Axkaamta Ramadaanta ... Rakuub Qaybtii 7aad & 8aad

0
Wednesday April 21, 2021 - 09:59:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta ... Rakuub Qaybtii 7aad & 8aad

    W/Q: Sh. Cabdirisaaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sh. Cabdirisaaq
Afurinta qof sooman ajar ma leedahay?


In aad afuriso qof sooman oo aad cabbitaan iyo cunto siiso waxa ku jira abaal marin aad u weyn, waana arrin Rasuulku CSW dadka ku booriyey kuna dhiirigaliyey.



Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, "Qofka afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkuu afuriyey.” Culimadu way ka hadleen oo waxay yidhaadhdeen ajarka qofka sooman ee la afuriyey laga qaadi maayo ee ajar kaas oo kale ayaa la siinaya kan wax afuriyey. Sidaa darteed waa mihim in haddii awood loo leeyahay lagu dedaalo in la afuriyo dadka aan waxba haysan, qofka la afuriyeyna farxad ayey u tahay ka wax afuriyeyna ajar wayn ayaa ugu sugan.


Ma soomayaan haweenayda uurka leh iyo midda ilmo jaqsiinaysaa?

Haweenayda uurka leh iyo ta ilmaha jaqsiinaysaa cafimaad ahaan ayaa loo yidhi hayska cunaan, waxa loo danaynayaa ilmaha uurka ku jiraa ama ilmaha ay jaqsiinayso ama iyada qudheeda oo laga ilaalinayo caafimaad ahaan inay is-dhinto.


Sida daraadeed ayaa la yidhi yaanay soomin ee hayska cunaan, se waxa u furan laba mid; inay soo qallayso intii ka tagtay ee Ramadaan ah, waana ta ugu wanaagsan ee ay waajibka isaga ridayso, taasanay culimo badani ku tagsan yihiin oo ay leeyihiin waa waajib. Midda labaad; culimada qaar waxa ay yidhaahdaan haddii aanay karayn in ay soo qallayso dad bay afurin kartaa ama sadaqo ayey bixinaysaa sida qofkii gabowgu hayey iyo kii xanuunsanayey oo kale, mid se ogow waxa ka xoog badan in la soo qalleeyo.


Miyey jiraan wax aan cunista iyo cabbista ahayn oo soonka jabiyaa?
Waxa soonka jabiya wax kasta oo leh macnaha cunis iyo cabbid ee uu gudba qofka gudihiisa, waxaana arrintaa caddaynaya xadiiska Rasuulka CSW, "Ku xeeldheerow sandaarsiga haddii aanad ahayn mid sooman.”


Halkaa waxa aad ka arkaysaa haddii aad sooman tahay in aanad sandaarsiga ku sii fogaanayn oo aanad isku fogaynayn sandaarsiga, waana daliil muujinaya qofka ay biyuhu gudaha u galaan in uu soonkiisu jabayo, yaanay ahaan kuwa afka laga isticmaalo ee cunis iyo cabbis ah.


Waxa taas la mid ah faleebooyinka loo isticmaalo qofka ee xididka lagaga quudinayo, oo afka sanka ama meel jidhkiisa ka mid ah lagaga xidho, taas oo aannu qofku dareemayn gaajo iyo haraad toonna, oo uu helayo faleebbo cunto iyo cabbis iskugu jirta oo awood uu kaga maarmo siinaysa, sidaa darteed uma bannaana in qof sooman uu isticmaalo isaga oo ku jira gudashada soonka dhexdiisa.


Waxa kale oo iyaduna la mid ah faleebooyinka laysku xidho inuu qofku qaato sida faleebbada dhiigga oo la yidhaa dhiig ayaa lagu shubayaa isaga oo sooman, maaha wax bannaan, sida oo kale dheecaanada nafaqada ee ka kaxaynaya in uu gaajo ama haraad dareemo maaha wax bannaan iyaguna.


Qofku isaga oo sooman dhiig wuu iska qaadi kara, waana la mudi karaa irbad aan wax nafaqo ah wadan, kuwaasi soonkiisa waxba yeeli mayaan.


Arrimahaa aynnu kor ku soo xusnay waxa ay meesha ka saarayaan ahmiyaddii soonka ee ahayd in qofku Alle SWT dartii u dareemo surmi iyo gaajo, taas oo qalbigiisa ku dhalinaysa in uu baqasho sameeyo ah horta yaad u sooman tahay ee aad u gaajeysan tahay? Maxaad ku helaysaa tawskan ama gaajadan adag ee aad ku jirto?. Hubaashii su’aalahaasi waa mid qalbigiisa goodinaya, hir fogna ka tusaya abaal-celinta Alle SWT.




Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 8aad

Cadayga gelinka dambe Soonka wax ma Jabiyaa?

Rasuulku NNKH, wuxu yidhi, "Qofka sooman urta ka soo baxda afkiisu, Ilaahay agtiisa udugga Miskiga uga udgoon.” Aqoonyahanka diineed waxa ay iswaydiiyaan urtu ma afka ayey ka soo baxdaa mise caloosha? Culimada qaarkood ayaa ku tagay afka oo u badan Shaaficiyada, waxa ay ku tilmaamaan cadayga gelinka dambe in uu karaahiyo yahay. Laakiin badi aqoonyahanka diineed waxa ay qabaan in aanu karaahiyo ahayn cadaygu qofkuna xilli walba uu cadayan karo.

Biyaha taranka oo la iska keeno soonka ma jabiyaan?

Haddii qofku si ula kac ah isaga keeno biyaha taranka, waxa jabaya soonkiisii, waxana lagu leeyahay qallo maalintaas ah, se haddii si aan iska keenis ahayn ay kaaga yimaaddaan, tusaale ahaan qofka oo hurda oo aan is ogayn, soonkaasi maaha mid jabaya. Biyaha taranka haddii qofku gacantiisa isaga keeno ama isaga oo xaaskiisa la fara-ka-ciyaaraya uu ka yimaaddo soonkaasi wuu jabayaa.


Sifaynta Kalyuhu Soonka ma jabinaysaa?

Fuqahada Islaamku waxa ay fatwodeen wax kasta oo jidhka galaya oo nafaqo jidhka u sida in uu jabinayo soonka. Laakiin wax kasta oo jidhka galaya oo aan nafaqo lahayn sida irbadda la isku mudo, naqaska xiiqda loo qaato iyo waxyaallaha la midka ah in aanu jabinayn Soonka. Sida oo kale wax kasta oo jidhka ka baxaya sida dhiigga la shubayo oo kale in aanu jabinayn haddaan qofka caafimaadkiisa wax yeellayn sida in uu miirdorsoomo oo kale in aanu soonkiisu jabayn ayey u badan yihiin.


Qofka kalyaha loo sifaynayaa waa qof xaalad caafimaadxumo ku jira, waxa u habboon in uu fursaddaa Rabbi SWT, siiyey qaato ee ah in aannu soomin. Haddii uu ku adkaysto in u soomo, xejisan karayana wax dhib ah ma laha, sababta oo ah sifayntaasi shaqo kuma laha dheecaanada jidhka quudiya, sidaa ajligeed soonkiisa waxba yeeli mayaan sida culimada mucaasiriinta ah u badan yihiin.


Sigaarku Soonka ma Jabiyaa?

Cabbista sigaarka culimada mucaasiriinta ah waxa ay u badan yihiin in uu xaaraan yahay. Sababta loo xaarantinnimeeyeyna waa caafimaadka qofka oo uu waxyeellayo. Qofka sooman sigaar haddii uu cabbo soonkiisu ma jabayaa waa dood muddooyinkii u dambaysay soo xoogaysanaysay. Aqoonyahanka diineed badhkood ayaa ku tagay in aanu soonka jabinayn, iyaga oo ku sababeeyey in aanu gudaha u dhaadhacayn ee afka iyo inta soke qiiqiisu uu joogayo. Laakiin badi culimadu sida ay caddeeyeen dhakhaatiirtuba waxa uu u dhaadhacaa sambabada nuugistiisu, sidaa ajligeed waxa ay ku tageen in uu soonka jabinayo. Midda kale wax kasta oo xaaraan ah haddii qofku uu la yimaaddo inta uu sooman yahay soonkiisuna wuu jabayaa. Waxa mudan qofka sooman ee ajar doonka ah in uu fursad uga dhigo bishan Ramadaan oo uu balwadaha uu leeyahay uga faa’ideeyo in uu joojiyo, isaga oo Rabbigii u soomanna aanu soonkiisa ku burburin sigaar.


Qofka ku afura eeddaan khaldan?

Nabi Maxamed NNKH, wuxu sheegay in aragti lagu soomo, aragtina lagu afuro. Shardiga afurku waa in cadceeddu dhacdo, qofka afura iyada oo aan cadceeddu dhicin waxa ku waajib ah in uu soo qalleeyo maalintaas. Qofku haddii uu is moodsiiyey ama xaqiiqsaday cadceeddu in ay dhacday oo marku afurayna soo baxday qalle ayaa lagu leeyahay, haddii eedaan khaldan uu ku afurayna isna wuu soo qallaynayaa. Waxana ay tahay iimaamyadu in ay hubsadaan xilliga ay eedamayaan, hadday masuuliyad darro ku eedaamaan iyagaa qiyaamaha la waydiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...