Kornayl Doolaal Muxuu Galabsaday Ee loo Garbo Duubay?

0
Friday April 23, 2021 - 11:09:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kornayl Doolaal Muxuu Galabsaday Ee loo Garbo Duubay?

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

Waxaa na soo gaadhaya dhawaaqyo dhiilo leh oo ka imanaya ehelka iyo bulshadda Somaliland oo ku saabsan kornayl Jaamac Maxamed Aadan Doolaal oo ka mid ahaa raggii  qayb libaax leh ka soo qaatay soo dhicitaankii gobanimadii la lumiyay 26 June 1960 kii, isaga oo ka mid ahaa intii duurka u gashay kuna dhaawacantay ilaa maskaxddu finniintay ilaa  maskax xoolaad lagu kabay. Hase-ahaatee Somaliland oo ka duwan caalamka intiisa kale oo ka wax taraa uu yahay ka ay ku tumato oo aad is odhanyso waar ma si kale ayay wax u  socdaan waa maxay abaalla’aanta intaa leeg ee lagula kacayo intii ay ahayd in loo abaal celiyo oo wax tar loo fidiyo?



Waxtar haba joogee Doolaal oo ka mid ahaa dadkaa duurka u galay soo dhicinta  gobanimaddaa oo ilaa hadda shaqaynaya oo tiraba dhowr jeer ku dhaawacmay halgankaa soo dhicineed ee gobanimaddii kaska ama doqoniimadda loo tuuray darteed ayay haddana tani   maanta haysataa.


Laakiin cidda Somaliland si fiican u taqaanaa la yaabi mayso, waayo mee Hadraawi? waxa uu ku yahay sariir jiif magaaladda Burco cid sidaa u eegtayna ma jirto. Ha ugu horeeyo   Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) oo xataa mar uu Burco u tagay si uu shahaadooyin u soo qaybiyo ardaydda jaamacaddaha ka baxday uu u quudhi waayay inuu is dul taago.

 
Kolkaa ha la yaabin, haddii uu maanta xadhiggiisa loo tiriyo Kornayl Doolaal. Mana aha qabiil sooc ee ha ilduufin aaskii Cismaan Dacas oo uu beertiisii ugu itaal sheegtay deegaan  ahaanba isma dul taagin oo kama qayb galin. Xasan Guurrena Alle ha u naxariisto’e tubtaas ayaa la mariyay. Qaar kale oo badan oo nool oo aanu dan ka galin ayaa iyaguna buuxa, bal eeg Cabdi Raxmaan Aw-Cali Faarax oo Turkiga u jiifa xanuun maalin hal kalmo kama odhan.


Suldaan Ibrahim Jaamac Samatar oo lagu aasay Gabiley isma dul taagin isna Alle ha u naxariisto e`.Haddii aad u haysatay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) halgankii dib u xoraynta Somaliland in  uu uga mid noqday soo dhicinteeda iyo damiir waddaninimo oo ku jiray waa  ay kaa qaldan tahay ee waxaa laga yidhi waxa uu ugu dhuumanayay ee uu kolba geed isku qarinayay kol uu yidhaa waa "Markaygii” iyo kol uu Shaanni meel dhiggo iyo kol uu yidhaa  "hebel iga reebba” waxa uu u ham iyo dig lahaa inuu mar uun ku gaadho madaxwayne ganacsadde ah oo la tartama ganacsatada kale sida Dahabshiil iyo Telesom. Isaga oo ku gabanaya inankiisa yar ee Maxamed Muuse Biix dabaddiisa oo meel wal oo ay shilling ku  tuhmaanba doonaya inay saami ku yeeshaan. Waxa kale oo uu SNM ugu daba dhuumanayay nuu ku gaadho Madaxwayne si uu u aarsaddo. Aarsiga oo ah sifo uu shakhsi ahaan u  dhashay isaga oo jecel inu ciil baxo, kana aar goosto cid kasta oo uu maalin wax ka towday iyo kuwo aan sii ridnayn oo kuwaa uun la mid ah oo shakhsi liitaa ku fikiro haddii kale siddii  Hadraawi ayuu odhan lahaa "Midhka hooska tuurka ah nin raga hilmaama”Aan u soo gondo daggo dulucdda maqaalka ee waxaa baryahanba la isla dhex marayay in uu kornayl Doolaal u garbaduuban yahay cadho ka dhalatay gadood ay ciidamada qaranku ka sameeyeen aagga Barri. Taasi oo ka bilaabantay askari kelyuhu xanuuneen oo xildhibaan Nac-nacba ka hadlay marar badan.  Haddaba ma cadda halka uu Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) u sibir saarayo xadhigga kornayl Doolaal inkastoo ay sheegtay inanta uu dhalay  kornaylku in uu ka xanaaqay taariikhddii SNM oo uu ka sheekeeyay xilliggi xukuumadda Siilaanyo, in kastoo aanan aad u fahmin waxa uu yidhi kornayl Doolaal xilligaa uu ka  sheekeeyay taariikhdii SNM. Haddana waxa dhici kara in uu yidhi wax cadho galiyay Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan), kaasi oo aan iloobin haddiiba uu wax kugu qoonsaddo kaana  aar gudan doono ha dhawaato ama ha dheeraatee. Bal taa waxa aynu la sugi inta qoyska  kornayl Doolaal khaasatan gabadha uu dhalay oo hadalkaasi tidhi inta ay inoo faahfaahin  doonto dhacdaddaa iyo halka ay salka ku hayso oo xaqiiqadda arrinkaa waxaan u dayn doonaa jeer danbe.


Sidda aan tuhunsanahy waxaayabaha uu u sibir saaray Muuse xadhigga kornayl Galaal  waa  in uu ku xidhiidhinayo kacdoonkii ciidmadda qalabka sida ee Somaliland ka sameeyeen aagga Barri. Waa wax dhici karta inuu si ahaan arrinkaa ugu gabaday hase-ahaatee meesha kama madhna aarsigaa gabadha kornayl Doolaal dhalay oo sheegtay aarsi inuu jiro ama mid  kale oo aan laga warqabine. Waxa uun cad inuu Kornayl Doolaal u xidhan yahay Muuse BiixiCabdi (Wax ma yaqaan), kaasi oo dhan iskaga leexiyay Sharciggii haddii uu noqon lahaa mid golle walkiileed ama kii guud ee u yaalay shicibka Somaliland ee dastuurku dhigayay.


Mar haddii ay siddaa tahay tani wax badan kama duwana tii uu sanaddo ka hor ku qafaashay xildhibaan Dhakool oo muddo u garbaduunbaa waxaase iyana in la xuso u baahan laba  arrimood oo ah in uu xanuunsanayo oo ay adagtahay inaad qaadato in nin Sarkaal ah lagu rido jeel aan loogu talo galin ciidmadda isla markaana si arxan darro ah loogu diido  dawooyinkii loo gayn lahaa iyaddoo uu xanuunsanayo, taasina ay mar kaleku tusayso ama SNM ha ahaado ama yuu ahaane arxan darradda Muuse Biixi iyo sida u dibadda uga hurdo wax kasta oo qof lagu majeerto.


Qof aadame ah oo leh damiir xumada noocaas ah oo aan maqlay ama arkay ma jiro marka  laga reebo ninkii macangaga ahaa ee qarniggii 19-aad ku noolaa dhulkii loo yiqiin Ciid ee ay magaalo u ahayd Qabridaharre haddana ka tirsan Killilka Shanaad waa Mataan Ciiddeed e`,  kaasi oo isku darsaday kibir , jaahilnimo, qab, garowshiiyo la’aan, gardiidnimo, ergodiidnimoiyo anigaa kaligay ah taasina ay aakhirkii gayaysiisay in la xuluuliyo waran isagoo la wadhay horteedda gabadhii Sareeddo Ciideed, taasi  soo afjartay muddo dheer oo uu Mataan Ciddeed ku amar ku taaglaynayay dhulkaa loo yiqiin Ciid ee Qabritaharre ka mid tahay kaasi oo mar  kaliya laga wada raystay Mataan Ciiddeed isna uu soo gabagaboobay in afka ciidda loo darro.


Tolow Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) oo ay wax badan wadaagaan muxuu xaalkiisu ku soo gabagaboobi? Ma waxa uu noqon mid siddaa Mataan Ciddeed laga raysto laguna  digto oo la yidhaa "Wixii aad Mudadda dheer raadinaysay haddaad heshay ee qaayib oo ku Abshir. siddii carro Ciiddeed uga raysatay Mataan Ciddeed ayay Somaliland Kaaga raysatay  adna.” Mise tolow hee si kale ayaa xaal isku gadiyi aan wada dhawro maluugta iyo waxa ay xanbaarsan tahay.

Qore: Cabdi Muxumed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...