Faallo:-Cali Baqdaaddi Masuul Xalaashadday Musuqa Hantidda Shacabka Somaliland!

0
Sunday April 25, 2021 - 16:09:12 in News by A. Asbaro
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Cali Baqdaaddi Masuul Xalaashadday Musuqa Hantidda Shacabka Somaliland!

    Faallo:-Cali Baqdaaddi Masuul Xalaashadday Musuqa Hantidda Shacabka Somaliland!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Cali Baqdaaddi Masuul Xalaashadday Musuqa Hantidda Shacabka Somaliland!

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi waxa uu Xilkaas Guddoomiyenimo hayaa muddo ku siman Saddex sanno iyo dheerraad, waxaannu mudadaas ku kacay falal ka baxsan Sharciga, isagoo ku xad-gudbay dad badan oo uu u adeegsadday awoodda dawladda iyo Hantidda ummadda ee uu gacanta ku hayo.



Daawo Muuqaal:-Gudoomiyaha Baanka Cali Baqdaadi Oo Musuq Maasuqii Ku Darsaday Inuu Soo Bandhigo Daraasado Been Abuur Ah

Guddoomiye Cali Ibraahim Baqdaadi waa siyaasi aan adduun arag ahayn, waa siyaasi aan u bislayn dhaliisha Xilka uu hayo, waa siyaasi aan karti iyo awood-toonna u lahayn innuu dhagaysto oo uu aqbalo dhaliisha shacabka uu adeegaha u yahay, in loo sheego faashilka Masuuliyaddeed ee ku xeerran waxa uu ka xiggaa dhimasho iyo dagaal aannu waxba la hadhayn, isagoo adeegsannaaya awooddiisa u sarraysa iyo Hantidda ummadda ee masuulka looga dhigay, taasoo muujinaysa inaanu ahayn siyaasi ama masuul ummaddeed oo qaaddan karra Dhaliisha iyo baylahda ka muuqata Masuuliyadda uu hayo. Waxa kale oo aad hab-dhaqankiisa liita ka dhex arkaysaa inaanu ahayn ruux Xilkas ah oo lagu tilmaami karro mararka qaarkood inaanu Caaddi ahayn Caafimaad ahaan, waayo haddaad badsato Musuqa iyo Xatooyadda Hantidda masaakiinta ah waa shaki la'aan inaanad ku nabad-galayn.


Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaaddi waxa uu ku kacay Musuqmaasuq iyo Xatooyo hanti ummadeed, waxaanna Caasimadda Hargeisa uu ka dhistay Sarro dhaadheer, kuwaasoo uu ruuxii soo agmaraba uu Xabsiga u taxaabo, isagoo Ciiddanka Booliska u adeegsadda Hantidda shacabka masaakiinta ahi ka qatan yihiin.


Mr Baqdaadi waxa uu laba toddobaad ka hor Xabsiga dhigay Suxufigii toddobaad ee ka hadla Daarraha dhaadheer ee uu Cali Baqdaaddi ka dhistay Hantidda ummadda ee uu musuqmaasuqay, waxaanna hadda wali xabsiga ugu jira Wariye Aadan Cabdi Ciidle oo Warbixin ka diyaariyay musuqmaasuqa uu ku jiro Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaaddi, Waxaannu Xadhiga wariye Aadan Cabdi Ciidle uu ku noqonayaa Suxufigii toddobaad ee uu xabsiga dhigo Cali Ibraahim Baqdaaddi.


Hore waxaad u ogaydeen dagaalkii sharci-darrada ahaa ee uu ku qaadday Warbaahinta Hadhwanaagnews iyo Hawl-wadeennadii ka shaqaynaayay, kuwaasoo iska diidday inay la haystayaal u noqdaan Cali Baqdaaddi oo ay sacabka u tummaan, isla markaanna ay Indhaha ka qarsaddaan fool-xummooyinka musuqmaasuq ee uu ku dhex jiro. Haddaba Cali Baqdaaddi waxaannu u sheegaynaa Hadhwanaagnews Barakacayaal maaha ee waxay iska diidday inay kugu dhiiri-geliso Musuqmaasuqa iyo xatooyadda Xoolaha ummadda ee aad xalaashatay, daarraha dhaadheerna aad ka dhisatay. Hadhwanaagnews waligeed qof bay raali-gelin, adiganna ku raali-gelin mayso ee way ku sheegaysaa adiga iyo kuwo kale ee caaddaystay lunsiga iyo boobka Hantidda shacabka.



Hadhwanaagnews
Hargaysa/Office
Loading...
Loading...