Muuse Biix Cabdi, Madaxwayne? Mise Garasho Daradiisa Kaga Galgashe Cid Kale?

0
Wednesday April 21, 2021 - 10:13:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biix Cabdi, Madaxwayne? Mise Garasho Daradiisa Kaga Galgashe Cid Kale?

    Qore: Cabdi Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muhumed

Xilli hore ayaan la kulmay isaga oo aan ahayn madaxwayne laakiin soo fananaya buur dheer oo ku qaadatay muddo dheer inuu fikta u baxo isagoo laga guntay hadalo ay ka mid ahaayeen "Hebel iga reeba”, "Muuse Shaani”, "Codkayga meel hala dhiggo” iyo "W aa markayggii”, si kastaba ha ahaatee isagoon nafiba ku jirin ayuu fiktii yimi muxuuse la yimi? Waa halkaa halka ay u dhimatay ee u baahan in la lafo gurro oo la isla eego.



Bal aan qeexitaan ku samayno qofka uu yahay Muuse Biixi Cabdi oo maanta ku magacaaban madaxwaynaha Somaliland hase-ahaatee aan lahayn hal wiqiyad oo karti hoggaamineed ah.


Hoggaamintu ma'aha iska yeelyeel iyo magacow iyo qasab ku fuul kursi iyo wixii la mid ah, laakiin marka horeba waa haybad alle bixiyo oo ay leeyihiin dad dhif iyo naadir ah. Kuwo kale ayaa siyaasadda wax ka bartay oo akhriyay kuna shaqeeyay oo sidaa ku galay liiska (Civil Servant) ama u adeegge bulsho waa waxan ay Somaliland ama Somaliyina kula dul kuftay "Siyaasi” ee magacii ba’ay (Poltician) ee aynu ku jaha wareeray hebel waa siyaasi rug caddaa ah iyo waa kan iyo waa keer ee jiho loo raaco aan lahayn.


Bal aan soo qaato Nelson Mandela inkastoo ay sharaf dhac tahay in la barbardhiggo Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) oo aan waligii bar ka gaadhayn, haddana waxaan doonayaa uun inaan qeexo qofka ah siyaasi iyo kan qasbaya. Waa halkii Abwaan Cabdi Cali Wayd "Nin Qasbaaya jacayl ma loo quudhi karaa”, haddiise uu maanta abwaan Cabdi Cali Wayd noolaan lahaa muxuu odhan lahaa marka uu arko mid ay ardaanimo wadaagaan oo qasbaya madaxwaynanimo oo kolba dhan kaga imanaya shay aanu shaqo ku lahayn laakiin uu faduul iyo aad ka taajirtid u raadsaday oo u qaatay in hantidda ummadda lagu xantoobsaddo lana maalo sidii sac isaga iyo qoyskoodda reer Cabdi Dameere leeyihiin.


Aan u soo laabto Nalson Mandela ee 2010 kii ayaan booqday Robbin Island oo ah goobtii uu ku xidhnaa muddo ku dhow 18 sanno, taasi oo kulaalaysa magaalo xeebeedda Cape town oo ah meel ay ka samaysteen janno yar caddaankii tiradda yaraa ee ka arrimin jiray South Africa wixii ka horeeyay 1993kii. Nin gadhwadeen noo ahaa aniga iyo koox halkaa u tagtay dalxiis iyo bal inay indhahoodda ku soo arkaan wixii halkaa ka dhacay ee taariikh ahaa, ayaa noo sheegay in xamaamo lagu maydho oo saf ahaa inuu ka mid ahaa maxaabiistii Mandela kula xidhnaa halkaas, Kaasi oo la sii daayay 1976 (Tour Guide) ayaa aad u murugooday markii uu nooga sheekeeyay in iyaga oo xidhan haddana ciqaab kale haystay oo xamaamadaa ay ku maydhan jireen iyadoo ay biyuhu ahaayeen qabow haba ugu sii daraato xilligga jiilaalka'e. Haddaba Mandela iyo Maxaabiistii kale ee halkaa ku xidhnayd waxa ay bilaabeen halgan kale oo jeelka dhexdiisa ah oo ay ku dalbanayaan in biyaha la iskugu daro kulayl iyo qabow si ay ugu maydhan karaan oo aanay jidhkoodda wax yeelo uga soo gaadhin biyo qabow xilligga ay jiilaalka tahay.


Si ay yoolkooddaa u gaadhaan waxa ay u mareen Red Cross ta caalamigga ah aakhirkiina ay ku guulaysteen inay helaan biyo kulayl iyo qabow iskugu jira oo si raaxo leh ay ugu maydhaan haddii ay Jiilaal tahay iyo haddii kaleba. Allow nin ma ahaa isaga iyo raggii kale ee la xidhnaa kaasi ayaa ahaa siyaasi rug caddaa ah.


Haddaba waxan afka qalaad lagu yidhaahdo (Scapegoat) oo ah qof had iyo jeer qaladkiisa ama garasho daradiisa doona in uu kaga galgasho cid kale oo aan shaqo ku lahayn, immisa jeer ayaad maqashay Muue Biix Cabdi (Wax ma yaqaan) oo leh "waa inaynu” waxan iyo waxee smaynaa. Suaalshu waxay tahay inaga oo ayo ah dee? yuu u jeeddaa? ma Waxa uu u jeeddaa xukuumaddiisa oo uu isku lamaanaynayo mise ummadda reer Somaliland, taasi waxa ay daaha ka faydaysaa magac aan uga soo dheegay mar hore hees uu lahaa Abwaan Yuusuf Aadan oo la magac baxday "Wax ma yaqaan” miyaanu haddaba wax uu buur soo fantaba aakhirkii isku caddayn inuu yahay "Wax ma yaqaan” haddii aanu kaa ahayn waxa uu la iman lahaa fikir uu ku samata bixiyo ummaddiisa wax kasta oo la soo gudboonaada ee inta uu Microphone soo qabsaddo ma uu yidhaahdeen "waa inaynu” adaa lagu taag la’aa oo magacyo kula baxay ee waa inaad jihaysaa dadka haddii ay tahay in laga saaro biyo la’aanta, shaqo la’aanta, aqoonsi la’aanta,cunto la’aanta, caafimaad la’aanta iyo inta u daran ee ku habsatay, haddii kale waxa ay ummadda reer Somaliland ku leedahay waa halkii oday Barre Ahmed Furre "Ma waxanaad Arbaciinadda la hagoognayd” Hadda oo aan qorayo maqaalkan ayay dadka reer Somaliland ugu la anayaan si tarab tarab ah cuddurka COVID-19. Magaalooyinka Somaliland ilaa hadda lagama hayo wax dhawaaq ah, oo uuadduunka ku waydiisanyo caawimo isaga, Saylici, wasiirkiisa Caafimaad ka iyo ku xiggeen kiisa.


Markaa waxaa sida cadceedda u caddaatay in muuse uu bilaash xayte u xiiqsanaa maal urursi tan iyo qaaxo oo ahayd, halkii uu iskaga qaatay inuu yahay siyaasi runtuse tahay inuu ahaa walina yahay qafqafle siyaasi is mood ah. Alloow muxuu ku tala galay inuu magac la wadaago rag dhabbo cad iska mariyay Caddaan dhulkoodda ku soo duulay qarniggii 16aad waa Nelson Mandela iyo raggiisiiye.


Ha isku dayin inaad noo sheegto wax aanan kaa qaadanayn oo kaa aqbalayn sida sanadkii hore mar aad Burco ka lahayd "Haddii aanad la meeraysan dadkaaggii oo waalan haddaa miyaad laysaa?” waa beentaa Muuse Biixi Cabdi "Wax ma yaqaan” waxa aad la meeraysanaysaa waa Wax ma yaqaaninimaadda, taasi oo dadka tustay sida aad u madhan tahay ee waxaa lagaaga fadhiyaa maanta ayay kuugu daran tahaye bal inaad Burco oo tarab tarab uu u laynayo cudurkii
COVID-19 iyo meelo kaleba sida Gar-adag, bal inaad xal ka keento ilaa hadda cidda kaliya ee lagahayo qaylo dhaan waa maayarkii Buro intii kale ee xukuumadda Muuse Biixi Cabdi lama hayo lamana oga cidda uu is leeyahay kaga galgalo. Xalka cidda loogga fadhiyaa waa adigga iyo xukuumadaadda ciyaala Malcaamaha ah si kastaba ha ahaatee lagaa yeeli mayo mid qaladkiisa
iyo wax garasho la’aantiisa cid kale u doondoona oo uu dusha ka huwiyo. Haddii arrinkaaga looga sheekeeyo faranjigga ama Ilma Nabi Aadan waa halkii Jidhife waxa ay kuugu yeedhi lahaayeen Mr Scapegoat.


Qore: Cabdi Muhumed
[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...