Fadhiyadii Golaha Shacabka Oo Kooram La,aan U Qabsoomi Waayey Iyo Tirada Xildhibaano Shirgudoonka Eedeeyey.

0
Tuesday May 07, 2019 - 23:17:23 in News by
  • Visits: 2124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhiyadii Golaha Shacabka Oo Kooram La,aan U Qabsoomi Waayey Iyo Tirada Xildhibaano Shirgudoonka Eedeeyey.

    Fadhiyadii Golaha Shacabka Oo Kooram La,aan U Qabsoomi Waayey Iyo Tirada Xildhibaano Shirgudoonka Eedeeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhiyadii Golaha Shacabka Oo Kooram La,aan U Qabsoomi Waayey Iyo Tirada Xildhibaano Shirgudoonka Eedeeyey.

Muqdisho(HWN):-shirgudoonka golaha shacabka soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaano sababa la,aan uga maqnaada fadhiyada kala duwan ee golahaasi.

Shirgudoonka oo ka koobnaa gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo labadiisa ku xigeen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xildhibaano gaadhaya 143 ay si ku tala gal ah uga maqnaadaan fadhiyada golaha oo mudooyinkii ugu dambeeyey kooram la,aan u qabsoomi waayey.

Shirgudoonka golaha shacabka ayaa xildhibaanadan ku eedeeyey xil gudasho la,aan isla markaana ay dayacayaan shaqadii loo doortay.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inaanay sharciga meelna kaga jirin in xildhibaan uu ka maqnaado fadhiyada golaha isaga oo aan soo gudbin cudurdaar uu ku maqnaan karo.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in xildhibaanada mar dambe ka maqnaada fadhiyada golaha shacabka la marin doono waxa uu ka qabo xeer hoosaadka goluhu.

Hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed C/llaahi Nuux ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqan fadhiyada guud ee Baarlamaanka yihiin kooram buuxa oo dhan 143 Xildhibaan, madaama sida uu hadalka u dhigay fadhiga uu ku furmo 139 Xildhibaan.

Waa markii ugu horeysay oo guddoonka Golaha Shacabka uu ku dhawaaqo tirada xildhibaannada ka maqan Golaha Shacabka ee aan soo xaadirin kulamada iyo fadhiyada uu goluhu yeesho.

Loading...
Loading...