Mudane Madaxweyne, Shilalka Gaadiidku Waa Aaffo Qaran, Booliiskuna Wuu Ku Fashilmay

0
Thursday April 22, 2021 - 08:54:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Madaxweyne, Shilalka Gaadiidku Waa Aaffo Qaran, Booliiskuna Wuu Ku Fashilmay

    Dhamaan Habsami Usocodkii Waajibaadkii Amniga Nabadgelyada Waddo Marista Oo Dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan Habsami Usocodkii Waajibaadkii Amniga Nabadgelyada Waddo Marista Oo Dhan

Mudane Madaxweyne.

Marka hore Salaamad.

Waxaan qormada u soo qoray oo qalinka u qaatay aaffo qarran oo an la dhayalsaday marar badana aad Madaxweyne ahaan ka hadashay balse siddii aad rabtey aan wax looga qaban( xawarihii gaadiidka lama dhimin basaskii sidii bay xawaare yaxyax leh hargeysa ugu dhex mushaaxayaan) illaa hadana dhibkeedu Taagan yahay.. Waa shilalka darawalada wadayaasha gaadiidku geystaan iyo hayadii ku shaqo lahayd oo aan lahayn.



Mudane Madaxweyne Waa Inaad Hayad kasta kula xisaabtanto Shaqada iyo Masuuliyada Qarranka ay u hayso.


Waxaa jira khatar. ka dhimasho dhibaato dhaawac badan.Xanuunka covid-19. Dagaalada sokeeye, macalauusha iyo baro kaca, abaaraha, oo aan la aqbali karin in masuuliyad daradaa lagu sii eegto. Bilkasta boqoqlaal qof ayaa Baarbuurtu si badheedh ah u dishaa taas oo aan ku dhiman masuubooyinka kor ku xusan lana xakamayn karo, hoos loo dhigi karo, haddii daacadnimo, masuuliyda, waajib gudasho iyo dedaal lala yimaado.


Sababta dhibta keenaysa waa:-


  • Gadiidkii oo xawaare xad dhaafa ah ku maraya (wadis heer argagaxleh)


  • goobihii dadweynaha ee gaadiidku marayey oo aan lahayn Hump/Hakiye Askarijiifa.


  • Ciidankii Nabadgelyada wadooyinka oo muuqaal ahaan u jira tayada tabarta iyo wajib gudashadoodiina meesha ka baxday kuna soo urutay liisan eegis, shaxaad, iyo shil dhacay tegis. taasu waxay keentay in waduhu wadada dhankuu doono u raaco, meeshuu doono dhigto, ku sheekeeyo, xawaaruhuu doono ku socdo, oo si kasta oo uu dadweynaha iyo hantidoo khatar ku gelinayo waduhu xor u noqdo.


  • Bur-bur Jidadaka iyo godadka Wadooyinka oo aan si joogto ah loo daryeelin .


  • Dadkii oo xidhay goobihii dadku marayey oo meherad ama baarkin ka dhigtay.


  • Hayadihii shaqadani ka dhexesey oo dhamaantood ka seexday.


Hadaba waxyeelada ugu khatarta badani oo lagu qiyaasay in 80% ay ka tahay dhibta jirta waa wadista argagaxa leh ee xawaaraha gaadhiga lagu xakamyanayo taas oo Booliisku ku Fashilmay. Waana Khatar aan Liisan Digital ah, Buug- Card ah aanay xal u noqonanayn sida wasaarda gaadiidku qabto. Weydiintu waa sidee dadku ku badbaadi karaa Iskarogada xamuulka ah ee niista sida 30 Ton ah, ee raran isla markaa Hargeysa 100KM/Per Hr ku hormarayso KAAH HOTEL oo 500 Caruur ahi ku jiraan, oo aan lahayn Hump ama Askari Jiifa iyo Traffic la xisaabtamaya Wadahaa/darawalkaas sida khatar argagaxa iyo baqdinta leh ummada ku dhexmaraya ee og in aan xadhig adag iyo ganaax mustasanayn xataa haduu dad jiidho. (mag baa la bixinayaa intuu 10 qof dillo).


Wadooyinka ama Jidadku malaha calaamado iyo tilmaamo iyana waa guul daro Wasaarada gaadiidka xageeda ka timid. Waxaa in meel kasta Jaadka ama qaadka la gu iibiyo, l u fiirso Wadooyinka halbowlaha ah ee dalka isku xidha bariga iyo Galbeedka wuxuu cidhiidhi iyo sumxad ku hayo...bal eeg agagaarka Indho birta markaad dhaafto baabuur qaad iibsanaya ayaa wuxuu xidhayaa jidkii 250 baabuur oo xamuul ah, ambalaas, buses , nooc kasta isugu jira. sidoo kale shiraacle markaad joogto Baabuurtii magaalada soo geleysey ee gobolada galbeedka Ethiopia iyo Magaalada u socotey iyo kuwii baxayey waxaa xidhaya booyad Mijin Iibsanaysa oo intaanay HASS Petrolum gaadhina 120KM/Hr ku soconaysa. Dhibtaas waxaa qayb ka ah Dowlada hoose oo ay tahay inay goob ku haboon u astayso qaadka oo aan carqalada ku ahayn isusocodka.

Muxuu yahay Khasaaraha jira:


  1. Maalinkasta Dhimasho/Dhaawac nafta bini aadmiga ee ugu qaalisan haday. Oday tahay, haday hooyo tahay haday arday tahay haday shiikh tahay waxaa dusha ka mara oo ay ku dhintaan shilal gaadiid oo Wadaha ama Dereawalku 60 ilaa 100 KM Saacaddii Kumarayo marka laga billaabo Kaantaroolka Galbeedka magaalada.
  2. Khasaare/hantida, goobaha caruurtu ku ciyaarto, masaajidada, makhayada, kaalmaha shidaalka oo dab qabsan karo, macradada, bakhaarada.
  3. Guryaha, meheradaha, gadiidka. IWM

Halkay Khatartu ka Imanaysaa?

  1. Booyadaha Biyaha dhaamiya oo Mgaalada ku dhexmara Xawaare yaxyax iyo Aragagax leh sida 100 Km/=Xawaare 100 Kiloomitir Saacdiiba.

  1. Iska rogooyinka Ciida guraXaawaare Aragag leh. 80KM/Hr

  1. Basaska gobolada Xawaare argagax leh ku socda.


  1. Gaadiidka Jaadka oo ku socda Xawaare argagaxleh aad moodid in loo sharciyey.


  1. Gaadiidka kale qaybo ka mida

Masuuliyada Khatarta lafteeda yaa leh?.


Cadowga 1aad ee Khatarta ku ah bulshada nafteedana ugeysta Dhimasho, Dhaawac, Burbur hantiyeed. waa WADAHA Baabuurka ama DEREWALKA.


Yaa iska lkeh masuuliyada xakamaynta iyo illaalinta bedqabka bulshada iyo in si sharci ah loogu nabad gallo gaadiidka?


  1. Ciidanka Booliiska JSL oo aanay ka marmarsoon karin cidna kula galgalan karin.


  1. Ciidanka nabad-geliyada Wadooyinka waa xil gudasho la'aan qarran oo ay tahay in Talaabo gaara laga qaado CNW/Tarffic kada. oo ku guul daraystay inay xakameeyaan yareeyaan shilalaka iyo buuqa sumxada wadooyinka.


Masuuliyadaha Guud Ee Qarranka yaa leeh?.

  1. Gollayaasha sharci dejinta oo aad moodo doorkoodiiba inuu noqday, mushahar qaadasho iyo mooshin sugid haday Baarlaamaan iyo guurti tahay inay arrimahan u damqadaana damiirkoodu siin waayey.


  1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga. oo aan dareenba ka lahayn dhibaatooyinka amni ee wadayaashu ummada ku hayaan waxay gabtay doorkeedii amni ee Gaadiidka iyo la xisaabtanka Booliiska.


  1. Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Wadooyin. waxay ku mashquushay hab lacag lagu ururiyo, waxay ka foogaataya joogteynta godadka shilalaka keenaya buuxinta wadooyinka khataraha ah, illaalinta wadooyinka, baabuurta dhagaxa iyo jaygu ka qubanayo, calaamadinta Booyadaha iyo Iska rogooyinka basaska, iyo smaynta claamadinta astaamaha habraacyada wadooyinka.


  1. Duqa Magaalooyinka. Maayarada Magaalooyinka iyo gudoomiyayaasha xaafaduhu khaastan Jigjiga yar iyo Macalin haaruun waxay ka seexdeen inay wax ka qabtaan shilalalka joogtoobey ee xaafadahooda ka dhaca iyo siddii ay u smayn lahaayeen Askari jiifa si xowliga iyo xawaaraha gaadiidka loo dhimo si khasaaruhu u yaraado.

  1. Gudoomiyayaasha Gobolada. umma haystaan inay masuul ka yihiin dhibaatooyinka gaadiidka waxay u haystaan in shilalaka iyo shaqadoodu tahay wixii reeruhu is yeelaan.. Qofka naftiisu waxay baxdaa hal mar in Gaadiidka la dhayal sadaa waa kkatar iyo aafo maamul oo soo jireen ahyd haddase u baahn in toos loo abaaro.


  1. Culimada, Aqoon yahanka, Abwaanada, Dhalinyara iyo Haweenka, Asxaabta Qarranka oo aan dhaadeyn dhibaatada Darawalada khayral masuulka ah iyo waxeeyalada heer qaran ee u baahan in laysu taago.

Dowlad iyo shacaba yaynu sugaynaa in shilalaka argagaxa leh iyo Wadida gaadiidka ee khatar iyo yaxyaxa leh inay wax ka qabtaan..?


Aratida Xalka oo ah Tallo soo jeedin. waa in arrinta loo aqoonsado aafo khatar ku ah ummada oo dhan wax ka qabashadeedana layska kaashado la joogteeyo cidkastana gacan llagu siiyo.


  • In Ciidanka nabadgelyada Wadooyinka lagu darro Ciidanka dab damiska oo ah Ciidamo ku tabobaran howlaha degdega ah, isla Ciidanka Nabad gelyada wadooyinka laga hoos saaro Booliiska waayo hab isku raran oo Taliyaha waxkasta la ogaysiinayo ayaa booliisku u dhisan yahay kaas oo aan jawaabihii xiligii iyo hawshii loo baahnaa la jaan qaadi karin.. Ciidanka Booliiska oo xirfad ahaan iyo yato ahaan ku liita habka xakamaynta iyo amnigagaadiidka.


  • In la sameeyo xawaaraha gaadiidku jidadka ku maray silooga badbaado in darawal kastaa wuxuu doono ku socdo.


  • In xadhig adag oo aan iib lahayn loo sameeyo iyo ganaaxayo adag laga soo saaro wadayaasha gaadiidka ku ka xeeya xawaaraha iyo socodka aan sharciga ahayn.


  • In liisanka lagala laabto darawalada shialalka galay ee xawaaraha iyo masuuliyad daradoodu sabatay waxyeelo. haddii mar dambe lagu qabtana xadhig badan uu mutaysto.


  • In goobaha dadku ku badan yahay laga dhiso Askari jiifa oo si uqlanta xawaaraha u dhimi kara.


  • in aanay jirin cid xaq u leh inay xawaare argagaxay iyo halisku ku ah bulshada ku socoto haday umbulance booliis iyo Jaadka tahay balse wadada loo baneeyo Booliiska, Dabdamiska, Doctorska umbulance Ciidanka nabadgelya IWM marka xaaladi jirtro keliya.

  • in Qaadka laga qaado goobaha cidhiidhiga ah, sida, Wadada isku xidha Bariga iyo Hargeysa, Shiraacle, Faraska,Agagaarka Saldhiga new Hargeysa, Caanaha riyaha, Isgoyska Togdheer, Ka soo horjeedka Wasaarada Arrimaha Debeda, Isgoyska Xero Awr, Isgoyska Total, Aagagaarka xerada traafikada Galbeedka, Is goyska If iyo Aakhiro, Isgoyska xetro awr iyo Goobaha muhimka ah ee gaadiidku ku badan yahay in laga qaado kabdhada qaadka.
intaas ayaan ku soo ururin lahaa.. Ramadan kariin


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...