Jama Shabeel Waa Laxdii Indhaha La'ayd, Ee Sanqadha Dhurwaaga Daba Carartay ( Abdi-Shotaly) .
Naf aan quus aqoon, iyadda baa quus ah, oo waxay samaynayso iyo meel ay marayso, mid-na aan ogayn, waa sidda Jaamac Sheebele, wuxu weli hunguri ka hayaa, naawilayaa, kolba madaxa u xoqonayaa, bal ina in uu u jixin-jixo askariga qalbiga la', ee hor joogaha ka ah Somaliland. Malaha wuu ilawsan yahay, inta jeer ee hore dhixirka loogu xidhay? Ee aan ugu soo celiyo, si aan u xasuusiyo, haduu wax ku qaadanaayo, ee lagu yidhi, siddii Miskiin dawersa-naaya "Allaa-Kariim", ee uu goobtii ka dhaqaajiyey, waa tane, Iga hooya Akhrista-yaal:-
(a) Waxa si waxsh-nimo ah looga caydhiyey, Xoghaya-nimaddii Ururka askarta iyo dhuuni raaca-yadda ee "Qudhmiye", oo si aan dadnimo haba yaraatee lahayn, oo cadawti-nimo ah, bilaa qaderin iyo xushmad la'aan ah looga eryey,, inta xilkii laga qaaday. cela la mariyey., mase dhaadsana ilaa imika waxaas ku dhacay.
(b) Waxa Laga saaray, lagana qaaday, oo dib loogala noqday Xubin-nimaddii Golaha dhexe iyo Fulinta, laguna sameeyey wax uu qofkii in uun isu tuhayaa, uu ka dhiidhiyo, kana dhaqaayijo, ma dacawuu ka liitaa, neef geed laga saaray, markii ay gaadhi wayday, intay tidhi " UF" ka dhaqaajisaye?
(c) Wixii ay shirka Golaha dhexe ku sheegeen "Qudhmiye" ee Boorame lagu Qarsan-naayey, waa Jaamac Sheebel iyo asxaabtiisu, ka daba tageen, iyaka uu nacasnima-doodda quud-daraynaaya, in shirka loo sii daayo, oo ay ka hadlaan, akhristaw taasnia uma ay hir-gelin, ee waatii albaabka laga xidhay, ee la yidhi haddii aad tegi waydaan, askar baa la idiinku yeedhayaa. Iyakoo qulubaa -luudaaya, oo dhiigu ku karsan yahay, oomato ka degi la'dahay, waa kuwii ku soo noqday Hargaysa, iyaka oo dhuumanaaya, wixii ku soo dhacay awgeed.
Waxan ku soo xidhay maqaalkan, Jaamac Shabeel dambe ma tihide, ee malaa isma ogide waxa laguu bixiye " Jaamac Rakhiis" waayo qiimihii adaa iska dilay, sababta oo ah, adaa isu loogay cayayaanka Qudhmiye, ee askariga waalani ku hor dhibi shaxdo, siddii Awr gubadle ah, oo kaliil abaar ah qooqay. maanta baad ugus ii darayd, oo aad is tidhi, adiga oo askriga ku raaca " Bandooga Gobolka Sanaag" buu malaha xil kuugu dhiibayaa mar kale, tanina waa maskax xumiddii ugu weyne abid ee aad ku sii kacdo. hadaad in uun fekerayso, siddii raggii-ragga ahaa, ee derejoo-yinka ugu waaweyn dalka lahaa,
(1) Siddii Hogaamiye Xirsi Xaaji cali,
(2) Wasiirkii arimaha Debedda ee Siilaanyo Mr Maxamed Biixi oonis,
(3) Abiib Timacad,,
( 4) Ismaaciil yare,
(5 Xuseen Axmed Caydiid,
(6) Ambaasadoor Cali Cawaale.
Wax-ba yaanu hadalku ila sii tarmine, waxan ku soo ooday, Jaamcaw Rakhiisaw " Nin Ambaday Halkuu Maray, way ula ekoonayde, waa kaa Jamaac Rakhiis dar jiidhay maantana, waxa la yidhi " Dacawo halkay macal ku baratay, bay macaluul ugu bakhti-daaye, weli wuxuu ka daba niic leeyahay "Qudhmiye" oo uu naf ka sugayaa iyo in dib loogu yeedho, waase nin liita iyo caadadiiye, nabsaa ku haya hagardaamo gacal, hadima-diisiiye, tii aag ku samaysay C-raxmaan C/Qaadir, ee aad amarka ku bixisay, ee hortaadda lagu garaaco, oo dhabarka laga jebiyo, markii askariga Geenyo Shaaximan looga qaadaayey " Gudoomiye ku xigeenka Koobaad", baa abaal-keeddii ku helaye, u adkayso, weliba adiga gacan laguma saarine, Hadiise aad joogi waydo, waqcad ka sii xun baad la kulmi, ee waxan ku odhan lahaa, dib uga liq candhuufta, oo ku soo biir Mucaaridka, maamulak asakrta ka soo hor jeedda, nacasnimadda ku haysa, intaad iska safayso.
* N.B Nabsaa Ku Haya, Hagardaamo Gacal, Hadima-diisiiye!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!