Komishanka Doorashooyinka Itoobiya Oo Kordhiyay Wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

0
Sunday April 25, 2021 - 08:48:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka Itoobiya Oo Kordhiyay Wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

    "Sigaara ayaa loogu kordhiyay degaannada Soomaalida iyo Canfarta "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sigaara ayaa loogu kordhiyay degaannada Soomaalida iyo Canfarta "
Hargaysa (HWN) Gudida doorashooyinka ee Itoobiya ayaa shaaciyay in laba toddobaad lagu daray wakhtigii loogu talagalay diwaangelinta codbixiyeyaasha.


Komishinka ayaa ku sababeeyay kordhinta labada todobaad ah, dib udhac ay sheegeen in qaybo kamid ah ay u muuqatay in dib u dhac ka jiray dhinaca furidda xarumaha qaar ee diwaangalinta codbixiyeyaasha.



Dhinaca kale degaannada Soomaalida iyo Canfarta oo ka mid ah goobaha uu dib u dhacu ka jiray ayaa iyaga si gaar ah loogu kordhiyay saddex toddobaad inay ka socoto hawlaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha.


Guud ahaan dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhawaan ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, inkastoo dadka falanqeeya siyaasadda ay ka dayrinayaan siday u qabsoomayso doorashadan, iyadoo dalka qaybo kamid ahi colaado ka jiraan.
Loading...
Loading...