Somaliland: Madaxwayne , Mucaarad, Shacab iyo Saxaafad ma Waxaa la wada sugayaa Mustaqbalka siyaasadeed ee Xukumadda federal ka Somalia -?
Haddii aad u fiirsato ama aad isha mariso saxaafadda Somaliland waxaad ku arkaysaa Mucaarad Kii Somaliland Oo Farmaajo ka faaloonaaaya-! Oo siwayn u haddal hayaa-! Haddii aad eegto dhinaca Xukumadda Muse Biixi waxaad arkaysaa Madaxwayne Muse oo aad uga hadlaaaya Siyaasada Federal ka Somalia oo mar marka qaar aad arkayso In UU ku dhex-milmay Waxaa ka socda Somalia federal ka siyaasadooda sidda khusuusiga ah u khusaaysaa, waxaa Jirtay mar Aay Xukunka Somaliland u dirtay si muuqata qaar kamida Mucaarad ka Somaliland in aay ka qayb qataan soo xulidda ergooyin ka soo dooranaaya Xildhibaanada Federal ka Somalia siddi Shirkii ka dhacay Nairobi —https://puntlandtimes.ca/2020/11/daawo-somaliland-oo-ku-biirtay-doorashada-somalia-faysal-cali-waraabe-oo-dalbaday-in-qoondadooda-la-siiyo/
Waxaa kale oo jirtay In madaxwayne Muse Biixi isaga oo Xabaal dul taagan Mayd la aasaayo UU ka dul nacdalay Somalia islamarkasina sheegey In Gudoomiyaha Guriga SARE ee Federal ka Somalia Cabdi Xaashi yahay Mujahiid , https://m.facebook.com/onderzoekJournalist/videos/298837387956143/
ISKU soo wada duub oo marka aad Saxaafadda Somaliland furto ee Website ka eegto waxa ugu badan ee laga haddal hayaa waa Federal ka Somalia iyo farmaajo-!!!
Suaashu waxaay tahay taloow Somalia maxaa galey ee Siyaasaddii iyo doodii Somaliland fadhiisiyey-?
Haddii aaynu jacaaylka intaas leeg u qabno Somalia maaynu qunyar isaga badheedhno maxaa DADKA Masakiinta ah loo lug gooyanayaa-?
Dhinaca kale haddii aan Saxaafadda iyo siyaasiyiinta Somaliyada eegto shicib iyo Madax wax Somaliland haddal hayaa aad buu u yar yahay .
Dhamaan arimaha aan kor ku xusay markaad aad ugu fiirsato waxas dareemaysaa In siyaasyiintii Somaliland ku fashilmeen dhismaha Somaliland dimuqraadiyadda hiigsigii gooni isu taaga iyo Dhamaan waxii Ummada Somaliland u soo dagaalantay meesha ka baxay Oo Somaliland laga dhigay Mashruuca In yari ku macaashto oo Xamar lagu Sugo .
Sultan Saciid Diiriye
Chairman
Somaliland people’s party
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!