Maamulka Koonfur Galbeed & AMISOM oo ka wada hadlay Amnigga Baraawe

0
Sunday April 25, 2021 - 08:18:53 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Koonfur Galbeed & AMISOM oo ka wada hadlay Amnigga Baraawe

    Taliyeyaasha ciidamada iyo Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Baraawe ayaa Wasiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyeyaasha ciidamada iyo Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Baraawe ayaa Wasiirka




Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ay wehliyaan Maamulka Degmada iyo Taliyeyaasha ciidamada ayaa kulan la qaatay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM ee Magaalada Baraawe, Colonel Jonathan OChom.

 

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga wada-hadal xoojinta wada shaqeynta iyo dardar gelinta howlaha lagu sugayo Amniga Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyeyaasha ciidamada iyo Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Baraawe ayaa Wasiirka kaga warbixiyay xaaladda amni ee Magaalada Baraawe iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga Ee Baraawe

 

Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa ugu hambalyeeyay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM, Colonel Jonathan OChom xilka culus ee loo magacaabay, waxuna ugu mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajahan in lagu guuleysto xasilinta dalka.


Loading...
Loading...