ONLF iyo doorashada Itoobiya: 'Siyaasiyiinta shacabka deegaanka Soomaalida uma arkaan Itoobiyaan'
Ururka ONLF wuxuu ka mid ahaa Jabhadaha muddada dheer dagaalka xoriyad doonka ah kula jiray dowladda Itoobiya, saddex sana ka hor ayeyna heshiis nabadeed qaateen.
Axmed Maxamed oo ah xubin ka tirsan guddiga fulinta ururka ONLF, ahna madaxa xafiiska xiriirinta dowladda dhexe ayaa BBC uga warramay arrima la xiriira doorashada iyo dhaqadhaqaaqa siyaasadeed ee ururku uu wado.
Muddada ONLF ay deegaanka soo maamushay?
Ururka ONLF intii uusan billaabin dagaalkii hubeysanaa ee dowladda Itoobiya uga soo horjeeday, wuxuu deegaanka Soomaalida soo maamulayey ku dhawaad sanad iyo toban bilood. Calanka deegaanka uu hadda leeyahay iyo manhajka waxbarashada ee Af-Soomaaliga ahna waxaa hirgelisay dowladdi deegaanka ee ONLF ay hoggaamiseysay.
"Howlaha aasaasiga hirgelintooda markii aan billownay, waxaan haysanay taageero shacab oo aad u badan, ka dib dagaal ayaa nalagu soo qaaday. Madaxda ururkana in la dilo ayaa la billaabay, taas ayaa nagu kalliftay in aan duurka galno oo aan Jabahadeyn billaawno," ayuu yiri Axmed Maxamed.
Magaca ONLF (Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya).
ONLF waxaa la aasaasay 36 sano ka hor. Urukana weli wuxuu wataa magaci lagu aasaasay, haddaba BBC waxay Axmed Maxamed waydiisay, mar haddii aad nabad qaadateen Itoobiyada cusubna aad la jaanqaaddeen, maxaa idinka hortaagan in aad baddashaan magaca ururka?
"Waa su'aal fiican. Magaca ururka kuma baddalmayo isbeddel yimid. Magaca ururka wuxuu ka yimid rabitaan shacab oo ma aha mid ay hoggaanka ururka ama shaqsiyaad ay go'aansanayaan.
"Itoobiya in aan ka sii mid ahaanno ama aan ka go'nana waxay ku xirnaan doontaa natiijada ka soo baxda aftida shacabka laga qaado. Madaxda Itoobiyana haddii ay shacabka kasbanin ama ay soo jiidanin mowqifkaas ma aha mid si fudud lagu baddalayo", ayuu yiri.
"Su'aasha inta badan suxufiyiinta ay na weydiiyaan aad baan ula yaabnaa, maxaa yeelay gooni isu taagga maxaa idin daba dhigay? Gooni isu taagga waxaa oggol dastuurka dalka Itoobiya uu ku dhaqmo, marka ha isku wareerinina."
Shacabka deegaanka Soomaalida Muwaaddinnimo ma dareemaan
Axmed Maxamed wuxuu sheegay in haddii runta laga hadlo in shacabka deegaanka Soomaalida ama Sahacabka Ogaadeen aysan aaminsaneyn inay yihiin muwaaddiniin Itoobiyaan ah, sababtoo ah dowladda dhexe ee Itoobiya si aad ayey u gacan bidixeysay shacabka deegaankaasi.
Shacabka wuxuu dal inuu leeyahay uu ka fikiri karaa markii ay dowladda dalkaasi shacabkaasi ka fikirto.
Shacabka deegaanka Soomaalida, matalaaddii uu ku lahaa dowladda Federaalka ma helay? Faa'ido noocee ah ayey ka heleen? Deegaanka Soomaalida maantaba waxaa laga helayaa shacab aan aqoonnin lacagta iyo dowladda Itoobiya toona. Marka arrintan maxaa la yaab ka dhigaya?" ayuu yiri.
"Shacabka Soomaalida waxay garanayaan oo keli ah ciidamada loo diro kaddibna "dil iyo xasuuq u geysto". Arrintaa in wax laga baddalana wuxuu xil ka saaran yahay, lagana sugayaa madaxda dowladda dhexe. Guud ahaanna dalka Itoobiya waxaa nalooga arkaa in aan nahay muwaadiniinta dabaqadda labaad.
Shidaalka deegaanka Soomaalida laga helay
Axmed Maxamed oo ah xubin ka tirsan guddiga fulinta ururka ONLF, ahna madaxa xafiiska xiriirinta dowladda dhexe wuxuu yiri: "Soomaalida waxay ku maahmaahdaa'Dheriba ninkii u dhow baa dhuunigiisa leh'."
"Marka dadka ku nool halka shidaalka laga helay waa in ay ka faa'ideystaan kheyraadkooda, mana ahan in shacabka Soomaalida ay kheyraadkooda ay marti ka noqdaan. Qaybta la sheegay in shacabka deegaanka laga siinayo aad bey u yartahay, intaa in ka badan inay qayb ahaan u helaan ayey ahayd."
"Xilligi aan halganka ku jirnay, sidii ay shacabkeenna dawo la'aan ugu dhiman jireen ayey weli u dhimanayaan, waxaanna aaminsannahay, si kastaba ha ahaatee, arrinta inay sidaa aysan ku sii socon karin."
Axmed waxaa kale uu wareysiga BBC uu siiyey ku sheegay in la dhoho 'ururka ONLF wuxuu u soo halgamay beesha Ogaadeen' waa khalad. Anaga waxaa u soo halgannay dhammaan shacabka deegaanka Soomaalida ku nool.
"Sidaa si la mid ahna doorashada ka dhaceysa dalka Itoobiya, si aan uga mid noqonno waxaan ka sharraxannahay Mooyaale, Nageyle, Fiiltu Dolow-Addo, Jigjiga iyo Diridhaba, oo ay Soomalida ku nool yihiin."
Wuxuu intaa ku daray: "Waxaan aaminsannahay in aan nahay Urur quluubta shacabka Soomaalida aad ugu dhow, qofna maanan xirin; qofna maanan eryin oo waxaan ku kalsoonnahay codka shacabka.
"Marka haddii aan doorashada la xadin, waxaan aaminsannahay in 89% codka shacabka aan heleyno. Haddiise codka la xado, sidi uu Meles dhihi jiray '100% waan kuu guuleysannay' ayey na dhihi karaan."
Balse hadii si sharci ah doorashada nalooga guuleysto, waxaan 100% diyaar u nahay in aan guul darrada doorashada aqbalno, ciddi naga guuleysatayna aan guusha ugu hambalyeyno.
Cabdi Maxamuud Cumar iyo Maxkamadeyntiisa
Axmed wuxuu sheegay in maxkamadeynta madaxweynihi hore ee deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ay la socdaan.
Wuxuu tilmaamay in isaga iyo madaxdi ka horreysay ee heer deegaan iyo heer Federaalba ay ka dacweeyeen maxkamadaha caalamiga ah.
"Waxaanna rajeeyneynaa in gabood fallada ay deegaanka Soomaalida ka geysteen in lagula xisaabtami doono si dhowna xaalkooda waan ula soconna."
"Balse arrinta la yaabka leh waxay tahay in Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha gal dacwadeedka kula jira markasta oo maxkamadda la soo taago waxa wax laga weydiiyo ma aha dhibaatooyinki ay shacabka deegaanka Soomalaida u geysteen balse waxaa loo haystaa oo keli ah shaqaaqooyinki 2018-kii ka dhacay magaalada Jigjiga."
"Aniga oo aan taa ka hormaneynin waxay ahayd in lagula xisaabtamo dhibaatooyinkii ay u geysteen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxaanna idiin sheegayaa in ilaa aan caddaalad helno aanan arrintan marnaba ka daali doonin oo aan la soconeyno."
ONLF Siday u aragtaa Itoobiyada cusub?
Axmed oo ka jawaabayay su'aashaa wuxuu yiri: "Anaga waxaan u aragnaa Itoobiya inay taagan tahay isgooys aad muhiim ah. Sida xaaladdan dalka uu uga gudbana waxay ku xiran tahay xisbiga talada dalka haya go'aannada uu ka qaato. Ka qayb galka xisbiyada siyaasadeedna sidoo kale door muhiim ah ayey ku leedahay ayaan aaminsannahay."
"Waxaa kale oo aan ONLF ahaan aaminsannahay in dalka inta uusan doorasha u ordin ka hor in la helo dib u heshiisiin qaran oo dalka ka dhacda."
"Doorashada oo ay ka harsantahay wax ka yar laba bilood, Addis Ababa oo aan joogo xataa laguma arkayo dhaqdhaqaaq muujinaya doorasha inay jirto. Shacabka magaalada xitaa waxaad modda in doorashada aysan daneyneynin.
"Marka aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsannahay in dalka Itoobiya uu ku jira xaalad aad u adag oo khatar badanna leh. Balse aniga ma saadaalin karo halka uu dalka u sii dhaqaaqi doono."