Xisbiga UCID oo cambaareeyay xadhig ay Xukuumaddu kula kacday Murashaxiin Xisbiga Ka Sharaxan

0
Monday April 26, 2021 - 01:53:19 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID oo cambaareeyay xadhig ay Xukuumaddu kula kacday Murashaxiin Xisbiga Ka Sharaxan

    Xisbiga UCID oo cambaareeyay xadhig ay Xukuumaddu kula kacday Murashaxiin Xisbiga Ka Sharaxan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga UCID oo cambaareeyay xadhig ay Xukuumaddu kula kacday Murashaxiin Xisbiga Ka Sharaxan

Hargeisa(HWN):-Xoghaye ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Cabdinaasir Qodax, ayaa sharci-daro ku tilmamay Xadhiga Murashaxiin ka tirsan xisbiga UCID,waxaannu Baaq u diray guddiga doorashoyinka.



Cabdinaasir ayaa xadhiga musharixiinta xisbiga UCID ku sababeeyay in qaar ka mida Wasiirada dowladdu ay ku qasbayaan musharixiinta xisbiga UCID in ay Kulmiye iska sharaxaan.




"Wasiiro xukumadda ka tirsan ayaa musharixiinta xisbiga UCID si gaara u beegsanaayay oo qaarkoodna maanta jeelasha ugu jiraan” Ayuu yidhi Cabdinaasir.


"Qaarkoodna sidi jeelasha loogu jidhdilayay in ay ka tanasulaan musharaxnimada xisbiga UCID jeelka gudihiisa waraaqo lagaga saxeexay”.


Xoghaye ku-xigeenka ayaa sheegay in ilaa imika aan wax maxkamada la gaynin musharixiinta xidhan, waxanu ugu baaqay guddida doorashooyinka in ay soo faragaliyaan xadhiga musharixiinta.


Xukuumada ayaa tiraba dhawr jeer Xabsiyada dhigtay musharixiin ka tirsan xisbiga UCID, kuwaasi oo aan ilaa hada la cadaynin sababta dhabta ah ee ka danbeysa xadhigooda, waxana dhacda in layska sii daayo markay muddo xidhnaadaan.

Loading...
Loading...