Soonka iyo Sayniska Qaybta labaad. Qalinkii: Sadam Osman kaabash
Barnaamij taxane oo aan idiin soo gudbin doono bishan barakaysan, Soonqaad. Qaybta labaad,
Soonka iyo saamaynta caafimaad ee uu kaga
hortago Faaliga.
Soonku waxa uu ka hortag u yahay xanuunada ku dhaca kelyaha, wadnaha,
iyo maskaxda. Marka qofku yeesho miisaan xad dhaafa waxaa is na la bata
halista caafimaad darro ee ammin kasta uu la jaari karo. Waxaa bilaabma
gufaysan ku yimaada xididadiisa. Waxaa ku duxa oo si' baahsan ugu
samaysma dhamaan xididiisa "Dufanka jidhka" isaga oo aakhirka keena in
uu xubno ka mid ah jidhkiisa sida kelyaha, wadnaha iyo maskaxda uu dhiig
kaga furmo; qarax ku yimi xididadii gaadhi jiray awgeed. Daraasadaha
cilmi baadhiseedna waxay tilmaamayaan in Soonka Bishan Barakaysanina
shiilo oo uu la dagaalamo dufankan. Soonku waxa uu yareeya heerka duxda
jidhka.
Atherosclerosis, waa marka unugya-gudeedka xididadu ay noqdaan mug
ahaan kuwa dhuudhuubnaada oo aan iska xejinayn dhiiga faraha badan ee
marayaa iyo xoog cadaadiseedka kaga imaanaya tuuridda dhiiga si' loo
gaadhsiiyo qaybaha jidhka.
Halbawlayaashu waxay qaadaan dhiiga ka yimaadda wadnaha, waxayna
gaadhsiiyaan qaybaha kale geddisan ee jidhka. Xididadaas waxa
oogo-gudeedkooda ku hareeraysan teed unugyo ah oo dhiiga xididka maraaya
siiya oogo isku simman oo is-le'eg si' dhiigu hawl yaraana u guureeyo
xididka dhexdiisa. Unuyada waxaa loo yaqaanaa "endothelium"
Jirradan ama astaantan xanuun ee "atherosclerosis" waxa uu bilaabmaa
marka unugyo gudeedkii xididadu ay dhaawacmaan, sababtoo ah waxaa ku
samaysmay dahaadh adag oo uu sameeyey dufanka jidhku 'cholestrol'.
Dahaadhkan adag si' uu jidhku isaga saaro waxa ii hawlgeliyaa unugyada
dhiiga ee la dagaalama walxaha dheeraadka ah ee jidhka ku soo biira,
gaar ahaan, si' uu isaga nadiifiyo waxan ku dhegay oogada hoose ee
halbawlayaasha. Nasiib darro se, unugyadu jaanis uma helayaan in ay
marinkan banneeyaan taas bedelkeedana waxa ku dhegaya dufanka xididka ku
dhex samaysmay.
Dahaadhkan adag ee loo yaqaano 'atherosclerosis' waxa uu sababa in
xididkii noqdo mid mug ahaan yar, dhiigyar oo xawli ku socdaana maraayo.
Waxaa kale badanaaya xoogga uu dhiigu xididka ku maraayo iyo oogada
hoose ee xididka, taasina waxay keenaysaa dhaawac xilli kasta dhici kara
hadaan loo dhugyeelan. Xanuunkani waxa uu ku dhacaa qofka buurnida xad
dhaafka ah qaba, qofka habkiisa cuno cunistu aanu ku astaysnayn
quudashada cunto dheellitiran. Waana jirada ugu horraysa ee sababta
xanuunada wadna xanuunka ama gaar ahaan, faaliga.
Cilmi baadhisaha wakhti xaadirkan la sameeyey waxa caddeyeen in
faaligu yahay xanuun ka ugu badan ee dadka ku dhaca. Gaar ahaan ka ugu
horreeya tobanka xanuun ee dilaaga ah.
Xanuunkan atherosclerosis waxa uu awdaa xididada dhiiga geeya maskaxda, wadnaha, iyo kelyahay.
Halbawlaha kelyaha dhiiga geeya waxa looyaqaanaa renal artery. Waa
halbawlaha kellida dhiiga waraabiya. Haddi gufaysankan uu gaadho
xididkan waxay keentaa qofka oo ay kelyuhu si' medis shaqada u
joojiyaan. Kamadanbaystana keenta in qofkaasi si dedega u geeriyoodo.
Halbawlaha dhiiga geeya wadanaha waxa loo yaqaana Coronary artery.
Heerka dufanka ee dhiiga dhex burqanayaa haddii uu bato waxaa halis ah
in qofku si kamadanbaysa ay ugu dhacdo xanuunka wadna xanuunka sida
Angina.
Carotid artery waa Halbawlaha qaybaha maskaxda gaadhsiiya dhiiga. Waa
xididka ugu muhiimsan ee masxkaxda gaadha. Waa marinka quudiya habdhiska
dareenwadka. Xididkani marka uu gufaysmo waxaa jidhka la soo dersa
xanuun ka stroke (faaliga) waana xanuunka sababa in maskaxda dhiig ku
furmo sababtoo ah waxaa qarxaaya halbawlaha dhiiga gaadhsiiya maskaxda.
Fekerka aqoonyahanka
Sadam Osman Kaabash
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





