Xanuunka KAADI MACAANKA Iyo Bisha Barakaysanee Soonka..By Abdirashid Osman
marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda kala duwan inta isdultaagta mabaa
,diideeda kuna
dhaqanta,waxaan kaloo salaamyaa dhamaan akhristayaasha sharaftale.
caafimaadku waa shay qaaliya waana
nicmooyinka waawayn ee ilaahay marwalba la waydiisto,caafimaad qof waaya
uun baa ogaan kara qiimaha uu leeyahay.
ducooyinkii rasuulkeena moxamed (csw)
uu ina faray inaynu had iyo jeer ku ducaysano ayaa ah(allaahuma inii
asaluka alcafwa wal caafiya),,,dhinaca kale waxaad ka dheehankartaa
xadiiska rasuulka (csw) ee mashhuurka ah..macnihiisuna yahay ( xubin
kamida jadhkaagu hadii dhib ama xanuun noocuu doonaba iyo intuu doonaba
ha ahaadee in jidhkaaga inta kalena lawadaagayso xanuunkaa lana
sahrayso.)
maanta waxaan in yar wax ka odhanayaa
xanuun iminka fara baas ku haya caalamka oo dhan yar iyo wayn
,xanuunkaasi waa KAADI MACAANKA ( Diabetic Mellitus) waa xanuun choronic
ah lagana dawoobin ilaahay tiisa mooyaane (ilaahay inta uu hayo haka
caafiya inta kalena haka fogeeyee).
1-WAA MAXAY HADABA KAADI MACAANKU?
NOOCYADIISA?MAXAA SABABA? CALAAAMADIHIISA?IYO DAAWO MA LEEYAHAY?
Waa suaalo runtii aanan aad ugu
fogaanayn sharax kooban oo la fahmi karana kaga jawaabaya inta ay
garashadaydu tahay iyo aqoonta aan u leeyahayi,
2-Waa maxay kaadi macaanku? sidaynu
ogsoonahay bini aadamka markiisa horeba waa mucjiso ilaah ,xubnihiisa
mid waliba shaqo gaara bay qabataa lakiin hadana isku wada
xidhan,waxaynu kaloo ogsoonahay in jidhka bini aadamku u baahanyahay
sonkor waana level mucayina oo haday xad dhaaf noqoto oo dhiiga ku
badato layaaho kaadi macaan ,sonkortu waxay ka dhalataa cuntada aynu
cuno marka danbena waxayna ina sii saa tamarta ama dhalisaa
(glucose),Dheecaanka hadaba ku ilaaliya levelkaa sonkorta dhiiga
(insulin) oo ka soo baxa ama ay siidaayo qanjidh ku yaala GANACA
(pancreas) langerhans island,isku soo wada duub kaadi macaanku waa xadka
sonkorta dhiiga raacada oo kor uga kacda xadkeeda.
waxaa lagu qiyaasaa sonkorta dhiiga
dabiiciga ah 80-120ml/dl qofka caadiga ah ee aan xanuunka qabin.
3-intee nooc buu u kala baxaa
xanuunkani? marka aad loo fasirayo xanuunkan waa dhowr nooc laakiin
waxaa ugu caansan 3 nooc:
A-waa nooca loo yaqaano (INDM),,oo ah
nooca aan qanjidhkaasi haba yaraatee soo saari karin insulin oo
howlgaba,qofkaasi wuxuu u baahanyahay inuu insuliin qaato si irbad
ahaana ama spray,ama hab cusub oo dhawaan soo baxay jidhkana la gu
dhexbeero mishiin isagu ku sii daynaya insuliinta marka uu u
baahdo.noocani wuxuu ku badanyahay oo ku dhacaa acaruurta iyo dadka waaa
wayn lakiin nisbad yar.
B-Nooca kabaad am (NIDM) waa
qanjidhkaa oo yareeyey dheecaankii waa insuliikee si waafiyana aan u
gaadhayn level kii dabiiciga ahaa,kani waa nooca uu u badanyahay dadku
waana mid aanay dadku had iyo jeer aanay isku ogaan isagoo soo rita
mooyaane.(waana ka wadankeena ku badan).noocani waxaa loo qaataa kiniin
iyo life style ka qofku bedelo dad doodu waawayntahayna wuu ku dhacaa
ama ku badanyahay.
C-Nooca sadexaad waa ka ku dhaca
haweenka uurkale waana mid mudadaa uun ku xidhan ,waxaana loo malaynayaa
inuu uun ka dhasho hormoon jeenjisska ku yimaada haweenka marxaladaa
markay umushana badidooda ka baxa ama ay ka bogsadaan.
2- Maxaa sababa kaadi macaanka ?ilaa
iyo hada ma jiraan asbaabo toosa oo la odhan karo way sababaan lakiin
waxaa la odhankaraa xanuun ku yimaada qanjidhka,dhaxal jiiniya oo
taariikhda famliga ah,iyo life style ka dadka uu ku dhaco oo la dirsay
lana ogaaday fadhiga badan,cayilka xad dhaafka ah iyo cuntada ,si gaara
cuntada baruurtu ku badantahay iyo dufanku.
3-calaamadihiisu waa maxay? waa arin
muhiima akhristow inaad ogaato:
a-kaadi badan oo aad marwalba
dareento in kaadi ku hayso khaasatan habeenkii,
b-haraad badan ay sababaysana
kaadidan badan oo jidhkaaga ka dhamaynaysa biyaha.
d-baahi badan oo aad cunta cunista u
qabayso xataa hadaad cuntay markaaba.
c-miisaanka oo qofka aad uga dhaca si
fudud oo dhakhso badan,
e-daal farabadan iyi tacab
f-afkaiyo jidiinka oo ku qalala
g-dookhad iyo araga oo dhalanteed kaa
galo wax walba mararka qaarkeed
Calaamadaha waawayn ee marka danbe
qofka ku soo baxa hadii uu kantarooli waayo xanuunka:
a-nabarada oo aan hore u bogsan xataa
haday yaryihiin,
b-araga indhaha oo sii yaraada
,marka danbena indha beel uu qofku ku danbeeyo
c-kelyaha oo uu ka haleelo oo howlgab
noqda,wadna xanuun,dhiikar iyo aakhirka dhimasho.
3-Dawada xanuunkan:
Sidaynu u soo sheegnay ka hore waa
irbadaa insuliinka oo uu qaato for life si taxadirana u isticmaalo
,cuntada iyo insuliinka uu qaadanayona isu miisaama.
nooca labaad waa ka loo qaato
kiniinka laguna kantarooli karo ,waa hadaan life style ka oo labedelaa
,jimicsiga,cuntada intaasiba waxba ka tariwaydo ayaa markaa lagula
tacaalaa kiniinka..
nooca sadexaad waa ka ku dhaca
haweenka uurkale ,kaasi waa mid mudadaa ay gabadhu uurka leedahay ku
xidhan oo markay umusho badiba ka baxa in yar mooyaane wax dawo ahna u
baahna,lakiin waa inay qofka dumari siyaaro joogta ah ula yeelato
dhakhtarkeeda.
hadaba gabagabadii iyo gunaanadkii
akhristow xanuunkan kaadi macaanku waa mid jamhuuriyada somaliland
bulshdeeda iminka aad loogu arko una baahan in tirakoob lagu sameeyo
dadka qaba si loo ogaado dawana loo siiyo ,xanuunku waa chronic disease
lagama dawoobo se waa lala noolaan karaa ilaa aakhiril cumur baqdina
malaha marka la kantaroolo si fiicana loo ilaaliyo.
bulshada hadaba waxaan leeyahay
xanuunkan iyo kuwa kaleba yaan la qarsan waayo xanuunka horaantiisa iyo
marka uu fido wax ka qabashadiisu way kala howl yaryihiin ,hadhayal
sanina isna baadha ,sida laysu baadhaana waa fudayd ,si fikrad ahaana
waxaad iska baadhi kartaa laababka farmasiyada haday hayaan mishiinka
lagu baadho ee electroniga ah ,lakiin si saxa waxaad u kala ogaankartaa
marka aad Dr u tagto iyo dhakhtarkaaga.
waxaa kaloo aad isugu taxalujisaan
calaamadihiisa oo hadaa intaa iyo in u dhowba isku aragtaan aa markiiba
dhakhtarka ka hubisaan.
wax yaalaha AAN AADKA ULA YAABAY
WAXAY AHAYD MARKAAN KU ARKAY MIYI DADKII OO XANUUNKANQ QABA OO AAN IS
OGAYN ,dadkaa maxaad ku tilmaami kartaa life style kooda miyey yihiin
dad la odhanlahaa xanuunkaan bay qaadayaan !!!! runtii wax waliba
waaamarka ilaahay ,lakiin xanuunkan waxaa lagu tilmaamaa xanuunka
casriga,,,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...