Yaa Khiyaano Badan Labadooda?

0
Monday April 26, 2021 - 09:00:50 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Khiyaano Badan Labadooda?

    Kaga Yaabsaday Jacaylkooda Cajiibka Ah Ee Qof Waliba Tusaalaha Ka Dhigan Jiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaga Yaabsaday Jacaylkooda Cajiibka Ah Ee Qof Waliba Tusaalaha Ka Dhigan Jiray.


In Muddo Ah Ayay Jilayeen Wax U Eg Jacayl Ku Dhisan Isku Daacad Ahaansho Iyo Aaminaad Dhaaftay Xadkeedii, Oo Qofba Qofka Kale Uu U Muujinayay, Maahan Hal Sano, Mana Ahan LaboSono Ee Ku Dhawaad Shan Sano Ayay Isku Indha Sarcaadinayaan Wax U Eg Jacayl Xididdo Yeeshay Oo Gaaray Marxalad La Dhihi Karo Labadaan Qof Waxay Mudan Yihiin Ku Dayasho Iyo Bogaadin, Sida A Daacad Isugu Yihiin, Cajiib.

Sax Iyo Qalad Tay Doontaba Ha Ahaatee, Waxaa Lagu Heshiiyay In Buur Aad U Dheer Oo Qofkii Ka Dhaca Aan Nolol Laga Rajayn La Iska Tuuro Si Dunida Loo Macasalaameeyo, Hoosta Ayay Ka Xarriiqeen Go'aankaas Wiilkii Iyo Gabadhi Dunida

Kaga Yaabsaday Jacaylkooda Cajiibka Ah Ee Qof Waliba Tusaalaha Ka Dhigan Jiray. Waxaa La IslaTagay Goobtii Is-Biimaynta, Qorshuhu Waa In Ay Fikta Sare Ee Buurta Iska Tuuraan Iyado Gacanta La Is Haysto Si Farxadleh Na La Isku Eegayo, Waa Ay Billaabatay, Kooooow, Laaaabo, Seeeeddex.

Kadib Maxaa Dhacay?

Gabadhii Halkii Laga Rabay In Ay Horay U Booddo Ayay Gadaal Hal Tallaabo U Boodday Iyadoona Gacantii Wiilka Iska Filiqday. Alla Khiyaaaano Weynaaaa.

Wiilkii Maxaa Ku Dhacay?

Ma Jirin Wax Wal Wal Ah Oo Dhankiisa Ahaa, Gabadhu Ha Isla Tuurto Ama Ha Ka Harto Xanuun Kuma Hayn, Sababtoo Ah Wax Walba Waa Uu Kasoo Baaran-Dagay Waxaana Uu Qaaday Tallaabo U Diyaarsanayd Oo Hadafkiisa Ahayd Xitaa Haddii Ay Gabadhu Isla Tuurto Isaga Waxaana Uu La Kala Baxay "Baarashuut" Isagoo Si Tar-Tiib Ah Ugu Dagay Meel Nabdoon Oo Wax Dhibaato Ahna Aysan Gaarin.

Intaa Kadin Waxaa Maankaaga Kusoo Dhacaya Dhowr Weydiimood, Balse Anigu Waxaan Ku Waydiinaa Labada Qof Kee Khiyaano Badan? Mise Macquul Ma Tahay In Wiilku Uusan Dhimasho Diyaar U Ahayn Oo Uu Doonayay In Uu Ogaado Heerka Jacaylka Gabadhu Uu Gaarsiisan Yahay? Oo Qorshaha Ay Ugu Jirtay In Xitaa Haddii Ay Gabadhu Isla Tuurto Uu Doonayay In Ay Si Wadajir Ah U Bad-Baadaan, Uuna Sii Qaado Kalsooni Dheeraad Ah Oo Gabadhaasi.



Anigu Waan Ku Wareeray.


W/q. Abdinasir Cadaala


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...