka heli karo ugu badnaan 9 ilaa 10 kursi. Sidaa daraadeed Kulmiye wuxu halis u yahay in lagala wareegi karo shirgudoonka Aqalka Hoose ee Baarlamanka ka dib doorashada oo uu noqdo doono gole uu mucaaridku hogaamiyo. Gaar ahaan Gudoomiyaha oo dhinaca Kulmiye uu u ordayo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Mudane Yasiin ayaa muuqata in fursadiisu ay cidhiidh noqon doonto oo labada musharax ee mucaaridka Cabdirazaq Khaliif iyo Abyan uu midkood noqon doono Guddoomiyaha golaha cusub ee Baarlamanka Somaliland balse waa hadii labada xisbi ee mucaaridku ku heshiin karaan.”


Loading...
Loading...