Siyaasadu Ma Khiyaamaa?

0
Sunday April 25, 2021 - 10:19:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadu Ma Khiyaamaa?

    W/Q: Sir Abdirashid Hussein Yousuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sir Abdirashid Hussein Yousuf
Ramadan Kareem dhamaan asxaabta, ilaahay bisha barakaysan khayrkeeda hayna siiyo.aamiin

Suaal:


Horta Siyaasadu MA khiyaamaa?. Siyaasadu MA waxbay xumaysaa mise waxbay Hagaajisaa /qurxisaa?.



Waxaan arkay dhalinyaro badan oo siyaasada jecel inay galaaan, jecel inay marwalba ka hadlaan, hadana aan fahamsanayn qaabkii ay bulshada ula wadaagi lahaayeen arimaha LA xidhiidha siyaasada ee ayka hadlayaan, ama si qaldan U fahamsan. (way jiraan dhalinyaro fahamsan si wacana bulshada ugu soo gudbiya).


Sidaas daraadeed, waxan jeclaystay inaan qoraalkan yar ee kooban idinla wadaago, kana jawaabo siday ila tahay ama fahamkayga shakhsiga ah.


Siyaasad /Siyaasadda:

Erega Siyaasad luqo ahaan waa erey carabiya, markaad eegto habka loo macneeyey luqad ahaan(Meaning) , dhamaan Macnayaasha Kala duwan naxwo ahaan ee loo sameeyey, waxay kusoo ururayaan, laba eray. Macnaha waa nuxurka kalmada carabi ahaan waa (siyaasadu waa Farid iyo Reebid).


Macnaha in dadka oo waxa wanaagsan LA faro, waxa xunna laga reebo. Si kale waa AMAR.

Markaad macnahaas qaadato waa kalmad asalkeedu yahay wanaag.


Dhanka kale markaas Eegno sida loo qeexay, ee Macnaha loogu sameeyey shaqo ahaan (Definition/in terms of Functionality), ee aad eegto dhamaan khubarada ku xeeldheer arimaha siyaasada iyo waxay ka qoreen, nin Waliba dhanka uu ka galay, iyo sida uu u cabiray siyaasadu waxa ay tahay, markaas soo khulaasayso iyo nuxurka xeeldheerayaashu kusoo biyo shubanayaan, waxa kusoo baxaaya "Siyaasadu waa hab lagu ilaaliyo nolosha bulshada, lagu dhaweeyo dhamaan arimaha mujtamaca, lagu qurxiyo dowladnimadooda, wada jir kooda, hormarkooda, xuquuqdooda Gudaha iyo debedaba, waa hab lagu wanaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya xukunka iyo LA xukumaha, waa hab lagu qaybiyo khayraadka umadu leedahay, lagu ilaaliyo cadaalada".


Macnahan kooban waxa kasoo dhexbaxaysa Macnaha dowladnimada, waayo waaba shaqadii dowladu qabanaysay /loo samaystay dowladnimada /loogu baahday in dowladnimo LA samaysto. Sidaas daraadeed waxaynu odhan karnaa macno kale oo kooban oo ah "Siyaasaddu waa kabbihii dowladnimadu /dowladu ku soconaysay, ee qodxaanta, dhagaxa iyo dhaawacaba ka ilaalinaysay dowladnimada iyo guud ahaan shacabka hoos jooga".


Islaamka /khubarada Islamku iyagu maxay qabaan, siyaasadu waa maxay?.

Fahamka islaamka ee siyaasada Waxaan iyana kusoo koobayaa "Siyaasadu waa dhag an galinta kitaabka iyo sunaha NABIGEENA Mohamed Scw, bulshada oo la dhiso aduunkeeda iyo aakhiradeedaba, wanaaga oo la faro, xumaanta oo la reebo, masaalixda bulshada oo la ilaaliyo iwm). Macnahan waxa uu ku biyo shubanayaa uun in bulshada nolosheeda LA ilaaliyo, lana kobciyo.


Sidaas daraadeed, muslimiinta iyo dadka aan muslimka ahayniba, waxay isku Waafaqsanyihiin siyaasadu inay tahay wax wanaagsan oo lagu qurxiyo nolosha, dowladnimada, lagu camiro aduunka.


Markaan isku soo gayno, suaalaha horena aynu ka jawaabno, waxa inoo soo baxaaya laba shay :


1. Siyaasadu waa wanaagsan,horumarka nolosha aduunka iyo ta aakhiraba guusheedu waxay ku xidhan tahay waa siyaasad, kolba habka loo maareeyo.


2. Siyaasadu waa cilmi, waa aqoon LA barto, waqti LA galiyo, dhaqaale LA galiyo, maaha hadal iyo TV laga dhurmo, waxay leedahay hab looga hadlo, qaaciidooyin LA raaco, faham, sifooyin lagu tilmaansado iwm.


Sidaas daraadeed siyaasadu maaha Khiyaamo, maaha ficiltan, maaha hadal iyo waan hadlayaa uun, maaha wax xun, waa wax wanaagsan, waxna wanaajisa, qurxisa. Sidaas daraadeed siyaasada wanaagsan iyo siyaasiga wanaagsan ee siyaasada sidaa waxba MA xumeeyo waxbuu wanaajiyaa.


Wuu ila dheeraatay LA soco qaybta labaad iyo halka dhalinteenu markay bulshada LA hadlayaan, meesha ay kasoo galayaan, iyo waxa ay ka hadlaan aan kusoo qaadan doono.

Aragtidiina waa soo dhaweynayaa.


Sir Abdirashid Hussein Yousuf
Doha, Qatar.

Afkana xidho badbaadi bulshadaada.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...