Caafimaadka iyo caadoyinka aan wanaagsanayn ee bulshadeenu isu daranaa!!!by abdirashid osman
marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda kala duwan inta isdultaagta mabaa ,diideeda
kuna dhaqanta,waxaan kaloo salaamyaa dhamaan akhristayaasha sharaftale.
caafimaadku waa shay qaaliya
waana nicmooyinka waawayn ee ilaahay marwalba la waydiisto,caafimaad qof
waaya uun baa ogaan kara qiimaha uu leeyahay.
ducooyinkii rasuulkeena moxamed
(csw) uu ina faray inaynu had iyo jeer ku ducaysano ayaa ah(allaahuma
inii asaluka alcafwa wal caafiya),,,dhinaca kale waxaad ka dheehankartaa
xadiiska rasuulka (csw) ee mashhuurka ah..macnihiisuna yahay ( xubin
kamida jadhkaagu hadii dhib ama xanuun noocuu doonaba iyo intuu doonaba
ha ahaadee in jidhkaaga inta kalena lawadaagayso xanuunkaa lana
sahrayso.)
qormadani waa tii afraad ee aan
ku indha indhaynayey dhinaca caafimaadka iyo bulshada somaliland
,qaybtii 3xaad waxaan ku soo qaatay xanuunka kaadi macaanka iyo sida uu
uga muuqdo bulshada dhexdeeda miyi ilaa magaalo mujtamacuna aanu weli
helin wacyi gelin ku saabsan cudurkaa iyo kuwa kaloo badanba,waxaan
kaloo soo tilmaamay in dhinaca adeega caafimaadku aad u liito inkastoo
dedaalo badani jiraan hadana magaadhin mustawihii loo baahnaa.
maanta waxaan xoogaa yar wax ka
odhanayaa dhaqanka iyo cadooyinka inoo gaarkaa hadaynunahay bulshada
somaliland ama inta afka somaliga ku hadashaba ee aan wanaagsanayn
caafimaad daradana qayb ka qaadankara mujtamaca cuduro badana dhalinkara
ama faafinkara.
intaanan dhowr shay ka soo
qaadan dhaqankaa iyo caadooyinkaa waxaynu ogsoonahay mujtamac walba ama
umad waloo ilaahay meel ku beeray inay dhaqan gaara leedahay bi,iadaa ay
ku noolyihiina ay ka qayb qaadato habdhaqankooda ama( lifesyle kooda).
waxaad garan kartaa in
cimilada,biyaha( yaraantooda iyo badnaantooda),hawada,dhulka lagu
tilmaamo saxraaga iyo kuwa kaymaha,intaa iyo canaasir kaloo fara
badaniba waxay la falgalaan sida ay bulshadaasi hab dhaqan iyo life
style u gaara yeelankarto,caafimaadka iyo caafimaad daraduna waa uun mid
qayb ka ah silsiladaa nolosha bini aadamka iyo biiadaa uu ku noolyahay.
hadaba hadaan ku soo dhawaado
ujeedadayda umada somalidu si caama waxaynu nahay bulsho xoolo dhaqataa
oo reer guuraaya oo hadba meesha ay daaq ku aragto u guurta intaynaan
baran waxa la yaaho ( tamadunka ) ama magaalooyinka ,bulshadaasi waxay
ahayd bulsho xarako badan oo socod badanmadaama oo ay xolo uun daba
joogto iyo sidii ay u manaafacaadsanlahayd ,sidaa darteed xanuunadan ay
soo sheegnay way inagu yaraayeen haday noqoto kaadi macaanka,dhiig
karka,gaastiriga ama xanuunada caloosha raashinka la quutaana waxa ahaa
uun kaa xoolaha (caano iyo hilib) waxaa soo raacaa waa intii yarayd ee
markaa beeralayda ahayd oo hadhuudh ama galay ku darta,bulshadeena
markaa waxaa la arki jirya cimriga ama da,dooda oo dheeraata(inkastoo ay
uun tahay ta ilaahay marwalba).
maanta oo nolosheenii oo dhami
is bedeshay oo aynu magaalooyinkii soo galnay miyina laga yimi waxaa
dhacday in habdhaqankii nolosheenuna is bedelay,hadaba suaashu waxaa
weeye :
*** mala qabsanay oo mala jaan
qaadnay noloshan cusub ???? raashinkii la cunayaa is bedelay kii aynu
xoolaheena kala soo bixi jirnay oo yaraaday ama xoolihii iyo beerihii oo
laga shaqayn waayey,cimiladeenii baa is bedeshay,hadhaaagii ka soo
baxayey waxaynu isticmaalayno oodhan baa inagu batay,dhaqdhaqaaqeenii
iyo xarakadiibaa inagu yaraatay,taa markaa waxaa dhinac socda xanuunadii
oo inagu soo badanaya iyo bulshadii oo noqotay bukaan socod.
hadaba bal akhristow ila eega
caadooyinkan iyo dhaqankan qayb ka noqon kara caafimaad darada maanta
aan ka hadlayo::
1-waxaa layaaho jimicsiga oo
aynaan fikradba ka haysan oo bulshadeena qaar ay kaba xishoodaanba inay u
baxaan jimicsi debeda oo wadooyinka ama guriga dayrkiisaba ku soo yara
wareegaan ,akhristow 24 saacadood ee maalinta bulshadeenu 8 saaco ugu
yaraan waa hurdo,16hrs ee kale waxaa laga yaabaa inuu fadhi ku dhamaysto
oo ama meel ka sheekeeyo ama qaad u fadhiyo,udhaahda odhanaysa(
alcaqlul saliim fii jismi saliim) waa odhaahdhab maanta halka ay
umadeenu fadhiidka ka noqotay ee ay haba yaraatee la yeelan wayday wax
creationa ama ibdaaci waa halkaa waayo jidhkii baan caafimaad qabin oo
xanuun la tiicaya.
bulshadu markaa waxay u
baahantahay inay dhaqankaa xaraka la,aanta waxka bedesho oo fadhiga
yarayso,khaasatan dhalinyarada wadanka waxaan u sheegilahaa ha sugina
uun in laydiin qabto tartamo iyo ciyaaro waa inaad idinku is dirtaan oo
jimicsiga badasinaan,xukuumada waxaan u soo jeedinlahaa in la abuuro
meelo open air oo lagu jimicsado oo da,weliba ku qaadato jimicsi,haday
park noqoto haday garoomo noqoto,waxyaalaha aan soo arkay ee i farxad
geliyey waxaa ka mida meelaha xasriga ee jimicsiga lagu sameeyo ee loo
yaqaano(JIMKA).kuwaas oo runtii dhiiri gelinkara qof walba inuu tago oo
ku jimicsado rag iyo dumarba madaama oo ay meelo xidhantahay oo qaybsan.
2- Qaadku waa aafada maanta
inoogu daran ee mujtamaceena ku haysa dhib aad u farabadan tan aynu ka
hadlaynaana ka tahay kow ,ee caafimaad darada marka laga yimaado dhibaha
kale ee faraha badan ee uu inoo gaysto,xag dhaqaale,xag
dhaqan,caafimaaddaradu howdaraatee.
waxaynu ka soo sheekaynay
jimicsila,aanta iyo fadhiga farahabadan ee bulshadeena waxaynu wada
ogsoonahay inuu number 1 ka yahay waxyaalaha fadhiga farahabadan inoogu
wacan,dhinaca kale fikradaha qaldan ee bulshadu ama inta cuntaa iska
dhaadhicisay sida sonkortuu dejaa ama kaadi macaankuu ka
dawoyahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!,totaly waa fikrad aad u khaldan
maaha wax waloo qadhaadh dhadhamaa inay dawo ka yihiin kaadimacaan ama
sonkorta jidhka yareeyaan,qaad cunow ila eeg qaadka waxaad ku kabanaysaa
shaah macaan dhaafa,ama aafadan iminka laynoo soo waariday waa (pepsiga
ama cocolaha) ee guryaheenii laynoogu keenay 100% waa sonkor
khaalisa.qaadcunow bal intaanad u fadhiisan qaadka shaybaadh soo mar oo
sonkortaada soo qiyaas,hadhow markaad ka kacdana is eeg ama dib isu
baadh markaas baad ogaankartaa inuu qaadku kiciyo sonkorta iyo inuu
dejiyo??????!!!!!!!
3-Bulshadeenu ma cabto ama ma
badsato biyaha oo inta jidhku u baahanyahay maalintii kama qaadato,waa
umad is haraadisa ilaa ay biyo u baahatana aan cabinba markaana shaah
cabta kaas oo aan u dhigmin habayaraatee koob biya oo aad cabto,waa
ddhaqan u baahan in wax laga bidelo cabitaanka biyuhuna waxay qayb ka
qaataan caafimaadka khaasatan safaynta dhiiga ,out put kaaga ( kaadida)
oo bata wixii suna ee aan jidhku u baahnayna debeda soo dhiga ,waxaad
ila aragtaa akhristow sida ay kelyo xanuunku ugu soo badanayaan wadanka
oo noqday xanuunada sida kediska qofku ugu dhinto sababtunatahay qofkoon
isba ogayn inuu kelyo xanuun leeyahay.
4-Booqashada dhakhtarada markaad
xanuun dareento ama baadhitaan dowriya oo 3 dii bilood ama 6 dii
biloodba aad mar si caama isu baadho waa wax yaabaha aynaan dhaqankaba
ulahayn ,mararka qaarkood waabaynu ka xishoonaa oo ceeb baynu u naqaanaa
!!!!!!! bal hada eeg akhristow bulshadeenu ilaa xanuunku soo rito oo uu
dhulka dhigo isma dawayso,waxaa qofka lala soo cararaa marka ay ka
dhantahay!! bal odhaahahan u fiirso ,xanuun yaroo iska khafiifaa
ihaya(cajiib iyagaaba is daignoosgareeya) waan iska ladnaanayaa!!,sidii
hebelbaa layhayaayoo waan iska ladnaan isba waakii ladnaadee!!!!bal
mudaan sugi sidaan noqdo!!!!
5-Dawooyinka (Drugs) waxaan
shaki ku jirin in ay dhibta ay inagu hayaan dawooyinku ay ka badantahay
faaiidada maanta aynu ka helo khaasatan kuwa wadanka lakeenu( waa
ganacsato bilaa naxariisa,isaga iyo ka raashinka dhacay bulshada ka
iibinayaa waa isku mid) waa laba dilaa waxaanay soo gelayaan khaanada
criminalka,bulshadeenu hadaba bal eeg siday dawooyinkan markii horeba
fartu ku godnayd bulshadeenu u isticmaasho, bal eeg odhaahdan akhristow
bulshadeena(hebelbaa dawadan isiiyoo sida layhayo loohayey oo ku
bogsaday bal ana waan isku dayayaa)!!!!!!!!,iskadaa yaga qolyaha sida
supermarkatka odhanaya hebelow taa ii dhiib tana keen( dukaan miyey ka
duwanyihiin,kii haystay pharmciguna aanu odhanaynba prescription
mee).xanuunada maanta badiba mujtamaceenu la tiicayo waxaa qayb wayn ka
qaata dawooyin si khaldan ama aan loo soo marin dariiqa saxda loo qaatay
oo bukaan loo siiyey .
6-Waxyaalaha cudurada faafaa
inoogu badanyihiin sida(TB) waxaa ka mida ee ka qayb qaata in walax
keliya waxlagu wada wadaago sida koobka khaasatan meelaha caamkaa ee wax
laga cuno kuwaas oo aan helin nadaafad wacan weliba,bal hada ila eeg
akhristow waxaad arkaysaa foosto biyo ku jiraan oo koob dulsaaranyahay
qof walibana darsanayo koobkaa hanbadana ku celinaya !!!!!!!!! waa
dhaqan aad u xun oo aan wanaagsanayn waana wacyi la,aanta mujtamaceena..
7-Raashinka aynu maanta cunaa
waa mid debeda laynooga soo waarido ,wakhtigii hore waxaynu ku noolayn
xoolaheena waxaynu kala soo baxno caano ,subag iyo hilib,taasi waxaad
moodaa inay yaraatay oo meesha ka baxday ,waxaa marka hore xasuus mudan
in cunista hilibka faraha badani uu dhibtiisa leeyahay khaasatan hilibka
cas kuwa lagu tilmaamo,maanta se waxaa ina soo galay kuwo ka khatarsan
intaaba waa bariiska faraha badfan ee aynu cuno iyo wixii lamida sida
daqiiqda kuwaas oo si qayrul xada loo isticmaalo miyi iyo
magaalaba,intaaba se waxaan soo arkay oo khatarteedale (SALIIDALAGU
KEENO JIRIKAANADA YELLOWGA )..saliidahaas oo aan la garanaynin ama aan
bulshaduba is waydiin halka laga keeno waxa laga sameeyo!!!!!!??? yadoo
loo isticmaalo si qayrul xada oo ay halkii subaga gashay bal laxooxda
lagu darsado,,,waxaan leeyahay waa WARNING!!!! saliidaa hala ogaado oo
halaga feejignaado.
Guntii iyo gabagabadii waxaan ku
soo koobayaa bulshadeenu waxay u baahantahay in laga wacyi geliyo
dhaqanadan iyo caadooyinkan aan wanaagsanayn,kuwa aynu dhaqanka u
leenahay iyo inta wanaagsan ee aynaan ku dhaqminba in si balaadhan looga
wacyi geliyo,waxaanan umada u sheegayaa runtii in xaalada caafimaad ee
bulshadenu ay halis ku jirto hadaan waxyaala badan laga qaban sidaan
sheegay waa bukaan socod intooda badani,waxaa loo baahanyahay adeeg
caafimaad oo sare iyo life stylekeena oo wax badan laga bedelo maadaama
oo nolol casriya lagalay inlala jaanqaado.waxaan ku soo gabagabaynayaa
odhaahdaan( PREVENTION BETTER THAN CURE)...
allaa mahadlle.....
abdirashid osman
Dubai
00971506972985.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...